Kenya Kismaayo Ma Qabatay Mise Way Qabsatay(Faalo)

Published on November 12, 2012 by   ·   1 Comment Waxaa Aqristay:3055

Muqdisho: (V.O.N):-Magaalada kismaayo oo ah xudunta gobolada jubooyinka waa magaalo tan iyo markii uu bur burka  ka dhacay dalka ee isaga kala danbeeyeen gacano aad u fara badan oo aan si sahal isugu wareejin mid waliba marka uu maalmo ka taliyo waxa uu la kulmiyay mawjado dagaalo oo laga soo abaabulayay dalalka deriskeena ah asala ahaan dadka degan magaalada kismaayo waa dad il baxa ku ah  isbadalada waxa ayna had waliba ay taageeran oo ay la shaqeeyaan midki ku gacan sareeya oo reerka ku soo hara.

Markase la tilmaamo muran siyaasadeed iyo xukun maroorsiga  gobolada jubooyinka waxaa uu salku ku haya waxa la oran karaa ma ahan mid kaliita ismaan dhaafka bariga dhexe waayo gobolada waxaa ku wada nool in ku dhow 40 qabiil oo isugu jira kuwa asal ahaan xuduntooda ay ku duugan tahay iyo kuwa ugu darmay siyaabo kala duwan kuna kala danbeeyay soo degi taankooda.

Tan iyo dowladii kacaanka siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba waxaa miraayada ka muqanayay waxay ahaayeen beelihii dul dagay beelihii dagnaa jubooyinka.

Tan labaad gobolada jubooyinka waa gobolo wada kulansaday qayraadka dabiiciga oo aan lahayn gobolada kale sida Bada Wabiga Dhul beereed Dhul daaqsin Xoolo nool iyo waliba ganacsi aad u xoog badan waana qayb ka mid ah sababta keenaysa in qabsashadooda loo soo jabhadeeyo.

Tan sedaxaad waa dhul ku fiican xaga istaraatiijiyada dagaalada kooxihii loogu awood roonaado ayaan maamulo waxay awood u helayaan inay si fudud ugu talaabaan xuduuda uguna nabad galaan cadowgooda

Tan afaraad waa tan ugu daran oo ah saamaynta dagaalada jubooyinka ay ku leeyihiin dalalka itoobiya iyo kenya oo hadba jabhad ku soo dhiiri gelinaya inay qabsadaan jubooyika  ayagoo ujeedadoodu tahay in aanay gobolada ku beermin  jabhado mucaarad ku ah oo wax yeelo u geysta dalalkooda sanadihii u danbeeyay waxay jubooyinka ka mid ahaayeen gobolada ay maamulayeen xarakada al shabaab ma jirin wax muran ah oo ka imanayay maamuladooda xata oday dhaqameeyadu waxay ahaayeen kuwa xeeladahodoa kula xoogsanayay xeerarka ka jira labada gobol .

Hase yeeshe markay bilaawday dowlada kenya qorsheheeda ku aadan xoreynta jubooyinka ayaa la maqlay shux shuxda iyo is garbinta qabaa’ilada ku aadan maamulka loo dhisi doono jubooyinka waayo ma ahayn howl ay isla fahansanaayen soo feregelinteeda arimaha jubooyinka dowladihi soomoaliya ka jiray iyo dowlada kenya haba kala tabar yaraadaane balse halka arin ay isla fahansanayeen aya waxay ahayd in xarakada al shabaab oo ay labada dowladood u arkayeen in amaankooda halis ku yihiin in meesha laga saaro.

La tashi la’aanta dowlada kenya iyo dhismaha maamul goboleedka Azaaniya jubooyinka oo sii xoogeystay ayaa waxa uu xiligaa sababay in uu mad madow soo dhex galo siyaasadaha soomaaliya iyo kenya waxaana tiro xildhibaano ah oo aad u jir diidana dhaq dhaqaaqa madaxda kenya ay wadaan barlamaanka xiliga ay keeneen mooshin ka dhan ah heshiis afgarad lagu macneeyey oo ay xukumadii cumar cabdirashiid la saxiixatay dowlada kenya kaa soo salka ku hayay xuduud badeedka labada dal dood dheer ka dibna baarlamaanka waxuu isku raacay in heshiiskaasi waxba kama jiraan laga dhigo dowlada kenya oo mar waliba ka go’nayd inay mar un xididada u siibto awooda al shabaab jubooyinka si ay u yaraato qataraha kaga imaanayay marna dhag jalaq uma siin doodaha ka dhanka ah ee ka socda gudaha Soomaliya .

