Thursday, April 24th, 2014

Qaladaadka Wariyayaasha iyo Sida Loo Sixi Karo [Faalo Rasmi ah]

Published on November 5, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqristay:4591

Kuala lumpur : (V.O.N):-Saxafada Soomaaliya waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay dilalka ,dhaawacyada ,barakicinta iyo is eedaynta dhexdooda ah.Waxaana  xusid mudan in qof walba oo wariye ah oo ka hadla arimaha saxaafada Somalia  uu farta ku fiiqayay qaladaadka ka dhex jira saxaafada.Inkastoo ay jiraan wariyayaal badan oo maanka ku haya sidii xal waara looga gaari lahaa dilalka wariyayaasha Soomaaliyeed.

Hadana aad ayay u yartahay inta qalinka u qaadatay in ay tilmaan ka bixiso wadada lagu gaarikaro xalka rasmiga ah.

Hadaba waxaan isku dayi doonaa in aan toosh ku ifiyo waxyaabaha sida rasmiga ah u keeni kara waxyeelaynta wariyaha iyo sida aan isleeyahay waa lagu sixi karaa ama lagu baajin karaa dilalka joogta ah ee loogeysto wariyayaasha Soomaaliyeed.

Mihnada saxaafadu sideedaba waa xirfad u baahan Aqoon , waaya aragnimo, karti iyo Hufnaan. Is biirsiga arimahaasi oo idil  waxaa ay keeni kartaa jiritaanka saxaafad dhab ah oo dhexdhaxaad ah islamarkaasna runta ka sheegta waqtiga iyo waayaha .

Dunidaan casriga ah ee aynu ku nool nahay waligeed waxaa horseed iyo hormuud u ahaa saxaafada . Soomaalidaa waxay tiraahdaa “warbaa ugu gaajo kulul” taasoo marqaati ka ah in saxaafadu ay ka mid tahay baahiyaha koowaad ee aadanahu ubaahanyahay in laga haqab tiro.

Burburkii dowladii dhexe ee Somalia  kadib dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax banaan oo isku howshay soo tabinta warar iyo barnaamijyo wax tar u leh bulshada.
Inkastoo talaabadaasi ay aheyd howl bilow wanaagsan ah ayaa hadana waxaa nasiib daro ah in iftiinkii warbaahined ee soo shaac baxay ay isku daboosho daruur huwan han qabiil ama mid shaqsiyaded waxayna arintu ku biya shubatay in idaacad walba iyo wargeys walba uu qalinkiisa ugu adeego danaha besha.

Hadaba si loo fahmo waxyaabaha ka dhacaya hareeraheena ee saameynta ku leh nolosheena iyo mustaqbalkeena ,islamarkaasna kor loogu qaado hal abuurka bulshada Soomaaliyeed ,waxaa lagu qasban yahay in la helo saxaafad baahisa ama tabisa warar iyo warbixino xaqiiqda ku saleeysan iyo isgaarsiin tayo wanaagsan ku qotonta. Ugu horeyn waxa haboon in aan is waydiino:

Waa kuma Saxafiga Dhabtaa ah?.

saxafiga dhabtaa waa kan qalinkiisa iyo aqoontiisa ku difaaca umaddiisa kuna shaqeeya habka dhex dhexaadnimada ah dareensana waxa ay umaddiisu uga baahantahay. Mar hadii aan isla garanay saxafiga dhabta ah waxaa lagama maar maan ah in aan is waydiino, Saxafigu yuu u adeegaa maxayse tahay shaqada uu qabto? Marka si qoto dheer looga hadlo saxafiga  waa isku xiraha adeegaha iyo loo adeegaha , hadaan jilciyo waa madaxda iyo shacabka. Waxaad war kasoo qadaysaa madaxda waxaadna u gaynaysaa shacabka , Shacabka ayaad fartiin ka qadaysaa waxaadna ugaynaysaa  madaxda. Mas,uuliyadaas ku saran waxa ay kuu cadeynaysaa inaad leedahay awood  ama mug ka weyn tan ay  leyihiin  madaxda iyo shacabkuba waana taas mida laguugu wakiishay inaad labadaas u dhaxeyso.
Wariye waligaa ma isweydiisay inay shaqadaadu tahay sidaas  islamarkaasna ay ku sarantahay masuuliyad la’mida tan saaran madaxda dalka?

Qaladaadka wariyasha:

1- background news :  :  Waa xiritaan loo sameyo hadba dhacdada uu wariyuhu  war ka sameynayo ,  waana arinta ugu qatarta badan marka war la sameynayo balse wariyayaasha Soomaaliyeed waxa ay  ku kala tartamaan sameynta background-kaas

Tusale : wasiir hebal ayaa waxa uu qabtay shir”jaraa ‘id oo, uu uga hadlayo amaanka magaalo Heblo. Hortiis wasiir kale ayaa sidiis oo kale uga hadlay amaanka magaaladaas , Sidoo kale madaxweynaha ayaa bilo ka hor  sidaas oo kale uga hadlay .

wariyayaasha jooga goobaha aan sharcigu ka jirin caado waxa ay u leyihiin  in backgroundka  warkaas ay ka dhigaan , ma ahan markii ugu horaysay oo amaanka magaalada ay ka hadlaan masuuliyiin ka tirsan dowlada  ama  hadalka wasiir hebal waxa uu kusoo adayaa kadib markii saas iyo saas.
Hadaba  markaad  xiritaankaas  fiiriso labo qodoba uma adeegayo,
1- wadanka aad ka hadlayso iyo rajada dadka aad wax u shegayso uma raano
2- wasiirka aad warka kasameysay shirkisii ja”raa’id oo dhan waxaad ka dhigtay been iyo waxaan jirin waxaana fudud in wasiirkaasu uu ka xanaaqo  Warkaas.

