Muqdisho Oo Xalay Si weyn Looga Xusay 1da Luulyo

Published on July 1, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqristay:760

Waxaa Xalay si w eyn Magalaada Muqdisho looga Xusay Munaasabada 1da luulyo oo ah habeen ku weyn dhamaan Umada Soomaaliyeed ,iyadoona Munaasabado tan la mid ah ay ka dheceen dalka Gudihiisa iyo weliba Dibada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn shacbiga Soomaaliyeed guud ahaanba ugu hambalyeeyey Munaasabaddan  qiimaha leh waxaana uu Alle ka baryey in sanadkaan sanadkiisa uu Alle nagu gaarsiiyo Nabad,Barwaaqo iyo Hormar.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Hambalyada guud ee uu Shacabka Soomaaliyeed u diray waxa uu hadana si gaar ah ugu hambalyeeyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika oo iyagu si wadajir ah guullo ugasoo hooyey howlgallada dalka looga saarayo xarakada Al shabaab

“taariikhda Soomaaliya waa la yaqaanaa waa taariikh qoto dheer oo la wada yaqaan laakiin dad ayaa isku daya markasta iney taariikhdeena soo jireenka ah lumiyaan,dowladnimada iyo xoriyadanna kuma imaan ciyaar ciyaar dadkii dhiigga u hureyna gobanimada aan maanta ku damaashaadeyno Alle naxariistii Janno hanasiiyo”ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed mar uu ka hadlayey taariikhda xoriyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale ka hadlay dhibaatooyinka uu dalku ku yeeshay KMGka waxaana uu tilmaamay in KMGnimadu ay shacbiga iyo Dowladda Soomaaliyeed ka hor istaagtay xuquuq badan oo ay lahaayeen waayo ma jirto ayuu yiri xitaa hal Dowlad oo caalamka ka mid ah oo heshiis buuxa kula galeysa hadii aad ku jirtid KMG.

“Marxaladda soo socota waxey noqon doontaa Insha Allah mid dalku uu dib ugusoo kabto oo aan ka gudubno KMG islamarkaana aan dib u galno marxalad dib u dhis oo lasoo celiyo hay’adihii dowliga ahaa waxaanna soo gaarnay heshiisyo noo fududeynaya inaan marxaladaas galno oo aan u gudubno la xisaabtan shacab”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha oo sidoo kale ka hadlayey saameynta burburkii dalka ka dhacay ayuu tilmaamay in dhinacyada ugu badan ee uu saameeyey ay ka mid tahay Aqoontii oo ku burburtay waxaana uu xusay iney lagama maarmaan tahay in aqoon la helo si looga gudbo qabyaalad iyo maamul xumo.

Waalidiinta Soomaaliyeed ayuu ku booriyey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iney ubadkooda u horseedaan Waxbarasho oo waalid walba la doonayo inuu ka qeybqaato sidii uu ubadkiisa ugala dagaalami lahaa aqoon la’aanta ama jahliga waxaana uu intaasi raaciyey in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad maskax furan marka xaga Waxbarashada laga hadlayo, dowladuna ay dalal badan uga heysato fursad taageero la xiriirta Waxbarashada.

Waxa uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed baaq u diray dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool oo uu ku timaamay iney heleen fursado waxbarasho maantana uu dalkooda u baahanyahay lagana doonayo iney dib ugusoo laabtaan dalkooda hooyo si ay aqoontooda ugu faa’ideeyaan shacabkooda.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad islaannimadu ay soo gaartay ka hor inta aysan gaarin Madiina waxyaabaha cadeynaya iney Soomaalidu diinta ku ad adagtahay ku dhaqankeeda waxaa ka mid ah Afrika ma jiro wadan 100% muslim marka laga reebo Soomaaliya,ayadoo ay taasi ay jirto ayaa dhalinyaro marin habaabsan waxey isku dayeen iney magaca diinta dadka ku dhibaateeyaan ayagoo iska dhaadhiciyey iney Soomaalidu diinta ku ad adag yihiin balse Alle mahadii waa laga guuleystay maanta”ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu fariin nabadeed u diray kuwa weli ku fekeraya iney shacabkooda sii dhibaateeyaan waxaana uu ugu baaqay iney ka faa’ideystaan fursada cusub ee ay ka mid noqdaan hormarka iyo dib u dhiska dalkooda.

Share

Share

Readers Comments (0)




Arrimaha Bulshada

fgfyty-110x90

Hooyo u Dhalatay Dalka India Oo Canugeeda Ku Iibsatay Lacag Dhan 6$ dollar.

May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
codkaqaranka

Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan

May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
22

DAAWO SAWIRADDA: Haweeney iyadoo Hurdaysa Cunto Karsaneysa

May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
caweyska

DAAWO:Gabar Wariye Ah Oo Xafladii Arooskeeda Ka Carartay Si Ay Usoo Duubto ………….

April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u  dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
qiso-dhab-ah

Nin Gabar Uuu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaari Xamuul Ku Weeraray Gawaaridii Gelbiska Loo Diyaariyay

February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
hambalyo-dhalasho2

Hambalyo Dhalasho Farxad Leh:Qadro Ahmed Tuwad Iyo Seygeeda C/Casis Aaden Gaaba Oo Wiil Ugu Dhashay Kismaayo

January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah. 1.Hooyo Qadro  Ahmed  Tuwad 2.Aabo Suleman  ...
tahniyad

Tahniyad Aroos Farxad Leh Oo LOo Dirayo Lamaanaha Cali Sheikh Xassan Iyo Deeqo Cabdi Cisman.

January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah. 1-Aabo Cabdi Cisman. 2-Hooyo Khaadija Idiris 3-Aabo Sheikh Xassan ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
timthumb.php

6 Qodob Oo Ragga Ku Kalifta In Haweenka Ay Been u Sheegaan

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
TUUG

DAAWO:Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
timthumb.php

Astaamaha Lagu Kala Garan Karo Gabar Iyo Garoob!!!!!

January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
naag

Sir Culus:Baro Qaabka Ugu Fudud Ay Ku Raaxeysan Karaan Lamaane Kala Fog

January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
Muuqaal

DAAWO:Ila Qosolkii Aduunka Ugu Yaabka Badneed Oo La Soo Bandhigay

January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
qaliin

DAAWO: Naaga 3 Sano La Qabay Kadibna Isku Bedeshay Nin {Mucjiso}

January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
Xaaxo Macaan

Dumarka Raga Kama Cafimayaan Qodobadaan Xiliga Galmada

December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...

SHEEKOOYINKA

cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 13aad

October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 12aad

September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 11aad

September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 10aad

September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 9aad

September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 8aad

September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
crying-600x5361-300x2681

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 7aad

August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
crying-600x5361-300x268

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 6aad

August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 5aad

August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 4aad

August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...