Maxaad Ku Xasuusataa 21-ka October ?

Published on October 21, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqristay:2917

Nairobi: (V.O.N):-21-October Waaa Maalin ku weyn Umadda Soomaliyeed ,waxeeyna ku Asteesan tahay Maalinkii dalka Soomaaliya uu ka hirgalay kacaankii Soomaaliyeed ,kaasoo ay Col.Maxamed Siyaad Bare.
Hadaba waa muhiim in aan xasuusno Kacaankaas oo dalka Somalia ka hirgaliyay hormaro balaaran oo la taaban karo.

Sidoo kale kacaankaas waxaa lagu eedayaa in uu kow ka ahaa bur burkii dalka Soomaaliya hadaba aniga oo maanta Xusaya Maalintaan Taarikhiga ah aan ku hormaro wax qabadkii Kacaanka Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Maxamed siyaad Barre Allaha u naxariistee Waxaa uu ahaa hogaamiye daacad ah oo ay ku weyn tahay Soomaalinimada ,islamarkaana lahaa aragti hogaamiyenimo oo rasmi ah.sidoo kale Wuxuu ahaa halyay aan ka baqin waxkasta oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Col.Maxamed Siyaad waxaa uu Soomaaliya u horseeday in sanado yar gudohood ay ku gaarto heer aan wali la arag hadeey ahaan leheed bilicda iyo dib u dhiska dalka iyo weliba Cududa ciidan ay Soomaaliya ku faanto ilaa maanta oo burburkii dalka laga joogo inkabadan 22 Sano.

Hadii aan in yar ka tilmaamo waxqabkiisii aan ku horeeyo waxa loogu yeero isku fur furkii dalka.
Maalinkii kacaanku dhashay dalku ma lehayn hal wado oo laami ah,iaydoona kacan ka uu dhisay laamiga dheer ee isku xira Muqdisho ilaa Boosaaso kan isku xira Garowe ilaa Hargaysa kan isku xira Muqdisho Ilaa Baydhabo.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho waxaa uu kacaanku ka dhisay 27 wado oo laami ah iyo buundooyinka Balcad ,Afgooye ,Jowhar ,Baladwayne Buurhakaba ,Luuq iyo hamaan inta buundo ee uu Tog ama Wabi hoos maro ee ku taal dalka Soomaaliya.

Hadii aan intaas uga gudbo wadooyinka Kacaanku waxaa kale oo uu dalka ka hirgashay Warashado. Waxaanba dhihi karaa Kacaankii Warshadaha.

Waxaa hubaal biyo kama dhibcaan ah oo cidkasta oo caqli iyo cilmi iyo dareen wadaninimo lehi ka maqraadi kacaysaa in uu kacaanku ahaa kacaankii warshadaha.
Anagoo aan waligeen xataa hawaysan in aan abuuran karno warshado noocaas ah ayaa kacaanku waxaa uu si xasarad sare leh u hirgaliyay.
Warshadii Dharka ,Warshadihii sonkorta tii mareerey iyo tii Jowhar oo dib loo dayac tiray,Warshadii Taraqa iyo Sigaarka,Warshadii Sibirka, Warshadii Baastada iyo Burka Warshadii Rasaasta iyo hubka ciidanka, Warshadii Kaluunka ee Laasqoray, Warshadi Barafuunka. Iyo sidoo kale Warshado yar yar oo aan ka xusi karo Warshada galayda iyo Warshada caanaha.
Kacaankii Malitiriga ayaa sidoo kale dalka ka hirgaliyay Mashruucyo aad u tiro badan oo dhamaantood ahaa kuwa ku saleysan iskaa wax u qabso.

Maalinkii uu kacaanku dhashay dhamaan wasaarahada dalku waxaa ay daganaayeen hal guri oo kaliye ilaahayse waxaa uu qadaray in Wasaarad kastaa ay hesho dhismo aad u wayn oo ay mulki u leedahay. waliba wasaaradaha qaar ayaa labo iyo ka badan oo dhismooyin ah heley sida wasaarada Gaashaandhiga Qaranka ,Wasaarada Isboortiska ,Wasaarada Warfaafinta iyo Wasaarado dhowr ah.

