Nairobi: (V.O.N):-Gobollada Jubooyinka dalka Soomaaliya waxay kamid yihiin gobollada ugu kheyraatka iyo wax soo saarka badan dalka Soomaaliya, waxaana ku nool qabiillo kala duwan oo si siman u wadaaga maamulka gobolka, waxdheefka iyo guud ahaan qeybaha kale ee muhiimka ah.
Dadka ku dhaqan Jubooyinka waxay aad ugu tiirsanyihiin xoolaha nool, dhul beeraadka,, iyo dhirta oo laga shido howdadka waa weyn ee gobolku uu leeyahay.
Kismaayo oo ah magaala madaxda gobolka Jubada hoose waa magaalada ugu muhiimsan ee ku teedsan gobolka, waana caasimadda sedexaad ee dalka Soomaaliya.
Magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee gobollada Jubooyinka, waxay soo mareen 12-gacan iyadoo gacantii seddexaad ay gashay markii ay qabsadeen ciidamada huwanta ah oo ka saaray kooxda Al-shabaab.
Dabayaaqadii bishii September waxaa magaala xeebeedka Kismaayo ka baxay dagaalyahanka Xarakada Al-shabaab, waxaana horraantii bishii October gudaha magaalada galay ciidamada iskaabaya ee ka socda Kenya, Raaskambooni, iyo dowladda Soomaaliya.
Markaanu hoos ugu daa dagno taariikhda magaalada Kismaayo waa magaalo xeebeed ku caan baxday deked ballaaran oo wax laga soo dejiyo waxna laga dhoofiyo, waxaana wax soo saarkeeda ku tiirsan dadka iyo duunyada Jubooyinka iyo Gedo ee koofuirta dalka Soomaaliya.
Sida ku cad Taariikhda magaalada Kismaayo waxay caasimadda Muqdisho dhanka koofureed kaga beegan tahay 528 KM, waxayna marti galisa dadyoow gaaraya 283,300 oo qof sida la qeexay sanadkii 2011-kii.
Siyaasad ahaan magaalada Kismaayo waxa aaad iskugu qabsan jiray beelo mid kastaba uu sheeganayo inuu mudan yahay maamulka magaalada, waxaana ay ku caanbaxday qab-qablayaal qabiilkoodu gobolka uu ku xoogan yahay oo isku fara saari jiray gobolka.
Hadda siyaasadda magaalada Kismaayo waxay aad uga duwantahay waqtigii burburka uu ku jiray dalka Soomaaliya, waxaana ay aad magaaladu ugu dhawdahay inay gasho gacan shisheeye oo gumaad iyo gumeysi doon ugu qaab eg sida wax loo wado.
Markii ay ciidamada iskaashanaya qabsadeen magaalada waxaa soo baxday siyaasad qaawan oo ay dabada ka riixeyso taasoo dadka indha garadka qaarkood ay ku fasireen in Kenya ay damac ka leedahay dheefta ka soo baxda dekedda iyo ilaha dhaqaale ee magaalada Kismaayo.
Ciidamada Kenya oo ku shaqeynaya magaca AMISOM, markii ay gudaha u soo galeen magaalada, waxay ku dhaqaaqeen in tallabo adag ay ka qaadi doonaan cid kastoo ay ku dhex arkaan magaalada iyadoo aan darees ciidan wadan, taasoo keentay shakigii ugu horreeyay.
Odayaal iyo wax garad gobolka ka soo jeeda ayaa ku dooday “Kenya ma nabad bay sugtaa mise maamulka ayay noo heysaa”, waxaana buuqii arrintaasi ka dhashay lagu dhisay maamul KMG ah oo madax looga dhigay hogaamiyaha Jabhadda Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), waxaana magaalada maamulkeeda ku haray ururka Axmed Madoobe.
Markaasi kadib taliyaha ciidamada dowladda ee gobollada Jubooyinka oo la kulamay odayaal iyo wax garad ayaa wuxuu sheegay in dadka gobolku aanay u dhameyn maamulka KMG ku sheega ah ee ururka Raaskambooni oo magaciisa la daday.
Maamulka Raaskambooni hadii aanu taariikhdiisa ku laabanno waa urur ka madax banaan dowladda Soomaaliya, aan la jirin ururka Al-shabaab ee islaamiga ah, aan raacsaneyn ururka Ahlu sunnah, waxaana hogaamiya Axmed Madoobe oo ah qabqable ka soo jeeda Jubooyinka.
Muranka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa shidmay barya uun ka dib iyadoo leysku hayay sida laga yeelayo mustaqbalka gobolka, waxaana maamulka lagu tuhmay inay manfaca ugu badan isla rabto Kenya, oo kaashaneyso ururka Raaskambooni iyo urur goboleedka IGAD, laakiin waxaa arrintaasi ka jawaabay dowladda Soomaaliyeed oo soo dhistay guddi farsamo oo la socda arrimaha maamul u sameynta Jubooyinka.
Isku dhaca Dowladda iyo dhinacyada u jeeda doonka u muuqda.
Wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo dhawaan booqasho kaga tagay Muqdisho ayaa gaaray Kismaayo, waxaaana lagu soo dhaweeyay madaarka magaalada Kismaayo, laakiin waxaa wafdiga habsan galay u jeedkii ay u tageen magaalada, kaasoo ku aadanaa inay la kulmaan ururka Raaskambooni.
Kadib seddex maalmood uu wafdigu ka go’doon sanaa gudhaa magaalada ayay ku soo laabteen Muqdisho waxaana arrintaasi ay keentay in xiriir xun uu soo kala dhax galo maamulka Kismaayo iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Jawaabta Kenya.
Wasiirka dalxiiska Dowladda Kenya Dansa Muwansa oo u waramayay BBC-da ayaa sheegay in dowqladda Soomaalida aanay ku soo wargalin in wafdi ka socda ay u soo direyso Kismaayo si ay kaga qeyb qaataan maamul u sameynta Jubooyinka.
Mr Muwansa, ayaa ku andacooday in farsamo xumo ay soo kala dhex gashay dowladda Soomaalida iyo maamulkooda ku sugan Kismaayo, waxaana uu beeniyay in iyagu ay carqalad ku noqdeen dadaal dowladdu ay waday.
Mar la weydiiyay Muwansa sababta ay wafdiga ugu diideen galitaanka Kismaayo ayuu ku jawaabay “inagu ma damaanad qaadi karin amaanka wafdiga waayo waxay doonayeen inay la kulmaan dhinacyada gobolka iyo maamulka Kismaayo”.
Jawaabta Maamulka Kismaayo.
Sida laga war hayay wafdigu waxay doonayeen inay la kulmaan maamulka Kismaayo iyo ururka Raaskambooni, laakiin gudoomiyaha Raaskambooni ahna madaxa maamulka KMG ah ee Kismaayo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa cod qeyxan ku sheegay in ururkiisu uusan diyaar u aheyn kulan uu la qaato wafdiga ay soo dirtay dowladda Soomaaliya.
Ururka Raaskambooni wuxuu sheegay in maamul u sameynta Jubooyinka ay ka tashanayaan dadweynaha ku dhaqan gobolka, dowladda Soomaaliduna aanay shaqo ku laheyn arriamha gaarka ah ee gobolku uu leeyahay.
U jeedka Wafdiga gaaray Kismaayo.
Wafdiga ka socday dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ka koobnaa wasiirro horay kaga soo mid noqday dowladdii KMG aheyd ee dalka Soomaaliya, kana soo jeeda gobolka, waxaa sidoo kale wafdiga kamid ahaa Xildhibaanno iyo odayaal dhaqameed dhamaantoodba ka soo jeeda gobolka.
Wafdigu wuxu doonayay inuu la kulmo siyaasiyinta gobolka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo maamulka Kismaayo, wuxuuna dardar galinayay maamul u sameynta gobollada Jubooyinka dalka Soomaaliya.
Dareenka dadka ku dhaqan Jubooyinka.
Boqollaal dadweyne ah oo iskugu soo baxay magaalooyinka Dhoobley, Qooqaani, Afmadow, Buurgaabo, Badhaadhe, Diif, iyo Kismaayo ayaa waxay ka soo horjeesteen qorshaha dowladda Soomaaliya ay maamul ugu soo dhiseyso gobollada Jubooyinka.
