Maxaad Ku Garan Kartaa In Haweneyda Ay Qaaday Uur Cusub?

Published on August 23, 2012 by   ·   4 Comments Waxaa Aqristay:22529

Nairobi: (V.O.N):-Waxaa jira dhowr calaamadood oo lagu garto inay haweeneydu uur qaadday, ha yeeshee calaamadahaasi middoodna keligeed kuma filna inay tusaale cad u noqoto jiritaanka uurka, balse waa in la helaa iyaga oo isku duuban si loo hubiyo in uur jiro.

1- Caadada oo istaagta:- Calaamooyinka lagu garto uurka bilawga ah tan ugu caansan, uguna saxsani waxa weeye caadada oo joogsata. Ha yeeshee, haddii ay dhacday faxlistu waxyar ka hor imaatinka dhiigga caadada, waxa suuragal ah inuu dhiiggaasi caadadu soo laabto bisha dambe, sababta oo ah xawadii u gudubtay ilma-galeenka ayaa dul meereysanaysa ugxan-sidaha iyada oo sugaysa ugxan soo baxda, taasi oon soo baxaynin ilaa ilma-galeenku dubka rogto xilliga caadada.

Haddaba waxaa laga yaabaa inay galmadu dhacday kahor dhiigga caadada, ha yeeshee faxlistu ay dhacday dhiiggaasi kadib. Arrintaasi dumarku ma garanayaan mana rumaysanayaan, iyada oo middood kolka dhakhtar ku yiraahdo uur ayaad leedahay, ku qaylisa (suuragal ma aha , caadaaba iga timid galmadii kadib eh sideen uur ku yeelan karaa?).

Waxaa marmar dhif ah dhacda in dumarka qaar ay dhowr jeer caadadu ka timaado inta ay uurka leeyihiin, ha yeeshee sida caadiga ah caadadu waa ay istaagtaa kolka uurku billowdo. Guud ahaan haweeneyda uu waqtigeeda caadadu u jadwalaysan yahay waxay xaq u leedahay inay isu qaadato qof uur leh kolka uu dhiiggu ka soo daaho waqtigii uu ka imaan jiray.

2- Matagga subaxdii:- Matagga subaxdii ay haweeneydu matagto waa calaamadda labaad oo lagu garan karo uurka. Uurjiifku waxa uu ka samaysmaa ugxanta hooyada iyo xawada aabbaha.

Haddaba maadaama dhismaha borotiineed ee xawadu uu ka duwan yahay kan jirka haweeneyda, waxaan shaki ku jirin in ay xawadu ku tahay jirkaasi soo galooti, taasi oo markaasi keenta in haweenka badankoodu ay ku sumoobaan usbuuca ugu horreeya uurka.

Jirka haweenku maalintii waa uu u adkaysan karaa sunta soo galootiga ah maadaama kilyaha, sambabada iyo qanjirrada dhididku ay si wanaagsan u shaqaynayaan, ha yeeshee kolka habeenkii shaqada xubnahaasi ay yaraato, suntii ayaa ku ururaysa dhiigga, kolka ay haweeneydu subaxdii hurdada ka toostana waxay billowdaa shuban iyo matag maadaama ay jirka bani’aadmiga caado u tahay inuu dibadda isaga saaro wixii sun ah ee soo gala.

Sidaasi ayuu mataggu subaxdii u yahay wax iska caadi ah, iyada oo looga dan leeyahay in dibadda looga saaro sunta gashay ilma-galeenka. Mataggu waxa uu billowdaa subaxdii isla marka ay haweeneydu hurdada ka toosto iyada oon wax cunin waxna cabin.

Waxaa mararka qaar dhacda inuu mataggu haayo maalintii oo dhan muddo dhowr bilood ah, una diido inay raashin qaadato, kuna dhaliyo caatanimo iyo tamar darri, isaga oo weliba mararka qaar gaarsiiya heer lagala gaaro dhakhtar ilmaha ka soo tuura si uu iyada u badbaadiyo, waase arrin dhif ah.

3- Ilma-galeenka oo ballaarta:- Mar kasta oo uurjiifku sii weynaadaba ilma-galeenku waa uu sii ballaartaa, dhakhtarkuna qalabkiisa gaarka ah ayuu arrintaasi kula socdaa, ha yeeshee haweeneyda uurka lihi ma dareento inta uu ilma-galeenkeedu weynaanayo.

4- Ibaha naasaha oo midabbaysta:- Ibaha naasuhu bilaha dambe ee uurka waxay yeeshaan midab aad u madoow. Sidoo kale waxaa samaysma khadka dhexe ee isku xira xuddunta iyo bisaqleyda, kaasi oo baaba’a kolka ay haweeneydu umusho.

5- Caloosha oo buurata:- Dumarka kuwooda khibradda yari waxay u qaataan in usbuuca horeba caloosha buurani ay uur sheegayso, mana garanayaan in aan uurjiifka caloosha laga dul garan karin ilaa laga gaaro bisha shanaad, isaga oo wixii marxaladdaasi ka horreeya si tartiib-tartiib ah u sii weynaanaya ilaa uu soo muuqdo.

