Warar Kooban Oo Ku Saabsan Sida Loogu Dabaaldegay 1da Luulyo

Published on July 1, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqristay:643

Munaasabadda maalinta xorriyadda gobollada koonfureed iyo israacii waqooyi iyo koonfur ee 1-da Luulyo ayaa xalay iyo maanta looga dabbaaldegay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Gaalkacyo, Beledweyne, Boosaaso, Dhuusamarreeb, Nairobi, Qaahira, Cape-town iyo magaalooyin kale oo caalamka ka tirsan.

Muqdisho

Munaasabad maanta lagu qabtay garoonka cayaaraha ee Koonis ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, wasiirka ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, xildhibaanno, saraakiil ciidan, fannaaniin iyo dadweyne ka kala yimid 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay xafladda ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay ka baxaan dhibka ay ku jiraan, wuxuuna sheegay in dabaaldegga sanadkan uu ka duwan yahay kii sanadkii hore, maadaama garoonka Koonis uu sanadkii hore gacanta ugu jiray maleeshiyada al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xuska koowda Luulyo looga dabbaaldegayo dhammaan qeybaha kala gadisan ee dalka marka laga reebo deegaannada ay ka taliso al-Shabaab.

Garoowe

Sidoo kale, xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee Garoowe ayaa xalay laga xusay munaasabadda koowda Luulyo, iyadoo ay ka qeyb galeen madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Cabdisamad Cali Shire, xubno ka tirsan golaha xukuumadda, baarlamaanka, qeybaha bulshada, saraakiil ciidan, xubno ka socday Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale.

Waxaa xafladda lagu soo bandhigay ruwaayad iyo suugaan ka tarjumeysay sidii lagu hantay xorriyadda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdismad Cali Shire ayaa hambalyo ku aaddan maalintan u diray ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dhuusamarreeb

Xaflad ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen maamulka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo ururka dhallinyarada ee degmada Dhuusamareeb ayaa maanta lagu qabtay degmada Dhuusamarreeb ee gobolka Galgaduud.

Waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, haween, ururrada bulshada iyo dadweyne qaarkood ay ku lebisnaayeen calanka, kuwaas oo wejiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo raynrayn.

Madaxa arrimaha bulshada ee maamulka Ahlu Sunna Sheekh Cabdiweli Xaaji Diiriye oo ka hadlay goobta ayaa dadweynihii ka qeyb galay xafladda u sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo ay u soo halgameen dad Soomaaliyeed, loona baahan yahay in qaddariyo.

Xaflado kale ayaa waxay ka dhaceen degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana si aad ah loo adkeeyay goobaha ay ka dhacayeen xafladaha.

Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenyana dhismaha safaaradda Soomaalida ay ku leedahay waxaa lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qeyb galeen raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Somaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), siyaasiyiin kale, diblumaasiyiin, xildhibaanno, fanniin ay ka mid aheyd Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuuro) iyo kumannaan dadweyne ah.

Qaahira

Ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa soo qabanqaabiyay xaflad heer sare ah oo lagu xusayay maalinta koowda Luulyo.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar Dr. Cabdullaahi Xasan Maxamuud oo ka hadlay madasha ayaa ka taariikheeyay safarkii dheeraa ee geesiyadii Soomaaliyeed ay u galeen in ay iska kiciyaan heeryadii gumeystaha.

Cape Town

Dhinaca kale jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa magaalada Cape-town ku xustay maalinta xoriyadda, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas, madaxda jaaliyadda, aqoonyahanno, ganacsato iyo marti-sharaf kale.

Share

Readers Comments (0)




Arrimaha Bulshada

fgfyty-110x90

Hooyo u Dhalatay Dalka India Oo Canugeeda Ku Iibsatay Lacag Dhan 6$ dollar.

May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
codkaqaranka

Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan

May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
22

DAAWO SAWIRADDA: Haweeney iyadoo Hurdaysa Cunto Karsaneysa

May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
caweyska

DAAWO:Gabar Wariye Ah Oo Xafladii Arooskeeda Ka Carartay Si Ay Usoo Duubto ………….

April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u  dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
qiso-dhab-ah

Nin Gabar Uuu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaari Xamuul Ku Weeraray Gawaaridii Gelbiska Loo Diyaariyay

February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
hambalyo-dhalasho2

Hambalyo Dhalasho Farxad Leh:Qadro Ahmed Tuwad Iyo Seygeeda C/Casis Aaden Gaaba Oo Wiil Ugu Dhashay Kismaayo

January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah. 1.Hooyo Qadro  Ahmed  Tuwad 2.Aabo Suleman  ...
tahniyad

Tahniyad Aroos Farxad Leh Oo LOo Dirayo Lamaanaha Cali Sheikh Xassan Iyo Deeqo Cabdi Cisman.

January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah. 1-Aabo Cabdi Cisman. 2-Hooyo Khaadija Idiris 3-Aabo Sheikh Xassan ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
timthumb.php

6 Qodob Oo Ragga Ku Kalifta In Haweenka Ay Been u Sheegaan

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
TUUG

DAAWO:Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
timthumb.php

Astaamaha Lagu Kala Garan Karo Gabar Iyo Garoob!!!!!

January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
naag

Sir Culus:Baro Qaabka Ugu Fudud Ay Ku Raaxeysan Karaan Lamaane Kala Fog

January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
Muuqaal

DAAWO:Ila Qosolkii Aduunka Ugu Yaabka Badneed Oo La Soo Bandhigay

January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
qaliin

DAAWO: Naaga 3 Sano La Qabay Kadibna Isku Bedeshay Nin {Mucjiso}

January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
Xaaxo Macaan

Dumarka Raga Kama Cafimayaan Qodobadaan Xiliga Galmada

December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...

SHEEKOOYINKA

cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 13aad

October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 12aad

September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 11aad

September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 10aad

September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 9aad

September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 8aad

September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
crying-600x5361-300x2681

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 7aad

August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
crying-600x5361-300x268

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 6aad

August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 5aad

August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 4aad

August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...