Nin Uureeyay Labo Gabdhood Oo Walaalo ah (Dhacdo Yaab leh)

Published on September 6, 2012 by   ·   13 Comments Waxaa Aqristay:36073

Nairobi: (V.O.N):-Nin u dhashay dalka India ayaa wuxuu ureeyay laba gabdhood oo walaalo ah, iyadoo ay dhacdadaan ka yaabisay malaayiin dad ah oo u dhashay dalka India, kuwaa oo siyaabooyin kala duwan uga hadlay.

Ninkaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Shah Sunni, labada hablood ee uu ureeyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Satiya iyo Latifa, waxayna deegaan ahaan ay kasoo jeedaan magaaladda Kalkata ee dalka India.

Shah Sunni iyo Satiya ayaa waxaa la-sheegay inay isku fasal ahaayeen, isla-markaana saacadaha ay guryaha joogaan ayaa waxay ka wada sheekeysan jireen teleefanadooda gacanta ah, halka xiliyada qaarkoodna ay iska soo wici jireen teleefanadii ugu jiray guryaha.

Galab galbaha kamid ah ayaa wuxuu Shah uu soo wacay teleefankii gacanta ee Satiya, hase yeeshee maysan ka qaban, wuxuuna durbaba uu si kedis ah u soo garaacay teleefankii guriga ee Satiya, balse waxaa ka qabatay Latifa, oo la-dhalatay Satiya, isla-markaana waxaa la-sheegay in durbaba uu ogaaday inaysan Satiya ahayn, waxaana la-sheegay in isaga oo iskala kaftamaayay uu u bilaabay sheeko.

Xilligaasi Latifa iskuma aysan aqoon gabadha la-dhalatay ee Satiya iyo Shah Sunni inay wada socdaan, deetana waxay iyadana bilowday inay dhinaceeda kala sheekeysato, taasoo keentay in ugu dambeentii ay si fiican isku bartaan, laakiin Shah ayaa waxaa la-sheegay in isaga ay ka ahayd oo qura in uu iska dhibo, laakiin taasi ayaa waxay keentay in Latifa ay muddo kadib u qaado jaceyl.

Iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay ayaa waxaa xilligaasi la-sheegay in Shah uu jaceyl u qabay Satiya, halka Latifa ay iyadu jaceshahay, iyagoo aysan is-ogeyn ayaa wuxuu la-kulmi jiray midba midda kale.

Siyaabo kala gooni gooni ah ayuu ula seexan jiray labadaan hablood ee walaalaha ah, isla-markaana waxaa labaduba kusoo baxay uur, waxaana ogaaday inay uur lee-yihiin hooyadeed oo lagu magacaabo Bhaja.

Waxaa la-ogaaday in Satiya iyo Latifa ay labaduba uur u lee-yihiin Shah Sunni, isla-markaana waxay ku war-geliyeen ciidamadda ammaanka ee magaaladda Kalkata, baaritaano dheer oo ay dowladdu sameysay ayaa waxaa la-ogaaday in Shah uu ureeyay labadaasi hablood ee walaalaha ah, hadase wuxuu ku xiran yahay Kalkata Station ee magaaladda Kalkata, waxayna labada qoys ay wadaan wada xaajood.

Ugu dambeen dhacdadaan ayaa waxay ka yaabisay malaayiin dad ah oo u dhashay dalka India, isla-markaana waxay u hadal-hayaan si weyn, waxayna dadku ku baaqeen in Shah lagu qaado ciqaab adag.

Wixii Talo Dhaliil ama Caabasho ah Noogu Soo Hagaaji

Email:Codkaqaranka@gmail.com

Xafiiska Warqabadka Radio Codka Qaranka 

Nairobi-Kenya

Voice Of The Nation

 

Share

Readers Comments (13)

  1. shacbaan says:

    Hhhhhhhh xariif iga dheh waaa shabeeeyl naagood gaaygaas waana dilaaay weyn lkn tan ayaa dhici rabtay lkn waa layaab wlhi in eey marqura uur u wada yeshan

  2. waa arin naxdin lagu tilmaamo nasiib daro.mida kale waxaanasiib daro in hadaad tihiin codkaqaranka aad idinkuna soo bandhigtaan kasaara.

  3. samatar cadde says:

    kkkkkk runti waa arin la yaab leh blse waxa xikmad ahan laga dheehan karaa in ay dumarku yihin alaab sidi larabo loo isticmalayo lkn waxan leyahay damaca faraha bdn ee dumarka wuxu sababi karaa dhacdo kasta oo ka dhacdo dunidan

  4. subxaana'Allah says:

    Magacyo Muslim bay leeyahiin waxaana u malaynayaaa inauguration Muslim yahiin. Feeble Ito fadeexo Ayaanle u Sheree rabbi kabaa’irkay falseness. ILAHAY HANA ASTURO INTEENE AAN SINAYSAN.

  5. subxaana'Allah says:

    Oh I meant that these girls and Guy have Muslim names so I think they are all Muslim. They must be ashamed and freely double guilty of fornication and public disgrace. May Allah protect Muslim sisters and brothers who don’t dare doing sin.

