Saturday, April 19th, 2014

Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee SYC Oo Baaq u Diray Odyaasha Soo Xulaya Baarlamaanka Cusub

Published on August 17, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqristay:1912

Nairobi: (V.O.N):-Ururka Xariirka dhalinmyarada Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Somali Youth Contact (SYC) ayaa baaq ujeediyay Odyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee  ku mashquulsan  xulida Xubnaha Baarlamanaka Soomaaliya  si ay baarlmaanka soo socda oo u nqodo baarlamaan  garanaya howsha loo idmaday isla markaana aqoon sare leh.

Gudoomiyaha Ururka C/llahi Maxamed Cali Iidle  oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay Odyaasha iyo gudiga Farsamada in ay iska dhaafaan is jiidjiidka iyo qilaafka faraha badan isla markaana ay ka faa’idaystaan waqtiga yar ee ay haystaan iyagoo eegaya aayaha umada soomaaliyeed oo muddo 20 sano ah ku soo jirtay dhibaatooyin kale duwan,

“Ururku Somali Youth Contact (SYC)  waxaa uu mar walba jecelyahay daganaasho ka hir gala dalkeena Soomaaliya  sidasa darteed waxaan Odyaasha ka codsanaynaa maadaam aay yihiin Indhihii bulashada loona xil saaray soo xulida Ha’yda sharci dajinta ee ugu sareeysa dalka in ay soo xulaan dad tayo leh una eegaan aqoontooda iyo qibrada ay uleeyihiin dalkooda hooyo ayuu yiri Gudoomiyahay Ururka Xariirka dhalinta Soomaaliyeed ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano SYC.

Ururkaan dhalinyarada ayaa ah Urur xili hore la aasaasay waxaana uu hadafkiisu yahay isku xirka dhalinyarada qaybahooda kala duwan waxaana inta badan uruku utaagnyahay udoodida xuquuqda dhalinyarta Soomaaliyeed isagoona sidoo kale ku dhiira galinya dhalinta Soomaaliyeed wax uqabashada dalkooda hooyo.

Ururkaan ayaa Page isku xira ku leh boga Facebook ee bulshada kuwada xariirta waxaana uu ugu tala galay page-kaas in ay dhalinta ku jirta ururka ee qaaradaha kala duwan jooga aragtiyadooda kale duwan isku dhaafsadaan isla markaana ujeedka iyo waxqabdka ururka lagu soo bandhigo.

www.Facebook.com/somaliyc

Hadaba si aad u Ogaato Ujeedka Ururkaan lagu Magacaabo SYC.

Halkaan ka Aqriso :Ujeedada iyo hadafka SYC.

Ururka shaqadiisa waxay tahay; isku keenista, mideynta talada, fikirka, maskaxda iyo awodooda dhalinyarada Soomaaliyeed. Wax uqabadka bulshada, hormarinta dalka, kuboorinta dhalinyarada qaadashada qalinka iyo buuga, iyo  kudadaalida qaranimada. Iyo cirib-tirka is naceebka, qabyaaladda iyo qoriga.

SYC uma dhisna dano shaqsiyadeed, dano gaar ah, Qabiil iyo Gobol midna, laakiin waxuu udhisan yahay danaha Soomaaliweyn, daryeelida iyo caawimaada dadka, iyo hormarinta dalka. Qofkasta oo Somali ah, leh caqli saliim, fakir wanaagsan iyo talo meel mar ah waa lagu soo dhawaynayaa kamid noqoshada SYC, waana loo baahanyahay fikirkiisa taladiisa, tageeradiisa iyo codkiisa, waana noo muhiim.

Lagama yaqaan SYC nin jeclaysi iyo ina adeer. Qofka waxuu wax ku noqon karaa aqoontiisa, howl karnimadiisa iyo in uu bulshada u dhanka wanaaga ujiheyn karo.

Wixii Talo Dhaliil ama Caabasho ah Noogu Soo Hagaaji

Email:Codkaqaranka@gmail.com

Xafiiska Warqabadka Radio Codka Qaranka 

Nairobi-Kena

Voice of The Nation

Share

Readers Comments (0)



Arrimaha Bulshada

Ok

DAAWO:Barnaamijy Qiiro Leh “U Hiili Boqor Iyo Bartamaha By:Maryan Seylac

March 24, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Barnaamijka Bulsho ee ka Baxa Royal TV- ayaa shalayto waxaa soo-saaraha iyo soo-jeediyaha barnaamijkaasi, Maryan Saylac ay ...
ganaax_1