Dhamaan dhismayaashaas waxaa lagu dhisay Mashruux aad u qurux badan oo lagu magcaabo iskaa wax u qabso iyo qarankaaga ha hagran taasoo horseeday in hor u mar balaaran laga gaaro dhinacyada Caafimaadka,Dhaqalaaha,Waxbarashada,Militariga iyo dib u dhiska Dalka.

Mashaariicdii uu hiogeliyay Kacaankii Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Mashruucii la dagaalanka Gaajada ee muhiimadiisu aheyd in qayraadka dalkeena aan ka faa,iidaysano gaar ahaan in haba yaraatee wax cuno ,biyo ama caano ah aanan uga baahan dibada ee isku filaansho rasmi ah aan gaarno,iyadoona uu ku gulaystay kacaanku waxaana si rasmi ah loogu guulaystay mashruucii Bariiska ee Mugaanbi iyo mashruucyadii kale ee dalka waxoo saarkiisa kor logu qaadayay.

Kacaankii ayaa guntiga dhiisha isaga dhigay in dalku uu helo koronto awood sare leh. Waxaana lagu guulaystay in la sameeyo biyo xireeeno dhalin kara awood koronto oo wada gaarta dalka sida kii Kuntu waaray.

Nasiib daro inkasta oo himiladaas inbadan ka hirgashay Soomaaliya hadana dalka ma aysan wada gaarin.

Masoo koobi karo waxqabadkii kacaankee bal markaan aan u bayro dhankaa iyo tacliinta,Waxaa hubal oo cidkasta oo Soomaali ah maanta abaal waara ka haysaa Mashruucii hirgalintii farta Afkeena hooyo taasna waxaa ku guulaystay Dowladii Kacaanka.

Waxaa sidoo kale kacaankii barakeysnaa uu wadanka ka hirgashey Waxbarasho lacag la,aan ah laga soo bilaabo iskuul hoose ilaa Jaamacad, xataa waxaa uu kacaankii barakeysnaa ku taamay in ardada dhigata dugsiyada sare iyo Jaamacadaha dalka ay helaan lacag guno ah siiba maalmaha fasaxa ah sida ,Iidaha ,Jimcayaasha iyo maalmaha dabaaldagyadu jiraan sida Maantoo kale.

Guushii waxbarasho ee uu kaancu dalka u horseeday ma ahan miod la tirin karo balse waxaan ku soo koobayaa in Soomaaliya sanado yar gudohood ayaa looga baahi tiray dhankasta oo aqoonah.

Waxaa la soo saaray Dhaqaatiir iyo Injineero ,Macalimiin ,Saraakiil ,Mufakiriin ,Siyaasiyiin,Saxafiyiin aqoon sare leh, islamarkaana lagu kalsoon yahay xirfadooda.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa faanoole fara kama qodna Hadii aan iraahdo waxaan qoramadaan ku soo koobayaa wax qabadkii kacaanka ,waa mid aan ii sugta galeyn balse markan aaan si kooban u xasuusano dhankaa iyo xoreyntiigobaladii dalka.

Waxaa Tawradii barakaeysneyd ,Kacaankii uu hogaaminayay alla ha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre uu boorka ka jafay himiladii umadan sharafta iyo cisiga leh,Waxaa uu kacaankaaan Barakeysan gaaracay laabyaashii sanadada badan ku taamayay maalin uun in ay arki doonaan Sooomaaliya oo wada xor ah.

Waxaa uu kacaankii Barakeysnaa buunka ka jafay damiirkii wadaniga ahaa ,waxaa uu ka dhiidhiiyay dulmigii foosha xumaa ee lagu hayay dadkeena Soomaaliyeed.

Waxaa ruxmay guud ahaan qalbiyada wadaniga ahaa waxaa soo caraftay maalintii lawada sugayay.
Waxay ay aheyd waajib wadani ah oo aan laga baaqsan karin,Waxaa dagaal geesinimo lagu ekeeyey gumeysigii madoobaa iyo kii saan cadaha ahaa ee ismodsiiyay in uu sii haysan karo ummadaan cisiga iyo karamada sareleh.
Ciidankii xooga dalka ee loo carbiyay sida heerka sare ah loona dhameystiray guud ahaan qalab iyo gaadid waxay u baahnaayeen ayaa u ruqaansaday dhankaa iyo goboladii gacanta ugu jiray gumeystayaashii caqli gaabyada ahaa.

Maalmo yar gudohood waxaa soo yeertay Jabuuti baa xorowday,Maalmo yar dabadeedna Dhulkii iyo cirkii ayaa isla dhawaaqay waxaa diyaaradhii xooga dalka Soomaaliyeed dul heehaabeen caasimadii xabashida,dhulkii ayaa la gariiray meel ay galaan ayay waayeen maalmo fara ku tiris ah ayaa lagu xoreeyey Jigjigo, Harar iyo Dirir Dhabe,Geesiyaashii maladayaasha ahaa waa ciidankii lagu ladaye waxaa ay sanka saareeen wadadii Addis Ababa gayn laheyd aan kuu soo koobee galbeed ayaa waxaa lagu xoreeyay maalmo fara ku tiris ah.

Sidoo kale waxaa godol cabsi keentay godladay Kenya waxay bilowday in ay Soomaaliya kabaha u qaado,Waxay bilowday in ay laaluush bixiso iyo baryo iyo sasabasho,Alla way oo way Soomaalidaa ku maah maahda
“Ninkii Qayrkiis loo xiirow adna soo qoyso” Kenya waxay ogeyd in seeftu ku socoto balse caql ibeey laheyd markay kaba qaadka noo noqtay waxay sicad oo aan ka laab laabasho laheyn u cadeysay in maalin cad ay ka guuri doonto gobalada NFD.
Alla way oo way ma, maanta ayay Kenya Shiidaalkeygii ubucdayda yaalay hawaystay aduunyoy waayo badan.
Waxaan xasuustaa in nin oday ahi ii sheegey maalin maalmaha ka mid ah oo ahayd maalin taarikhi ah in gabar ka mid ah gabdhihii xooga dalku ay inta u istaagtay si karti ,geesinimo iyo kalsooniyi ka muuqto u tiri Anaga gabdhaha ah kaliya hana loo daayo kenya.
Ragu waa in ay xoreeyaan Soomaaligabeed iyo Jabuuti. Kenya waxaa ku filan gabdhaha Soomaaliyeed,Wale shalay maanta ma ahan.

Aduunyoy Waala lay aduunyoy waayo badan maanta kenya waxay ku taamaysaa in ay mulkiso Magaalooyin iska daa in ay hawaysatee xataa sirdoonkeedu ka baqi jiray in uu galo.
Alla ciil iyo calool xumo waynaa Alla maanta awood yari badanaa. Waaan hubaa hadii dadkeygu midoobo ,hadii dadkeygu ka talaasulo qolkan yar ee qabiilka, hadii dadkaygu aragti wadani ah la yimaado in meeshii shalay iyo ka korba an gaari karno.
Su,aashuse waxay tahay dadkaygu waa dad noocee ah mase laga yabaa in ay ka tanaasulaan qolka yar ee qabiilka.Maya kolay rajada rabi lagama quusto laakin anigu rajo aad u badan kama qabo.

Waayo dadkeygu maanta waxay noqdeen riwaayad shaleemo ka shidan.Maalin walba waxaa xalfado loo qabta qabiil goboleed waxay isku xag xagtaan beel beel iyo jufo jufo. Waxay isku fiirsadaan si hoose oo liidnimo ah.
Cadowgeena soo jireenka ah waa ay ku kala hormaraan ,Ukala tar tamaan ,Una kala nacab leeyaan. Hubaashii waxaa hubaal biyo kama dhib caan ah in aan maanta u joogo ciil iyo coloolxumo wajigabax iyo yax yax.

Aniga oo Somali ah in aan adoon sanwayn aan u ahaado adoon waa maalin aduunyo iyo la joogeeda.

Ugu danbeyntii aan ku soo gaba gabeeyo talo aan usoo jeedinayo guud ahaan ummdan sharafta iyo cisiga leh ee Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada.

