Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Oo Si Weyn u Soo Dhoweyay Madaxweynaha Cusub Xasan Sh. Maxamud.

Published on September 17, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqristay:1399

Nairobi: (V.O.N):-Waxan si kal iyo laab ah ugu tahniyadeyneynaa u na soo dhoweyneynaa madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed prof. Xasan Sheekh Maxamuud, waxan na la garab taaganahay taageero buuxda oo daacad ah. Waxaa ididiilo iyo rajo weyn na geliyay sida wacan oo ku saleysan demoqaraadiyayda iyo dareenka soomalinimo ee loo soo dortay madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa bulshada soomaliyeed ugu riyaaqeen u na soo jiitay shakhsiyadda hufan iyo taariikh nololeedka prof. Hasan oo lagu tilmaamay qof ka hufan waxyaalihi foosha xumaa ee waayahan ka dhacay Soomaliyeed.

In kasta oo aan u baranay in muddo dheer dhagahayaga ku soo dhacaan war naxdin leh oo naga soo gaaraya wadanka, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxan maqleynay oo la soconay war loo riyaaqay oo rajo weyn iyo ididiilo na geliyay, sida shirkii Isimada iyo guddiyada lagu ansixinayay tastuurka, soo xulitaanki xildhibaanada, doorashadii gudoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeenadiisa, iyo habkii taariikhiga ahaa ee loo soo doortay madaxweynaha. Intaas oo dhan ayaa guud ahaan bulshada u wada riyaaqeen, si wadajir ah na u soo dhoweyeen.Waxan u rajeyneynaa madaweynaha iyo barlamaanka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed guul iyo nabad.

Fikradaya sida looga soo kabsankaro masiibadi ku habsatay Soomaaliya

Waxaa haboon in la isweydiiyo marka xil ka saaranyahaybadbaadada wadankan burburay?Waxaa soomalidu caado ka dhigatay in madaweyne iyo barlamaan la doorto oo hawsha looga hadhiistooo aan la taageerin.

Haddii la doonayo in burburka iyo baabaaSoomalidu ku jirto laga soo kabsado waa in qaybaha ilku saaranyahay laga helaa wada shaqeyn joogta ah.

Qaybaha xilku saaranyahay waa :

1. Ugu horeyn waa bulshada Soomaaliyeed oo dereenki wadaninimo ka maqanyahay, qabiil iyo qabqable na u horseedeen halaag iyo habow. Halaagi iyo burburki la soo dersay Soomaaliyaa 22 sano ee na soo dhaafay waa wax aan hadda ka hor dunida soo marin taariikhda na lagu xusin.Haddii aan intaas deri lagu qaadan oo dowgaas hoogga iyo halaagga noo horseedaya lagu sii jiro, wax rajo ah Soomaaliyaa ma laha, madaxweyne, barlamaan iyo wasiiro na wax ma ka qabankaraan.Bulsho dereen wadaninimo, soomaalinimo iyo muslinnimo ayaa maamul daacad ah loo dhisi karaa.waxan ugu yeereynaa qof kasta oo waxgarad ahi in uu si daacad ah xilka saaran u guto.Waxan ugu yeereynaa bulshada in ay tigelin weyn siiyaan murtiga dhaxalgalka ah ee ay noo dhaafeen abwaanadu.

Dugsi ma leha qabiil wuxuu dumiyo mooyaan.

Midnimo ayaa lagu meel maraa, mahad iyo guul lagu hanta.

2. Barlamaanka oo laga sugayo filaalintafulinta shariga wadan u degan iyo la shaqeynta dowladda iyo xiriirinta bulshada.Waxan la soconaa in xubna barlamaanka lagu soo xulay hab qabiil oo mid walba uu magac beeleed ku joogo golaha.Waxan ogsoonahay in qabiil yahay sababta qarankeeni u dumay masiibadu na Soomaaliyaa ugu habsatay.Hadaba, waxan xildhibaanada ugu yeereynaa ka na codsaneynaa in aad muujisaan dareen wadaninimo, soomaalinimo iyo muslinnimo oo aad dalka ka leexisaan dowga burrurka iyo halaagga oo aad u horseedaan nabad, horumar iyo sharf dowladnimo.
3. Madaxweynaha iyo dowladiisa oo laga sugayo in fahmaan ay na si daacad ah dhexda ugu xirtaan wax ka qabashada hawlaha qalafsan ee laga sugayo.