Waxayna mudo ka dib si daxadar ah leh taariiqda markii ugu horeysay xuduudooda ka soo talaabeen xudooda  ayagoo garabsanaya jabhada raaskambooyi uu hogaaminayo Sheekh Ahmed Madboobe oo ah sarkaal horey ugu tirsanaa xarakooyinka islaamiga ee ka dagaalamayay gudaha soomaliya iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan dowlada soomaliya oo in mudo ah loo carbinayay howl galka jubooyinka hase yeeshe soo gelitaanka ciidamada kenya gudaha soomaliya waxa uu abuuray mar kale muran siyaasadeed heer madaxeed ah iyo weliba mid hoose oo ay ku kala qaybsameen madaxda dowladihi soomalaiya ee xiligaasi

Balse beesha caalamka oo u aragtay arinkan inuu xad gudub ku yahay xeerarka caalamiga ah ee dowladaha deriska ah dowlada kenya ku taageersan ka hor taga halisteeda amaankeda waxa ayna xaalkii ku xaliyeen in ciidamad kenya lagu daro howl galka maletari ee ka soconaya somaaliya aakhirkiina soo gur guurasho dheer ka dib ciidamada kenya iyo jabhadihi la socdayba waxay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan magaalada kismaayo

Ma jirin siyaasad mideysan oo salka mugii ah oo ku aadan aayaha jubooyinka hadii al shabaab laga saaro waxa laga yeelayo waxaase madaxda kenya mar kale qarsan waayeen colaadi ay u hayeen dowaldi kumeel gaarka ahayd ka dib markii wafdi ka socda dowlada kenya oo markii ugu horeysay booqasho ku yimi muqdisho si uu kulan ula qaato madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ka hor ku guuleystay doorashadi ka dhacda dalka soomaaliya balse nasiib daro inta uu socday kulnkaasi waxaa lagu baraarugay qaraxyo ismiidaamin ah ku waaso qal qal geliyay kulamadi labada dhinac qaraxyadan oo ay sheegteen al shabaab ayaa dad badani fajac ku noqotay ka dib wasiir arimo dibadeedka kenya oo wafdiga hogaminayay laga soo wariyay inu falka ka danbeeyay madaxweynihi hore ee somaliya Mudane Sheik shariif sheik ahmed .

 

Mar kii lays dhaafsaday hadalo diplomaasiyadeed oo jawaab celin iyo beenin ah lama oga in lagu kala dawooway iyo in kale balse xiisada kismaayo labadii todobaad ee u danbeysay ayaa ahayd xarig lama sitaan waayo meel waxaa ka socday muranka waxa laga yelayo dhuxul aad u fara badan oo halkaa daadsanayd in kastoo qaramada midoobay iyo dowlada somaliya ay ka soo saaren go’aano hadan ma fulin oo waxa la soo warinaya in dalwada kenya iyo maamulka sheekh ahmed madoobe ay dhagaha ka furaysteen meel kalana waxa lagu karinayay sidii maamul mideysan loogu samayn lahaa gobolada jubooyinka.

 

 

Balse si loo sahmiyo xaalada kismaayo dowlada soomaaliya ay u muujiso saamaynteeda gobolada waxa ay marki ugu horeysay wafdi saraakiil ciidan u badan oo hogaaminayay wasiirki hore ee gaashaandhiga waa la soo dhaweeyay waana la soo sogootiyay balse xaalka waxa uu xumaaday markii mar kale loo diray gudi maamul u samayn ah oo u madaxweynaha magacaabay halkaasi oo ay kala soo kulmeen weji gabax iyo in maamulka sheekh ahmed madoobe iminka aan diyaar u ahayn in ay kulan la qaataan.