Walaalyaal dhalinyaro ma ogtihiin in mustaqbalkeeni lumay? Soo ma ogidin in aan ku soo kornay Ciil iyo Calool xumo, Qaxooti iyo Liidnimo, Gaajo iyo Dagaal!?.Walaalyaal Caruurteena ma wadadii aan soo marnay ayaan ku sii daynaa.Maya walaalayaal waxaa jirta Wada kale. Waxaan u horseedi karnaa Guul iyo Barwaaqo Sharaf iyo Cisi Aqoon iyo Dharag.Walaalyaal maanta waxaa wadankeenii ka hana qaaday hanaan Dowladnimo Ha iska lahaado dul duleelo laakin hadiii aanla shaqayno.

Macanaha hadii aan anagu iskaa wax u qabso kula shaqeyno.Hadii walaalayaal aan u istaagno aayaha dalkeena.
Hadii aan la shaqeyno ciidanka ,Wasaaradaha ,Hay,adaha amniga iyo guud ahaan dowlda oo hadafkeenu ahaado sidii aan ku soo ceshan laheyn sharaftenii iyo karaamadeenii. Hadii walaalayaal aan u shaqeyno si daacad ah wadaninimo ah.
Waan hubaa in aan soo noolaan doonaa hubaashii haa waan soo noolaan donaa.Waan soo ceshan karnaa sharfteenii.Haa gacmaheena ayaan ku soo ceshan karnaa.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Howl gurigaaga ayaa laga bilaabaa”Anigu waxaan la shaqeeyaa Dowlada Soomaaliya,Habeyn iyo maalin waan soo jeedaa waxaana u shaqeeyaa iskaa wax u qabso. Waxaana ku haminayaa in aan ka bad baadsho caruurtayda. Halaagii aan soo maray iyo foolxumada maanta qarankeenu Dhaxyaal walaalyaal idinkana sidaas ayaan idinka Rajaynaa.

Mahadsandiiin
W/D:Cali Aar Caroone
Aarcaroone@hotmail.com

Share

Readers Comments (0)




Arrimaha Bulshada

fgfyty-110x90

Hooyo u Dhalatay Dalka India Oo Canugeeda Ku Iibsatay Lacag Dhan 6$ dollar.

May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
codkaqaranka

Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan

May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
22

DAAWO SAWIRADDA: Haweeney iyadoo Hurdaysa Cunto Karsaneysa

May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
caweyska

DAAWO:Gabar Wariye Ah Oo Xafladii Arooskeeda Ka Carartay Si Ay Usoo Duubto ………….

April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u  dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
qiso-dhab-ah

Nin Gabar Uuu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaari Xamuul Ku Weeraray Gawaaridii Gelbiska Loo Diyaariyay

February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
hambalyo-dhalasho2

Hambalyo Dhalasho Farxad Leh:Qadro Ahmed Tuwad Iyo Seygeeda C/Casis Aaden Gaaba Oo Wiil Ugu Dhashay Kismaayo

January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah. 1.Hooyo Qadro  Ahmed  Tuwad 2.Aabo Suleman  ...
tahniyad

Tahniyad Aroos Farxad Leh Oo LOo Dirayo Lamaanaha Cali Sheikh Xassan Iyo Deeqo Cabdi Cisman.

January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah. 1-Aabo Cabdi Cisman. 2-Hooyo Khaadija Idiris 3-Aabo Sheikh Xassan ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
timthumb.php

6 Qodob Oo Ragga Ku Kalifta In Haweenka Ay Been u Sheegaan

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
TUUG

DAAWO:Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
timthumb.php

Astaamaha Lagu Kala Garan Karo Gabar Iyo Garoob!!!!!

January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
naag

Sir Culus:Baro Qaabka Ugu Fudud Ay Ku Raaxeysan Karaan Lamaane Kala Fog

January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
Muuqaal

DAAWO:Ila Qosolkii Aduunka Ugu Yaabka Badneed Oo La Soo Bandhigay

January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
qaliin

DAAWO: Naaga 3 Sano La Qabay Kadibna Isku Bedeshay Nin {Mucjiso}

January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
Xaaxo Macaan

Dumarka Raga Kama Cafimayaan Qodobadaan Xiliga Galmada

December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...

SHEEKOOYINKA

cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 13aad

October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 12aad

September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 11aad

September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 10aad

September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 9aad

September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 8aad

September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
crying-600x5361-300x2681

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 7aad

August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
crying-600x5361-300x268

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 6aad

August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 5aad

August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 4aad

August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...