DAAWO:Arin Yaab Leh Oo Dhexmartay Gabar Yar Oo Sedex Jir ah Iyo Boliiska Mareykanka

March 20, 2014
Florida: (V.O.N):-Sheeko layaab leh oo ka dhacday Magaalada Florida ee Dalka Mareykanka ayaa soo jiidatay Warbaahinta Caalamka kadib ...
Cawaale22

DHAGEYSO:Al-Fanaan Cawaale Aadan Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasi ah

March 1, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Fanaanka Caanka ee Reer Jabuuti Cawaale Aadan oo ku Sugan Dalka Canada ayaa Ka sheekeeyay taariikhdiisa Dhanka ...
Guulled Adan

QISO Xanuunbadan:Bur Burkii Jaceylkeyga Waxaa Gacan Weyn Ka Geystay Saaxiibkeyga Qeybtii 2aad

February 27, 2014
   Muqdisho: (V.O.N):-Qisadaani ayaa ah mid cajiib oo marka aan diyaarinaye runtii dareen  badan igu abuurtay ayaan waxaan ka ...
guuled 3

(Guuleed Aadan Muuse):- Bur Burkii Jaceylkeyga Waxaa Gacan Weyn Ka Geystay Saaxiibkeyga (Qiso Jaceyl Oo Xanuun Badan Qeybtii 1 Kowaad)

February 11, 2014
waxaan salaamayaa aqristayaasha Sharafta leh salaan qaali ah salaan iyo bariido dabadeed ereyadaan waa kuwo kasoo burqanaayo qalibi nusqaamay ...
Abdifitah

DAAWO:Fanaan Caan Ah Oo Shaaciyay Inuu Fanka Isaga Baxay Codsadayna In Loo Duceeyo

January 19, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Fanaanka da'da yar ee sida weyn loo Taageero alfanaan Cabdifatah Axmed Tacabir (Cabdifitax Yare) ayaa sheegay inuu isaga ...
imagesCAIM9619

Cunug Mucjiso Ah Oo Ku Dhashay Israa’iil, Iyo Yahuuda Oo Ka Argagaxsan+SAWIRO

January 13, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Warbaahinta Israel ayaa baahisay in Magaalada madaxda Dalkaasi uu ku dhashay Wiil yar oo leh Hal il, ...
akshay-katrina-4

8-Da Jilaa Ee Ugu Dheesha Wanaagsanaa Bollywoodka.

January 1, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Akhristayaasha Sharafta leh ee Shabakadan Wardaye.com waxaan Aalaba usoo gudbineynaa Wararka ugu Xiisaha badan Dunida Sida Siyaasadda ...
15-300x225

Arin Naxdin Leh Oo Ka Dhaxday Muqdisho+Sawiro

December 31, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Maamulka Cusbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir ayaa Faah Faahin ka bixiyay laba Caruur Mataano ah oo ...
download12

Naxdin:Daawo Sheekh Umal Oo Yaab Leh Uga Jawaabay Galmada Afka

December 30, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Sheekh Umal oo ka mid ah Culimada aqoonta durugsan u leh ayaa waxaa la weydiiyay Su’aalo badan ...
1

Caruus Ka Dhuuntay Xaaskiisa In Lagu Guda jiray Xafladii Arooska

November 27, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Caruuskii ayaa ka dib dhacay in uu yimaado xafladii Guri gaynynta , durbana mid ka mida martida ...
1

DAAWO: Sawirada Ninka Dunida ugu Ilkaha Adag

November 11, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Andariis Jaardayn oo ah 64 jir ayaa loo aqoonsaday ninka ugu ilkaha adag waxaana ka mid noqday ...
sawir Mucjiso

Dalka Thailand Oo Lagu Arkay Arin Mucjiyo Ah+SAWIRO

November 11, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Wadanka Thailand oo dhaca bariga fog ee Qaarada Aasiya ayaa waxa uu ka dhacday Arin mucjiso ah,kadib ...
images

FADEEXAD:Agaasime Musuqmaasuqay Mushaaraadka Shaqaalihiisa

November 9, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Agaasime Xasan Cali Geeseey oo ah Rugcadaa Saxaafdeed , ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah Idaaccadaha ...
Hore

Daawo Video: Qaladkii Ugu Weynaa Ee Uu galo Wariye TV Ka Howlgala Taariikhda

November 5, 2013
London : (V.O.N):- Inta Badan Wariyaasha calamka ayaa  Qaladaad gala iyagoo warka Akhrinaya Sida wariyaasha Soomaalidaba  Qaladadka U galaan. Hadaba ...
%d bloggers like this: