Muqdisho: (V.O.N):-Magaalada Kismaayo waa xarunta gobolka Jubada Hoose, magaalo ahaan waxay dhacdaa oo ay ka mid tahay magaalooyinka gobolada konfurta Soomaliya ku yaala kuwooda ugu waa weyn, magaaladu waxay leedahay illo dhaqaalo oo xoog badan taasi oo sabab u noqotay in taariikh ahaan ay ka badalnaato magaalooyinkakale ee dalka Soomaaliya marka loo fiiriyo marxaladihii dagaalada sokeeyaha ee soo maratya Magaalada Kismaayo .
Tusaale dagaalkii sokeeyaha ma ahayn kuwo ku kooban gobolka ay magaalo madaxda u tahay kismaayo, oo dhibaatooyinkii ahliga ahaa waxay saameeyeen dhamaan dhulka Soomaalidu ay ku abtirsato, deegaanada laga wada dharagsan yahay in dagaalkii sokeeyaha ee Soomaaliya si aad ah u saameeyay waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho, laakiin sidaas oo ay tahay Muqdisho waxaa si goobo goobeesi ah uga talin jiray in ka badan 12 hogaamiye koxeed oo waxay aheyd magaaladu mid la isla heysto.
Magaalada Kismaayase sidaasi waa ay ka badalneed oo beelihii ku dagaalamayay mid walba waxay ku qanacsaneed in ay iyadu si gaar ah uga taliso taasi oo sabab u noqotay in dagaalkii beelaha ee Kismaayo uu soo noqnoqdo.
Kismaayo waxay ka kooban tahay Shan xaafadood oo kala ah Farjano, Faanoole, Shaqaalaha, Calanley iyo Guul-wade oo uu aqoonsaday maamulkii Ibraahim Timo jilic ee kismaayo loo soo dhisay xiligii Dowladii marxuum Cabdulaahi Yuusuf, magaaladu waxay leedahay Airport iyo Deked caalami ah waana isha dhaqaalaha kaliya ee magaaladu ay ku tiirsan tahay marka laga reebo beeraha iyo xoolaha nool oo gobolka uu caan ku yahay.
Hadaba aan dib ugu soo noqdo cinwaanka maqaalkeyga ee ah “Kala sheegashada Kismaayo ka sheekeen bay u danbeen” Magaalada kismaayo waxaa soo maray maamulo badan oo hab dhaqankoodu uu kala badalan yahay tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumadii millatariga aheyd ee Jaalle Siyaad.
Maamuladii majaraha ay u hayeen Beelaha ee kismaayo soo maray ma jirin maamul ku dhisan rabitaanka dadka deegaan ahaan kismaayo ka soo jeedo, taasi waxay keentay in Beel walba ay u hanqaltaagto hanashada kismaayo Xoog iyo xeelad warbaahineed qaabka ay u hanan karto.
Afartii sano ee u danbeesay amni iyo xasilooni ay Al-Shabaab kismaayo ku soo daabuleen ka dib waxaa si iskiisa ah meesha uga baxay murankii la xiriiray u xaq lahaanshiyaha maamulka kismaayo ee beelaha deegaanka u dhaxeeyay,waxaa gabalkoodii dhacay Qab-qablayaashii beelaha deegaanka isku hubeenayay si ay u gaaraan dano siyaasadeed oo marinkiisuna uu yahay daadinta dhiiga soomaaliyeed.
Kenya oo taageereesa Maleeshiyo Beeleedyo ku af-macaansanaya Deegaanka iyo ciidamo la sheegay inay hoostagaan Dowlada soomaaliya ayaa guluf colaadeed ku qaaday G/jubooyinka, qabsashada kismaayase yoolka weerarkooda ayuu ahaa, waxaana taasi ay keentay kala shaki hor leh oo soo kala dhex galay maleeshiyo beeleedyadii ay Kenya soo diyaarsatay,ka dib hadalo warbaahinta la isu mariyay oo u muuqanayay kuwo mar kale dib loogu abuurayo dareen colaadeed oo beelaha la dhex dhigayo.
Qabsashada kismaayo waxaa u wada biro tumanaya kooxo dhowr ah oo dhamaantood aan isku hadaf aheyn, dano u gaar ah iyo la dagaalista Al-shabaab ayey ku midoobeen, Beelo la huwiyay magacyo ururo ayey ku wada abtirsadaan, Kaambooni waa urur gaar ah oo u hardamaya hanashada maamulka kismaayo, Ciidanka Dowlada inkastoo ay wataan magac qarameed hadana waxaa lagu xamanayaa inay yihiin ciidamo la isu keen keenay oo iyagu dano gaar ah lagu fushan rabo, waxaana hogaaminaya shaqsiyaad dhowr ah kuwaas oo aan si wanaagsan looga aqoonin kismaayo qaarkoodna aan taariikh fiican ku laheyn guud ahaan deegaanka Jubooyinka, waxaa kaloo jiro maleeshiyo beeleedyo iyaguna si gaar ah isugu magacaabay Ahlu-Sunnah Waljamaacah oo iyaguna isku uruursanaya deegaano dhanka Galbeed kismayo uga beegan, dagaalka warbaahinta ee durba ka dhex bilowday afhayeenada beelaha Shaarka Ururka wada xirtay waxa uu u muuqanayaa mid ay isku baacsanaayaan, buun-buuninta iyo dib u soo gocoshada colaadihii jaahiliga waxaa kaalin weyn ka qaadanaya websaadyo ay leeyihiin beelahaas magacyada Urarada la isu huwiyay.
Kenya oo iyadu leh ujeedo dhaqaalo iyo qodashada ceelasha shidaalka ee dhulka howdka ah ee jubooyinka ku buuxo ayaa isku hubeeneeso beelo deegaanka oo qaarkood uu khilaafaadyo muuqdo mudana soo jiitamayana uu ka dhaxeeyo, waxaana ujeedkeeda uu yahay in ay dagaal dhexdooda ah ku mashquuliso inta ay ku gudo jirto qodashada shidaalka laakiin soomaalidu waxay tiraahdaa Ratiga raran halka uu ku furto ayaan arki doonaa,
W/D:Maxamed Axmed Caaqil Yare
Sudan— Khartoum
Tel:-+249929803494
Share