Nairobi: (V.O.N):-Afeef.Qisao daan Waxeey ku dhacday Gabar Soomaaliyeed oo haadan ku nool Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,Waana Qiso aad u Xanuun badan Haseyeeshee Magaca Gabdhaan ayaa diiday in la daabaco Balse Waxeey ku soo Koobtay oo Kamliya A.M.
Qeybtii Koowaad ee Qisadaan
Magaceygu Waa A.M Waxaan ku dhashay kuna soo barbaary Magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo aan ku noolaa intii aan garaadsaday 4Jirkaygii ilaa 18-jirkaygii , halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashadaydii Dugsiga Hoose/Dhexe ku dhamaystay.
Maalin Maalmaha ka mid ah waxaan isbaranay Wiil laguu Magacaabo Mahad waxuun ka mid ahaa dhalinta aan isla jaan qaadnay inkastoo uu iga waynaa da’ahaan ilaa 8 sano sida aad ogtihiinba da’da raga iyo dumarka farqi baa u dhexeey.
Aniga iyo Mahad waxaan ahayn laba qof oo ku soo barbaaray jacayl walaalnimo oo aad u fog iskuna xog iyo xuuraan ah, waayo waxaan ahayn deris isku degaan ah (Xaafad ah) waxaan ahaa walaashiis oo kale isaguna walaalkay oo kale.
Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah iyadoo xilli uu roob ka da’ayay deegaanka Balcad dhulka tigaadu buuxisay in uu iigu yimid gurigayga oo aan ka fogayn gurigooda wuxuuna ii sheegay in uu doonayo in aan aadno riwaayad socotay Habeenkaas oo Xiligaasi aad loo xiisaynayay.
Kama diidi karin codsigiisa waayo waxaan ahayn laba ruux aad isugu weynaay, waxaan u sheegay in uu ii soo noqdo si aan isugu diyaariyo, isagana hadal kama soo celinin waa uu iga ogolaaday, waxaana caado noo ahayd in aan isu weheshano riwaayadaha, aroosyada, garoomada ciyaarahu waxay noo ahaayeen kuwo noloshayada ka mid ah, Waayo isagaa wata gaari noo sahla aadista goobahas.
Waqti yar kaddib buu soo noqday anigoo diyaar ah waxaan u jaan qaadnay xagii degmada oo hayd halka riwaayada 15-ka Shumeey habeenkaa lagu dhigay dadkuna aad ugu buuqsanaa,laakiin Nasiib wanaag anagu waa haysanay tigitka oo Mahad baa soo gooyey intii aan is diyaarinayey, si fudud baan albaabka u gudubnay, Kadib daawashadii riwaayada oo aad u xiiso badnay, ayuu iga codsaday in aan magaalada dibada uga baxno, waana ka aqbalay waxaan Tagnay aaga u dhexeeya Dugsiga sare iyo Mashruuca oo aad u qurux badnaa, Markaa iyada ah anigu Mahad uma hayo wax dhaafsiisan Jacayl walaalnimo, balse isagu mid ka duwan ayuu wataa sidii uu iigu soo gudbiyeyna waa sidan:
Mahad: Walaal A…m ma ogtahy in aan aad kuu jeclahy………..
A.M: Haa oo aniguba waan ku jeclay mid walaalnimo.
Mahad: Laakiin anigu waxaan kuu jeclahay si dhab ah ……
A.M: Oo Hadaa ma kaygaa dheel ah maxaa walaalinimo ka fiican?.
Mahad: Waa ogahay in walaanimo qaali tahay, lakiin aniga waxaa ila soo gudboonaaday hami iyo Arrimo kale oo la xiriira Jacaylka aan kuu qabo oo iga ah dhab in aan nolosha kula qaybsado baana iga go’an.
Runtii waxay igu noqotay fajac si aan ku aqbalo ma aqaan si aan ku diidana, waxaanse ka codsaday in uu isiiyo waqti aan ku soo fekero, waana iga ogolaaday.
Waxaan ahaa gabar markaa soo kacday oo aan weli cid la sheeko wadaagin marka laga reebo Mahad iyo C/salaan oo mid walaalnimo naga dhaxaysay mooyee, hadaba waxaan ka badin waayey in aan aqbalo codsigii Mahad uu ii soo bandhigay.
Waa habeen Isniin ah, Jawigu waa mid aad u qurux badan, waxaan ku kulanay goob gawaarida Taxi laga kireeyo anigoo soo sagootiyey gabar aan isku galaas nahay, wuxuu igu yiri aan idin qaado si aan hadhaw isugu keliyasano waana ka aqbalay, markii aan khadiijo
xaafadoodii gaynay kadib waxaan beegsanay dibada Magaalada, Waxaan xulanay meel aad u qurux badan ayuu si haleel ah su’aal i waydiiyey?
A.M maxaad iiga haysaa codsigaygii..? Aad baan u naxay waayo xishoodku waa ii saamixi wayday in aan markiiba iraahdo waa aqbalay, markaan cabaar aamusnaa ayuu mar kale yiri “Miyaanan u qalmin in aan ku jeclaado..?.” mar kale ayaan argagaxay oo aan ka naxay hadalkaan dambe waxaana ugu jawaabay anigoo jaraynaya “Waad u qalantaa walaal waana
aqbalay”
Runtii markii aan sidaasi dhahay Mahad aad buiu u farxay wuuna isgu soii baaday isagoo hab isiiyay.
Sheeko badan oo farxad ku dheehan tahay baan habeenkii meeshaasi ku wada qaaday,anigoo aad u xishoonayo Saacado kadib waxaansoo wajahnay goob laga cunteeyo si aan uga casheyno,markii aan Cashad Dhameysanay waxaa soo aadnay xaafadeyna si aan u kala aadno hoygeena,wuxuu igu soo qaaday gaarigiisa,markii aan imaany gurigeyga waan is macsalaameyna sidaasi ayaan ku kala tagnay.
Habeenkaa oo ay Taariikhdu waxay ahayd 16/6/2005 wixii ka danbeeyey ilaa laga gaaro 1/2/2008 kii waxaan ka noqonay Xaafedeyna kuwo lagu halqabsado marka Jacayl laga hadlayo Nasiib daro waxay na soo wajahaday markii ay dagaaladii Itooboyaanka ka bilowdeen Soomaliya ayaa si lama filaan ah u kala fogaanay anagoo aan kal aqaadan wax adrees ah
weliba midka kale uusan aqoon meel uu aaday.
Maxaa Xigay? Ma is helnay? Xanuunkii Jaceyl ee Nairobi igu qabsaday? aaaaaaaaaaaaaah !!
Dhamaan Su’aalahaan Jawaabtooda Kala Soco Qeybta Labaad.
——————————————————————————————————————
Wixii Talo Dhaliil ama Caabasho ah Noogu Soo Hagaaji
Email:Codkaqaranka@gmail.com
Xafiiska Warqabadka Radio Codka Qaranka
Nairobi-Kena
Voice Of The Nation
Share
waxaan jaclahay wadan key ga