Waxa ugu horeya oo laga sugayo dowladda waa in ay dib u heshisiin dhab ah loogu yeeraa bulshada soomaaliyeed guud ahaan, waayo dad heshiis ah oo isu niyad fiyow ayaa wax wada qabsankara nabdgelyada dalka na sugi kara.

Dal iyo bulsho ba cadowggooda ugu weyni waa kan gudaha. Kuwi burburka iyo duliga u horseeday soomaaliyaa weli wadanka waa joogaan falkoodi xumaa na waa wadaan, in qaran dhismo na dantooda ma aha.Si wadanka nad loogu soo dabaalo waa in marka hore cadowga gudaha farta lagu fiiqaa oo wax la taaban karo na laga qabtaa.Haddii nabad maamul dowli ah oo daacad ah la helo sanad qura ayaa wadanka lagu dhisi karaa.Waxan ka sugeynaa Madaxweynaha in uu soo magacraabo raiisulwasaare aqoon iyo karti leh oo soo dhisa dowladda hanankarta howsha adage e laga sugayo in ay u qabato wadanka.

Soomaaliyeey Maanta waa maalintii hal ahaansho

 Prof. Maxamed Xareed cali

 

Share

Readers Comments (0)




Arrimaha Bulshada

fgfyty-110x90

Hooyo u Dhalatay Dalka India Oo Canugeeda Ku Iibsatay Lacag Dhan 6$ dollar.

May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
codkaqaranka

Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan

May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
22

DAAWO SAWIRADDA: Haweeney iyadoo Hurdaysa Cunto Karsaneysa

May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
caweyska

DAAWO:Gabar Wariye Ah Oo Xafladii Arooskeeda Ka Carartay Si Ay Usoo Duubto ………….

April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u  dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
qiso-dhab-ah

Nin Gabar Uuu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaari Xamuul Ku Weeraray Gawaaridii Gelbiska Loo Diyaariyay

February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
hambalyo-dhalasho2

Hambalyo Dhalasho Farxad Leh:Qadro Ahmed Tuwad Iyo Seygeeda C/Casis Aaden Gaaba Oo Wiil Ugu Dhashay Kismaayo

January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah. 1.Hooyo Qadro  Ahmed  Tuwad 2.Aabo Suleman  ...
tahniyad

Tahniyad Aroos Farxad Leh Oo LOo Dirayo Lamaanaha Cali Sheikh Xassan Iyo Deeqo Cabdi Cisman.

January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah. 1-Aabo Cabdi Cisman. 2-Hooyo Khaadija Idiris 3-Aabo Sheikh Xassan ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
timthumb.php

6 Qodob Oo Ragga Ku Kalifta In Haweenka Ay Been u Sheegaan

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
TUUG

DAAWO:Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
timthumb.php

Astaamaha Lagu Kala Garan Karo Gabar Iyo Garoob!!!!!

January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
naag

Sir Culus:Baro Qaabka Ugu Fudud Ay Ku Raaxeysan Karaan Lamaane Kala Fog

January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
Muuqaal

DAAWO:Ila Qosolkii Aduunka Ugu Yaabka Badneed Oo La Soo Bandhigay

January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
qaliin

DAAWO: Naaga 3 Sano La Qabay Kadibna Isku Bedeshay Nin {Mucjiso}

January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
Xaaxo Macaan

Dumarka Raga Kama Cafimayaan Qodobadaan Xiliga Galmada

December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...

SHEEKOOYINKA

cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 13aad

October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 12aad

September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 11aad

September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 10aad

September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 9aad

September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 8aad

September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
crying-600x5361-300x2681

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 7aad

August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
crying-600x5361-300x268

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 6aad

August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 5aad

August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 4aad

August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...