  6. shariif nuur says:

    Kkkkk waaa arin la yaab leh ninka wuxuu sameyey sida filimada india ayuu ka dhabeyay waxa dhihi kara waa xarfaan weyn

  7. Kkkkkkkk wa arin layableh hatane mucjisa war ninka caadi maha waba xarfan kkk

  8. cabaas says:

    asc kkkkkkkkkkk waa arin layaab leh lakiin waa cadho ALLE oo gaalada ku dhacda ee iska ilaaliya dadka muslimitaay ceebtan oo kale iyo cadaabka ALLE

  9. ahmed says:

    Hadaba halkaan waxaannu idin kugu soo gudbinaynaa dhowr qodob oo boorka looga jafayo had iyo jeer kalgaceylka ka dhaxeeyo lamaanaha si uusan khilaaf oo idil usoo kala dhex gelin, haddaba qodobadaan baro oo intaad isleedahay weey kaa caawinayaan xaaladaad hadda kusugantahay ka qaado.
    Ugu horeyn waxaa lagama maarmaan ah inaad lamaanahaaga kagala hadasho dareenkaaga oo aad usheegto sidaad dareemeysid iyo sidaad u jeceshahay, Usheeg isbadalka ku imaaday noloshada kadib isbarashadiinii, usheeg waxaad damacsantahay inaad soo qabsato maantay.
    Weeydii lamaanahaaga waxa aay jeceshahay iyo waxa aay necebtahay, oo noqo mid dabeecada qofka uu ladhaqmayo yaqaano, si aad ugu ilaaliso waxyaabaha keeni karo burburka qoyskaaga, noqo mid fahmi karo macnaha jaceylka si aad u noqoto jaceyl sameeye.
    Ha noqon mid lamaanihiisa kula dooda meel aay dad ka muuqdaan amaba caruurtaada hortooda, waayo taasi waxey sababtaa naceyb dhexdiina ka aloosmo kaasoo dhamaad yeelan, ogoow khilaafaadka qaar waa dhamaan karaan halka kuwa qaar aay adagtahay in la dhameeyo, sidaasi awgeed la coloow magaca khilaaf oo heshiis kadhigo magaca jaceyl.

  10. Deeqa muqtar says:

    Wllh wayab allaha naga kursho mid sida udhaqma

  11. Deeqa muqtar says:

    Codkaqaranka idinka wad mahadsntihn asxbta waxana idinka codsanena waxi dhaca in ad nagala so socodsisan si dagdag ah

  12. xabiibo says:

    waxaan dhihi lahaa ragoow ilaahey kabaqa marka hore oo gabar walashaa ookale ah oo kujecel haka faaideysanina ilahey dartiis uga baqa ugana carara. runtii raga wey lafududahay iney gabar maskiin ah jaceyl ku abuuraan hadana uur uyeelaan oo hadana deyriyaan oo fadeexeeyaan taas waxaan dhihi karaa cadaalad ma aha qof kujecel inaad saas ugashid ilaaheyna majeclo inkaar iyo isheeda kugu dhaceeyso. gabdhaha waxaan dhihi lahaa nimanka waa dhurwaa waana damac badan yihiin kuwo badan oo qalbigoodu jira iyo qurun kabuuxaan baa jiraa iska ilaaliya hana lakaliyoobina hana aaminina. iskana ilaaliya hadad aragtaan nin isqarinayo, isfaninayo, is oohinayo oo been badan waa calaamadadha kuwa qalbiga kajiran ilaahey hanaga qabto aniga iyo intii islaam ah.

  13. xaaji says:

    wawawawawawaw anina waxa ileh 3nag walala ah aya ileh uur seba wax yela




Arrimaha Bulshada

fgfyty-110x90

Hooyo u Dhalatay Dalka India Oo Canugeeda Ku Iibsatay Lacag Dhan 6$ dollar.

May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
codkaqaranka

Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan

May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
22

DAAWO SAWIRADDA: Haweeney iyadoo Hurdaysa Cunto Karsaneysa

May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
caweyska

DAAWO:Gabar Wariye Ah Oo Xafladii Arooskeeda Ka Carartay Si Ay Usoo Duubto ………….

April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u  dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
qiso-dhab-ah

Nin Gabar Uuu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaari Xamuul Ku Weeraray Gawaaridii Gelbiska Loo Diyaariyay

February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
hambalyo-dhalasho2

Hambalyo Dhalasho Farxad Leh:Qadro Ahmed Tuwad Iyo Seygeeda C/Casis Aaden Gaaba Oo Wiil Ugu Dhashay Kismaayo

January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah. 1.Hooyo Qadro  Ahmed  Tuwad 2.Aabo Suleman  ...
tahniyad

Tahniyad Aroos Farxad Leh Oo LOo Dirayo Lamaanaha Cali Sheikh Xassan Iyo Deeqo Cabdi Cisman.

January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah. 1-Aabo Cabdi Cisman. 2-Hooyo Khaadija Idiris 3-Aabo Sheikh Xassan ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
timthumb.php

6 Qodob Oo Ragga Ku Kalifta In Haweenka Ay Been u Sheegaan

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
TUUG

DAAWO:Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
timthumb.php

Astaamaha Lagu Kala Garan Karo Gabar Iyo Garoob!!!!!

January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
naag

Sir Culus:Baro Qaabka Ugu Fudud Ay Ku Raaxeysan Karaan Lamaane Kala Fog

January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
Muuqaal

DAAWO:Ila Qosolkii Aduunka Ugu Yaabka Badneed Oo La Soo Bandhigay

January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
qaliin

DAAWO: Naaga 3 Sano La Qabay Kadibna Isku Bedeshay Nin {Mucjiso}

January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
Xaaxo Macaan

Dumarka Raga Kama Cafimayaan Qodobadaan Xiliga Galmada

December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...

SHEEKOOYINKA

cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 13aad

October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 12aad

September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 11aad

September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 10aad

September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 9aad

September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 8aad

September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
crying-600x5361-300x2681

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 7aad

August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
crying-600x5361-300x268

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 6aad

August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 5aad

August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 4aad

August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...