Friday, April 25th, 2014

Ra’iisul Wasaare Gaas Oo Maanta La Kulmay Odayaasha Dhaqanka

Published on July 19, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqristay:693

Muqdisho 19, July, 2012: —–  Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa maanta ku booqday Odayaasha Dhaqanka xarunta uu shirku uga socdo.

Ugu horeyn Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya  Mudane: C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in  ay meel fiican marayso xulitaankii ergooyinka,  Odoyaashuna ay ku mashquul san yihiin sidii loo soo  dhamystiri lahaa inta dhiman ergooyinka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in lagu jiro diyaar garowgii ugu danbeeyey oo lagu furi lahaa shir weynihii ansixinta Dastuurka.

Sidoo kale Wasiirka Qorshaynta iyo  Iskaashiga Caalamiga Mudane: Cabdulahi  Goodax Barre ayaa isna xusay  in Odayaashu ay soo dadajiyaan inta harsan  Ergooyinka soona gudbiyaan xildhibaanada  iyagoo ku soo xulaya sida Dastuurka ku cad in da’adiisu tahay  25-70 jir, Muslim ah, Muwaadin Soomaali ah, iyo in aqoontiisu tahay dugsi sare iyo wixii ka sareeya.

Gudoomiyaha Gudiga Khilaafaadka Odoyaasha Dhaqanka Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in inta badan ay soo gudbiyeen Ergooyinka inta hartayna ku howlan yihiin sidii ay u soo gudbin lahaayeen ilaa maanta ama barito, isla markaan howshii loo xilsaaray Gudiga khilaafaadka Odayaasha Dhaqanka ay meel wanaagsan marayso kuna guda jiraan xalinta khilaafaadka yar yare ee ka dhex  jira Odayaasha Dhaqanka.

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM Mr Peter Declerq ayaa u mahadceliyaya Odayaasha dhaqanka, Wuxuuna sheegay in Madaxda dowladda ay ka go’an tahay sidii looga bixi lahaa KMG islamarkaana wuxuu tilmaamay in 30% ay helaan Haweenka Soomaaliyeed ayna si gaar ah ula socon doonaan dowrka haweenka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa uga mahadceliyey Odayaasha dhaqanka howsha adag ee ay gacanta ku hayaan wuxuuna Odayaasha ka codsaday  iney Gudiga Khilaafaadka la shaqeeyaan si howsha ansixinta Dastuurka iyo soo xulida xildhibaanadu u fududaato.

Share

Readers Comments (0)



Arrimaha Bulshada

Ok

DAAWO:Barnaamijy Qiiro Leh “U Hiili Boqor Iyo Bartamaha By:Maryan Seylac

March 24, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Barnaamijka Bulsho ee ka Baxa Royal TV- ayaa shalayto waxaa soo-saaraha iyo soo-jeediyaha barnaamijkaasi, Maryan Saylac ay ...
ganaax_1

DAAWO:Arin Yaab Leh Oo Dhexmartay Gabar Yar Oo Sedex Jir ah Iyo Boliiska Mareykanka

March 20, 2014
Florida: (V.O.N):-Sheeko layaab leh oo ka dhacday Magaalada Florida ee Dalka Mareykanka ayaa soo jiidatay Warbaahinta Caalamka kadib ...
Cawaale22

DHAGEYSO:Al-Fanaan Cawaale Aadan Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasi ah

March 1, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Fanaanka Caanka ee Reer Jabuuti Cawaale Aadan oo ku Sugan Dalka Canada ayaa Ka sheekeeyay taariikhdiisa Dhanka ...
Guulled Adan

QISO Xanuunbadan:Bur Burkii Jaceylkeyga Waxaa Gacan Weyn Ka Geystay Saaxiibkeyga Qeybtii 2aad

February 27, 2014
   Muqdisho: (V.O.N):-Qisadaani ayaa ah mid cajiib oo marka aan diyaarinaye runtii dareen  badan igu abuurtay ayaan waxaan ka ...
guuled 3

(Guuleed Aadan Muuse):- Bur Burkii Jaceylkeyga Waxaa Gacan Weyn Ka Geystay Saaxiibkeyga (Qiso Jaceyl Oo Xanuun Badan Qeybtii 1 Kowaad)

February 11, 2014
waxaan salaamayaa aqristayaasha Sharafta leh salaan qaali ah salaan iyo bariido dabadeed ereyadaan waa kuwo kasoo burqanaayo qalibi nusqaamay ...
Abdifitah

DAAWO:Fanaan Caan Ah Oo Shaaciyay Inuu Fanka Isaga Baxay Codsadayna In Loo Duceeyo

January 19, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Fanaanka da'da yar ee sida weyn loo Taageero alfanaan Cabdifatah Axmed Tacabir (Cabdifitax Yare) ayaa sheegay inuu isaga ...
imagesCAIM9619

Cunug Mucjiso Ah Oo Ku Dhashay Israa’iil, Iyo Yahuuda Oo Ka Argagaxsan+SAWIRO

January 13, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Warbaahinta Israel ayaa baahisay in Magaalada madaxda Dalkaasi uu ku dhashay Wiil yar oo leh Hal il, ...
akshay-katrina-4

8-Da Jilaa Ee Ugu Dheesha Wanaagsanaa Bollywoodka.

January 1, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Akhristayaasha Sharafta leh ee Shabakadan Wardaye.com waxaan Aalaba usoo gudbineynaa Wararka ugu Xiisaha badan Dunida Sida Siyaasadda ...
15-300x225

Arin Naxdin Leh Oo Ka Dhaxday Muqdisho+Sawiro

December 31, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Maamulka Cusbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir ayaa Faah Faahin ka bixiyay laba Caruur Mataano ah oo ...
download12

Naxdin:Daawo Sheekh Umal Oo Yaab Leh Uga Jawaabay Galmada Afka

December 30, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Sheekh Umal oo ka mid ah Culimada aqoonta durugsan u leh ayaa waxaa la weydiiyay Su’aalo badan ...
1

Caruus Ka Dhuuntay Xaaskiisa In Lagu Guda jiray Xafladii Arooska

November 27, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Caruuskii ayaa ka dib dhacay in uu yimaado xafladii Guri gaynynta , durbana mid ka mida martida ...
1

DAAWO: Sawirada Ninka Dunida ugu Ilkaha Adag

November 11, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Andariis Jaardayn oo ah 64 jir ayaa loo aqoonsaday ninka ugu ilkaha adag waxaana ka mid noqday ...
sawir Mucjiso

Dalka Thailand Oo Lagu Arkay Arin Mucjiyo Ah+SAWIRO

November 11, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Wadanka Thailand oo dhaca bariga fog ee Qaarada Aasiya ayaa waxa uu ka dhacday Arin mucjiso ah,kadib ...
images

FADEEXAD:Agaasime Musuqmaasuqay Mushaaraadka Shaqaalihiisa

November 9, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Agaasime Xasan Cali Geeseey oo ah Rugcadaa Saxaafdeed , ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah Idaaccadaha ...
Hore

Daawo Video: Qaladkii Ugu Weynaa Ee Uu galo Wariye TV Ka Howlgala Taariikhda

November 5, 2013
London : (V.O.N):- Inta Badan Wariyaasha calamka ayaa  Qaladaad gala iyagoo warka Akhrinaya Sida wariyaasha Soomaalidaba  Qaladadka U galaan. Hadaba ...
%d bloggers like this: