Soomaaliya : Qaran ama Quus (Faalo Xog Rasmai ah)

Published on September 8, 2012 by   ·   3 Comments Waxaa Aqristay:4195

Nairobi: (V.O.N):-Astaamaha nabadeed iyo horumarada aan la qiyaasi karin ee markale ka soo birqay magalada Muqdisho ayaa meesha  ka saaray timaamihii rajo beelka  lahaa ee ku  daahay qabliyada dadweynaha Somaliyeed iyo bulshada ku dhaqan caalamka intiisa kale maadaama waxbadan ay u soo joogeen dadaalo iyo iskudayo farabadan oo  lagu doonayay  dib  u dhalashada qarankii burburay hase yeeshee lagu guuldraystay.

Isbadala dhabta ah

Isbadalada dhabta ah ee waqtigan ay la soo baxday Muqdisho waa tan  keentay in markale maanta ay martigalineyso markii ugu horeysay  madasha doorashada madaxtinimada ee dalka in kabadan 43 sanadood.

Daruuraha nabdeed ee is dultaagay caasimada Muqdisho waxay hiyikac ku beereen markale Somalida dibad joogta oo in muda ahba ka dhursugayay is furfuritaanka xaaladihii cakirnaa ee wadanka ka jiray mudadii 21 sano ee dagaalada ay ka holcayeen dalka Soomaaliya.

Sanadkii 2006 dii ayey ahayd markii sidan oo kale  ay billaabeen dibadjootu in dalka ay dib  ugu soo laabtaan maxaa yeelay saansaamihii nabadeed ee ay bilaabeen maxkamadihii Islaamiga ee uu hogaaminjiray madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed kuwaas oo ku guuleystay in ay dhaliyaan xasilooni iyo kala dambeyn mudo lix bilood gudaheeda.

Balse waxaa ay niyad jab keentay markii  xaaladu ay ka dartay lixdii bilood ka dib oo ay bilowdeen colaadihii ugu darnaa ee ebad  ka dhacay wadanka Somaliya tan iyo fashilkii 1991. Waxaa la dareemay biseylka baahida loo qabo nabada iyo is dhexqaadka bulshada, waxaana sii naxuusaya qadiyadeyntii qabaailka iyo islaqabweynidii ku jirtay qoysaska qaar ee walaalaha ahaa,

Musharaxiinta

Somaliya hada waxaa hortaagan musharixiin ku yimid jawiga qurxoon ee u bilowday wadanka,  kahor inta aysan dhicin doorashada madaxtinimo musharixiintu waxaa ay barlamaanka iyo shacabkaba u jeediyeen qudbado ay ku soo bandhigeen waxqabadkooda mustaqbalka marka la doorto.

Waa hab dimoqraadiyadeed marka  laga eego dhinaca wanaaga taasoo waxbadan kaga gadisan waqtigii dalka ay ka jireen dagaaladii ahliga ahaa, iyo kuwa ay horkacayaan xoogag islaamiyiin ah oo leh mayal adag.

Marxaladan waa mid soo dhoweyneysa waa cusub oo markale u barya dadka Somaliyeed, kaasoo la filayo in uu yeesho hogaan  furfuran, bulsho furfuran iyo dal horumarsan.

Waa hubaal in hada dadku ay  u hanqaltaagayaan dhameystirka Somliya halkii bari ay ka ahyed quus iyo qaranjab, waxaana tani ay ka marqaati kaceysaa dal buruburay dadkiisa ayaa dhisa.

Bilowgii aas aaska hanaankan cusub waxaa siweyn looga soo horjeestay ka qeybgalka siyaasadeed ee shaqsiyaadka lagu tuhunsanyahay in ay ku luglahaayeen dambiyo qaran ama la ogsoonyahay heerkooda aqooneed in uusan buuxin karin jagooyinka la isku doorto iyo kuwa aan  la isku dooran.

Run ahaantii magaalada caasimada ee Muqdisho ayey ka muuqataa fursada ay heshay wax ka yar sanad  iyo bar markii ay lugaha kala  baxday duufanadii colaadeed ee bulshada u diiday deganaashaha iyo nabada.

Dagaalada an dowga lahayn ee sida roobka ka di jiray gudaha magalada Muqdisho ayaa noqday kuwo laga sheekeeyo, dadkii ugu badnaa ee ka barakacay guryohooda sanadihii is xigay wixiika dambeeyay dulaankii Ethiopia ee sanadku markuu ahaa 2006 dii waxaa hada ay dibu ugu laabteen guryohoodii si nabada,

Tusaale-Doorashadii afhayeenka Barlamaanka ilaa iyo tan madaxweynaha waxaa laga dhadhansankaro ayaa ah in Somalidu ay danaheeda ku gaari karto dhookooda hooyo badalkii dibadaha ay u boqooli jireen hadana aan natiijo laga gaarin marnaba,

 Ahmiyada

Arinta muhiimada leh ayaa waxay ay tahay in ololaha nabadeed ee doorashada madaxtinimo ay musharixiintu ku tartamayaan aqoontooda, waxqabadkooda, iyo taageerada ay ka heystaan bulshada dhexdeeda, iyadoo aan la eegeynin qabiil, nin jeycleysi iyo musuqmaasuq, waxaana ay la midtahay sida iyagoo ciyaaraha kubada cagta oo heysta taageerayaal sporti oo hadii ninba kooxdiisa laga badiyo uusan muran ka keeni karin.

Sidaa owgeed fursadan Somalidu maanta ay heshay waxaa ku horgudban suasha ah Qaran ama quus oo ah hadii fursadan  noqoto mid laga faaideysto in la hali karo qaran Somaliyeed, balse hadii ay lunto ay xaajadu noqon doonto quus,

 W/Q:Maxamed  Nuxurkey

Source:Kulmiye Radio

Wixii Talo Dhaliil ama Caabasho ah Noogu Soo Hagaaj

Email:Codkaqaranka@gmail.com

Xafiiska Warqabadka Radio Codka Qaranka 

Nairobi-Kenya

Voice Of The Nation

Share

Readers Comments (3)

  1. Sxbayal wlh aad ayan uku farax sanahay nabada mcn e kadhalatay somali wana wax laku farxo in mudaha torasho somalia ka dhicin in maanta dib loki qabto masha alaah somaliya out ama qaran ama quus insha alaah somali hanolado Gool

  2. Masha alaah codka qaranka sxbyal horta waxaa muhima somalida iney fahando nabad wlh hatan nabad heli laheen qabyal aasi leheen wadangena hoyo ayan uso laban lahaa ilahow nabad nasii qosGii qabyaal naku qasbane qoorta Good ada qaadir ehe amin somalia wey is racdee ilahow noo dhameystir insha alah fali laahi xamdu

  3. Masha alaah codka qaranka wat mahadsandihiin sxbyal aad ayan u jeclahay codka qaranka somalia waxa laka darema sa saan badaded ilahow run nooka dhik add qaadir ehee amin ain isha alah somalia Gool




Arrimaha Bulshada

fgfyty-110x90

Hooyo u Dhalatay Dalka India Oo Canugeeda Ku Iibsatay Lacag Dhan 6$ dollar.

May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
codkaqaranka

Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan

May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
22

DAAWO SAWIRADDA: Haweeney iyadoo Hurdaysa Cunto Karsaneysa

May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
caweyska

DAAWO:Gabar Wariye Ah Oo Xafladii Arooskeeda Ka Carartay Si Ay Usoo Duubto ………….

April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u  dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
qiso-dhab-ah

Nin Gabar Uuu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaari Xamuul Ku Weeraray Gawaaridii Gelbiska Loo Diyaariyay

February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
hambalyo-dhalasho2

Hambalyo Dhalasho Farxad Leh:Qadro Ahmed Tuwad Iyo Seygeeda C/Casis Aaden Gaaba Oo Wiil Ugu Dhashay Kismaayo

January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah. 1.Hooyo Qadro  Ahmed  Tuwad 2.Aabo Suleman  ...
tahniyad

Tahniyad Aroos Farxad Leh Oo LOo Dirayo Lamaanaha Cali Sheikh Xassan Iyo Deeqo Cabdi Cisman.

January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah. 1-Aabo Cabdi Cisman. 2-Hooyo Khaadija Idiris 3-Aabo Sheikh Xassan ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
timthumb.php

6 Qodob Oo Ragga Ku Kalifta In Haweenka Ay Been u Sheegaan

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
TUUG

DAAWO:Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
timthumb.php

Astaamaha Lagu Kala Garan Karo Gabar Iyo Garoob!!!!!

January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
naag

Sir Culus:Baro Qaabka Ugu Fudud Ay Ku Raaxeysan Karaan Lamaane Kala Fog

January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
Muuqaal

DAAWO:Ila Qosolkii Aduunka Ugu Yaabka Badneed Oo La Soo Bandhigay

January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
qaliin

DAAWO: Naaga 3 Sano La Qabay Kadibna Isku Bedeshay Nin {Mucjiso}

January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
Xaaxo Macaan

Dumarka Raga Kama Cafimayaan Qodobadaan Xiliga Galmada

December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...

SHEEKOOYINKA

cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 13aad

October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 12aad

September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 11aad

September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 10aad

September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 9aad

September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 8aad

September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
crying-600x5361-300x2681

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 7aad

August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
crying-600x5361-300x268

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 6aad

August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 5aad

August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 4aad

August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...