6- Dhaqdhaqaaqa uurjiifka:- Dareeraha lagu magacaabo (Aminotic) ayuu uurjiifku u dhex dabaashaa sidii rah berkad biyo ah ku dabaalanaya oo kale, isaga oo weliba sameeya dhaqdhaqaaq sida kan raha oo kale ah. Dhaqdhaqaaqaasi sida caadiga ah waxa uu billowdaa kadib kolka ay xubnaha uurjiifku koraan bartamaha xilliga uurka, kaasi oo ku beegan laga billaabo usbuuca 21aad.

7- Wallaca iyo degganaan la’aanta:- Waxaan shaki ku jirin in isbeddellada ku dhaca dhiiggu ay reebaan degganaan la’aan maskaxeed iyo mid nafsiyadeed intaba, arrinkaasi oo haweenka intooda badani u fasirtaan inuu yahay uur bilawgiis.

Waxaa kale oo haweeneyda ku billowda wallac, iyadoo ku dhex meereysata noocyada kala duwan ee cunto. Cuntooyinka qaar aad bay u qaadataa gaar ahaan kuwooda borotiinka iyo sokortu ay ku badan yihiin, iyada oo mar dalbata kalluun, mar cunta qajaar, mar wax dhanaan cabta mar kalena shukulaato yuuyuubata.

War iyo dhammaantiis, haweeneyda wallaca ahi waxa ay codsataa cuntooyin ka duwan kuweedii caadiga ahaa, waxaana laga yaabaa inay marmar jecleysato noocyo cunto yaab leh, sida iyada oo intay kalluun dubkiisa qaba saliid ku shiilato dabeeto isku sii deeysa. Isbeddelladaasi rabitaan waxaa barbar socda isbeddello kiimikaad oo ku dhaca dhiigga haweeneyda.

Wallucu waxa uu mararka qaar la yimaadaa isbeddel ku dhaca dabeecadda haweeneyda marka laga eego la dhaqanka ninkeeda, oo ama waxay u jeclaataa sidii ay awal u jaclayd si ka daran amaba waxaa dhiba araggiisa iskaba daa hadal iyo la dhaqan eh.

Nin dhallinyaro ah oo aynu saaxiibbo nahay baa dhowr sanadood kahor iiga sheekeeyey dhibaato ka qabsatay wallaca gabar ay isqabeen, waxaanu hadalkiisa ku billaabay sidatan: (Gabar baannu isjaclayn annaga oo weli dugsiga sare dhiganna. Kolkii aan waxbarashadii dhammeeyey ee aan shaqo billaabay baan gabadhii reerkeedii ka doontay, saa waa la’ii diiday. Aniga iyo gabadhii waxaynu go’aansannay inaynu isguursanno, maadaama aan masruufan karo. Waanan isguursannay oo guri jacayl degnay.

Waxaynu subag iyo malab isu ahaannaba, dhowr bilood kadib bay gabadhii la soo baxday dabeecad hor leh. Waxay billowday inay sabab iyo sabab la’aanba iska kay caaydo, qoladayda caaydo, quruxdeyda caaydo, shaqadeyda caaydo!. Ay indhaha isaaraysaba intay shaqaday haysay faraha ka qaaddo bay caay af-labadii iila soo fariisataa.

Waxaan go’aan ku gaaray in aan ka dhuunto, oo habeenkiina imaado ayada oo hurudda, subaxdiina aroor hore ka dheelmado amaba meela kale soo seexdo.

Saa way iraadisaa, wax kale maaha eh si ay ii caaydo oo karaamadayda dhulka ugu masaxdo, anna waan ka cararaa.

Maalintii dambe ayay iga-kor-timid anigoo rag saaxiibadaya dhex fadhiya. Markay wixii caay dunida jiray soo afuuftay bay “ifur” kusoo af-jartay, anna illeyn dulqaad shalay baaba iigu dambeysay eh, saddexdeedii baan dusha ka saaray anigoon u sarrifin. Saa kalmad dambe ma ayan orane way iska dhaqaaqday.

Gurigii baan saacado kadib tegey, si aan waxaan duunyo lahaa uga qaato ayadana reerkeedii ugu diro.

- War nacas yahaw wallac baan ahaye maxaad iigu dulqaadan weyday!!!.

Intaa markay tiri baan sidii nin baraf ku da’ay gebigay qarqaray. Waa ubad kii iigu horreeyey, waa gabadhaan dumar oo dhan ka doortay oon weliba reerkeedii isku dilnay, waa saddex dalqadood!!.

- Naa inkaar qabto, maxaad iigu sheegi weyday sidaa uma degdegeene!!.

Waa cudur daawa beelaye, halkii baa lagu kala dareeray. Gabadhii wiil bay dhashay iminka toban jir dhaafay, ha yeeshee taan dumaroo dhan ka doortay dib la’isuguma soo noqon ).

Haddaba sidii horeba loo yiri (cudurka oo waxa uu yahay la gartaa waa daweeyntiisa barkeed), haweeneyda ogsoon degganaan la’aanta ku soo korortay inay ka dhalatay uur ay qaadday, waxay u dhaqantaa si aad uga wanaagsan tan aan garanayn meel looga yimid una haysata inuu cudur halis ahi haayo.

Waxaan shaki ku jirin in ogaanshahaasi uu ku dhiirri gelinayo inay u dul qaadato uurka iyo dhibaatooyinkiisa, wax walibana u hurto hooyanimada ku soo fool leh.

Waxaa haddaba waajib ku ah bulshada ay ku dhex nooshahay oo uu ninkeedu ugu horreeyo inay ahmiyad siiyaan waxyaabaha ay jammanayso, una dulyeeshaan isbeddellada ku yimaada dabeecaddeeda, kana waantoobaan inay ku jees-jeesaan wallaceeda. Waa inay ku dadaalaan sidii ay haweeneydaasi miskiinta ah ugu tari lahaayeen wax allaale iyo wixii ay awooddoodu saamaxayso, ilaa iyo inta ay ka baxayso ciriiriga ay ku jirto uguna soo noqonayso xaaladdeedii caadiga ahayd.

Wixii Talo Dhaliil ama Caabasho ah Noogu Soo Hagaaji

Email:Codkaqaranka@gmail.com

Xafiiska Warqabadka Radio Codka Qaranka 

Nairobi-Kenya

Voice of The Nation

Share

Readers Comments (4)

  1. mohamud omar egal says:

    ANIGO AH MOHAMUDBURCAWI: HORTA RUNTI STEP’S KAN AD MESHA KUSO BAN DHIGTEN MAMULKA SHABAKADA HADA TIHIN AD BAD UGU MAHAD SANTIHIN BECAUSE OF DAD BADAN AYAAD KU DHIRI GALINEYSAN AMA U CAQLIYEY NEYSAN BA AN IDHAHE KOLEY WAXA LA ODHAN KARA QOF WAX SO ARKEY AYA STEP’S KAN QOREY LOOOOOOOL NIN SO JABEY BA JAB LAGA WARES TAYEE HADA BA DULUC DIYO U JEDADA FIKIR KEYGA KU ADAN WAXA WEYAN ANIGO WALI BA WAXNA SO ARKIN IN LAGA SAFRO NAGTU MARKA AY WALACA BILOW DO WAA HADII AY MACQUL TAHEY as possible WAYO SABABTO AH WAXA KU JIRTA MASLAXADA ILALINTA JACEYLKA IYO GURIGA BA.

  2. cumar cali nuur says:

    waa yaab naag xaamilo sidee u furmee waa qalad arinkan wiilka uu sameeyay 3naag kuma furanto

  3. Astur says:

    Ragu hadulqaatan marka ay walaca yihin

  4. Nasriin says:

    Waa qalad wax lagu furay naagta




Arrimaha Bulshada

fgfyty-110x90

Hooyo u Dhalatay Dalka India Oo Canugeeda Ku Iibsatay Lacag Dhan 6$ dollar.

May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
codkaqaranka

Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan

May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
22

DAAWO SAWIRADDA: Haweeney iyadoo Hurdaysa Cunto Karsaneysa

May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
caweyska

DAAWO:Gabar Wariye Ah Oo Xafladii Arooskeeda Ka Carartay Si Ay Usoo Duubto ………….

April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u  dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
qiso-dhab-ah

Nin Gabar Uuu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaari Xamuul Ku Weeraray Gawaaridii Gelbiska Loo Diyaariyay

February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
hambalyo-dhalasho2

Hambalyo Dhalasho Farxad Leh:Qadro Ahmed Tuwad Iyo Seygeeda C/Casis Aaden Gaaba Oo Wiil Ugu Dhashay Kismaayo

January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah. 1.Hooyo Qadro  Ahmed  Tuwad 2.Aabo Suleman  ...
tahniyad

Tahniyad Aroos Farxad Leh Oo LOo Dirayo Lamaanaha Cali Sheikh Xassan Iyo Deeqo Cabdi Cisman.

January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah. 1-Aabo Cabdi Cisman. 2-Hooyo Khaadija Idiris 3-Aabo Sheikh Xassan ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
timthumb.php

6 Qodob Oo Ragga Ku Kalifta In Haweenka Ay Been u Sheegaan

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
TUUG

DAAWO:Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
timthumb.php

Astaamaha Lagu Kala Garan Karo Gabar Iyo Garoob!!!!!

January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
naag

Sir Culus:Baro Qaabka Ugu Fudud Ay Ku Raaxeysan Karaan Lamaane Kala Fog

January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
Muuqaal

DAAWO:Ila Qosolkii Aduunka Ugu Yaabka Badneed Oo La Soo Bandhigay

January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
qaliin

DAAWO: Naaga 3 Sano La Qabay Kadibna Isku Bedeshay Nin {Mucjiso}

January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
Xaaxo Macaan

Dumarka Raga Kama Cafimayaan Qodobadaan Xiliga Galmada

December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...

SHEEKOOYINKA

cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 13aad

October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 12aad

September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 11aad

September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 10aad

September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 9aad

September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 8aad

September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
crying-600x5361-300x2681

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 7aad

August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
crying-600x5361-300x268

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 6aad

August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 5aad

August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 4aad

August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...