Wax garad iyo cuqaal ka soo jeedda gobolladaasi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay colaad ka hurineyso gobollada Jubooyinka, waxayna codsadeen dadka isku soo baxay inaan la soo fara galin arrimaha gobolkooda.
Danaha Kenya ay ka leedahay Jubooyinka.
Ciidamada Kenya markii u horreysay oo ay soo galayeen xadka Soomaaliya sanadkii 2011-kii bishii august, waxay sheegtay Kenya in amnigeedu ay kaga baqeyso Al-shabaab si ay uga hor tagtana lagama maarmaana ay tahay in ciidankeedu ay galaan Soomaaliya.
Madaxweynihii xilligaasi Shariif Shiikh Axmed ayaa ka gadooday faragalinta la tashi la’aanta ah ee Kenya, wuxuuna ku hanjabay in si deg deg ah loo saari doono militariga dowladda Kenya.
Kadib wada hadal ay garwadeyn ka aheyd Ethiopia oo ay wada galeen wufuud ka socotay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa magaalada Addis Ababa waxaa leysku raacay in Kenya ay siyaasadeyso howlgalkeeda Soomaaliya.
Bishii July ayaa ciidnaka Kenya koofiyadda loo badalay waxaana lagu biiriyay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana xilligaasi kadib la filayay in Kenya ay yareyn doonto howlgalkeeda laakiin waxaa ay si toos ah u soo fara galisay siyaasadda gobolka iyo tan AMISOM.
Kenya, waxay aad ugu niyad weyn tahay in dhaqaalaha Jubooyinka iyo dekedda Kismaayo ay hesho, waxaana ay ku soo gambaneysaa ururka Raaskambooni oo lagu xanto in lagu soo dhisay fakarka madaxweynaha Kenya, Muwai Kibaki.
Natiijada la sugayo.
Dadka indha indheeya siyaasadda gobolka, iyo kuwa aqoonta dheer u leh siyaasadda geeska Afirca, iyo Soomaaliya waxay la yaabanyihiin fara galinta Kenya ay ka wado Soomaaliya.
Prof. Jaamaca Maxamed Hilowle, waa aqoon yahan ku takhasusay cilmiga Siyaasadda, wuxu bare ka yahay jaamacadaha Muqdisho, wuxuu aaminsanyahay in Kenya ay dooneyso inay la wareegto Jubooyinka oo ayba ku raja weyntahay inay ku darsato dhulka ay Soomaaliya ka heysato ee gobolka waqooyi bari.
Prof-ku wuxuu sheegay in qaar kamid ah siyaasiyiinta Kenya ay rumeysanyihiin in asal ahaan ay Kenya leedahay dhulka ku dhaw xadka Libooyo, waxaana uu werwer ka muujiyay hadii aan sheedda lagala socan maamul u sameynta Jubooyinka.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, wuxuu ka tirsanyahay baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka digay in madaxda dowladda Soomaaliya ay ka gaabiyaan la socodka maamulka Jubooyinka,.
Mr Dalxa ayaa sheegay in faragalinta Kenya ay ka baxsantahay siyaasadda lagu taageerayo dowladda ee AMISOM, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay in kenya ay maamul u dhisto dhul Soomaaliya ay leedahay.
Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan oo ka hadlay fadhiga baarlamaanka ayaa ka digay in arrimaha Jubooyinka loo soo hadal qaado sida ajande ay ka doodayaan xubnaha baarlamaanka.
Hadalka mr Jawaari dhuuxiisa ayaa taabanaya in dowladdu waqtigan aanay diyaar u aheyn tallaabo ay ka qaado saraakiisha Kenya ee faragalinta qaawan ka wado koofurta dalka Soomaaliya.
”Akhriste Fadlan noo soo gudbi aragtidaada ku aadan maamul u sameynta Jubooyinka iyo sida ay kula tahay, muxuuxe kaaga dhigan yahay qoraalka
Xigasho:Salaamanews.com
Share