 

 

Sidoo kale  ma ahayn go’aan ka lagu soo eryay gudiga mid gaar u ah madaxda raaskambooni ee waa mid ay la wadaageen dowlada kenya oo awalba shaki badan laga qabay howlgalkeeda malateri ee ku aadan gudaha soomaliya ugu danbeyntii hada lama joogo maalmihi kumeel gaarka waxaan dooranay dowlada awood siyaasadeed leh oo la xisaab tami karta deriskeeda iyo caalamkaba siyaasada ka socota kismaayo ma ahan mid sahlan laga war wareegi karayo sidaa daraateed waxaa madaxdeena loogu fadhiyaa jawaabta ay ka bixin lahaayeen su aasha ah KISMAAYO MALA QABTAY MISE WAALA QABSADAY?

 

 

faallo xiiso badan oo aan ugu magac darnay Kenya Kismaayo Ma Qabatay Mise Way Qabsatay waxaa noo diyaariyay wariyeheena C/qaadir Maxamed Faarax {Dulyar}

 

Qoraalka waxa Diyaariyay

Abdifatah Goley
xuseenshiiq7@hotmail.com

Share

Readers Comments (1)

  1. libaan m ali says:

    the voice of the nation masha allah guleysta gaar ahaan diyariyaha iyo qoraha barnamijkaan aad baad umahadsan tihiin wlhi jawaptuna koley waabey iska cadoho kismayo waala qabsade lama qaban




Arrimaha Bulshada

fgfyty-110x90

Hooyo u Dhalatay Dalka India Oo Canugeeda Ku Iibsatay Lacag Dhan 6$ dollar.

May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
codkaqaranka

Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan

May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
22

DAAWO SAWIRADDA: Haweeney iyadoo Hurdaysa Cunto Karsaneysa

May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
caweyska

DAAWO:Gabar Wariye Ah Oo Xafladii Arooskeeda Ka Carartay Si Ay Usoo Duubto ………….

April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u  dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
qiso-dhab-ah

Nin Gabar Uuu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaari Xamuul Ku Weeraray Gawaaridii Gelbiska Loo Diyaariyay

February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
hambalyo-dhalasho2

Hambalyo Dhalasho Farxad Leh:Qadro Ahmed Tuwad Iyo Seygeeda C/Casis Aaden Gaaba Oo Wiil Ugu Dhashay Kismaayo

January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah. 1.Hooyo Qadro  Ahmed  Tuwad 2.Aabo Suleman  ...
tahniyad

Tahniyad Aroos Farxad Leh Oo LOo Dirayo Lamaanaha Cali Sheikh Xassan Iyo Deeqo Cabdi Cisman.

January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah. 1-Aabo Cabdi Cisman. 2-Hooyo Khaadija Idiris 3-Aabo Sheikh Xassan ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
timthumb.php

6 Qodob Oo Ragga Ku Kalifta In Haweenka Ay Been u Sheegaan

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
TUUG

DAAWO:Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
timthumb.php

Astaamaha Lagu Kala Garan Karo Gabar Iyo Garoob!!!!!

January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
naag

Sir Culus:Baro Qaabka Ugu Fudud Ay Ku Raaxeysan Karaan Lamaane Kala Fog

January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
Muuqaal

DAAWO:Ila Qosolkii Aduunka Ugu Yaabka Badneed Oo La Soo Bandhigay

January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
qaliin

DAAWO: Naaga 3 Sano La Qabay Kadibna Isku Bedeshay Nin {Mucjiso}

January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
Xaaxo Macaan

Dumarka Raga Kama Cafimayaan Qodobadaan Xiliga Galmada

December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...

SHEEKOOYINKA

cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 13aad

October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 12aad

September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 11aad

September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 10aad

September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 9aad

September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 8aad

September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
crying-600x5361-300x2681

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 7aad

August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
crying-600x5361-300x268

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 6aad

August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 5aad

August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 4aad

August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...