Talo : fadlan intii aad sidaas dhihi lahayd waxaa kaaga filan inaad tiraahdid : hadalka wasiir hebal waxa uu kusoo adayaa xili amaanka magaalo Heblo uu yahay mid la isku halayn karo  ama u samee  Warkaaga xiritaan macquul ah oo aan dhib kaaga imaanayn .

2- Isticmaalka Erayada  : Marka aad dhageysatid  idaacadaha Soomaalida qaarkood waxaad maqlaysaa wariyayaal ku hadlaya  hadalo ama erayo aan loogu tala galin in saxaafada loo adeegsado , Waxaana xusid mudan in ay jiraan wariyayaal si toos ah usoo qaata eray bixinta reer galbeedka iyagoo aan tifaftirin islamarkaasna ku xad gudba diinta iyo shaqsiyada qofka isagoo  wariyuhu uusan ka lahayn dano gaar ah balse ay sababto aqoon daridu. Waxaana intaasi dheer in ay jiraan wariyayaal inta badan ku hadla hadalada suuqa looga hadlo.

3-Aqoon daro : Marka aad isku daydo inaad la shekaysato wariyayaasha ka shaqeya warbaahinta madaxa banaan waxaa kusoo baxaysa in ay yartahay wariyaasha leh aqoonta saxaafadeed. Waxaadna arkaysaa wariyayaal badan oo isku maleeya inay yihiin qatar ama xirfad yahano  balse waxaan soo xasuustay mahmaah Oranaysa  ” waxaad ismoday ma tihid ee waxaad tahay waxay dadku kumoodeen ”

Waxaan idinla wadagayaa sheeko gaaban oo  na dhexmartay mid kamida wariyayaasha Muqdisho ka howl gala laakiin magaciisa sababo jira owgood aan u qarinaayo .waxaan maqlay wariyahaas oo barnaamij ka mida barnaamijyada kabaxa idaacad  Muqdisho daadihinaya. Wuxuu ku wareysanayay wariyayaal kale oo Muqdisho la jooga. Waxaa laga hadlayay arimo quseeya saxaafada. Mowduucu wuxuu ahaa mid  xasaasi ah. Laakiin wariyahaasi aqoon durugsan uma lahayn waxa uu ka hadlayo ,Maamulkii barnaamijka iyo qeybeyntiisa  waxaa la wareegay qof kamida martidii.Kaba siidarane waxaaba su,aalo la weydiinayay warihii barnaamijka daadihinayay.,Waxaaba iga sii yabisay su,aalihii la weydiiyay ayuuba siday tahay uga jawabayay, Waan yaabay waxaan isweydiiyay maxaa qaldan?  Waxaan raadiyay meel aan kala xiriiro wariyahaas facebookiisa ayaan markii dambe helay akhbaar ayaana u diray kadib waxaan ku saxiibnay facebook. Waxaan kala sheekeystay qaababka uu barnaamijyada u sameeyo waxaan weydiiyay shuruudaha laga rabo qofka barnaamij sameeyaha ah. Ninkii wuxuu ii fahmay si kale waxay naga gaartay meel fog waxaan isla mel dhigi waynay qaladaadku halka ay ka jiraan.Kadib waxay dantu igu kaliftay inaan raali gareeyo kadibna aan fahansiiyo habka diyaarinta.

4-Sharuur :  Erayga sharuur micno ahaan waa khidmad ama lacag yar oo laga qaado qofka loo shaqeeyay wariyayaashana  siyaabo badan ayay kusoo gashaa. Inkastoo wariyayaashu dhamaantood ay isla garteen waxa sharuuri ay  tahay  iyo misaanka ay ku leedahay qaladaadka wariyayaasha Soomaaliyeed.  Ana intaas ayaan  kusoo gaabiyaa sharuurta waayo waa wax aan wariyayaasha dhan lagu edeyn Karin. Hadii dhanka kale laga fiiriyana ay kawada simanyihiin wariyaasha caalamka .

Talo:   waxaa haboon in la iska daayo shuruurta hadii ay ku dhaafinayso xaqiiqda jirta , Hadiise ay baahi kuu hayso inaad sharuur qaadato marnaba ha ka tagin inaad sheegto xaqiiqda aad indhahaaga ku aragtay ama laguu sheegay.

Awooda wariyaha:

1-Awoodaada wariyenimo isticmaal :wariyuhu ma ahan inuu shacabkiisa ama madaxdiisa uu ka cabsado  sida wariyaasha qaar ay sameyaan. Wariyuhu  waxaa uu leeyahay awood aysan lahayn madaxda iyo  shacabku. Tusaale miisaanka labadiisa garbood ee wax lagu misaamo waxaa u dhaxeysa ul bir ah wariyuhuna waa ushaas oo kale oo kala celinayya labada qolo ee, uu, u adeego. Hadaba isku day inaad adeegsato awoodaada qarsoon una adeegso si xirfadaysan.

2-Shaqadaada marnaba ha ka tanaasulin: Intabadan wariyayaasha Soomaaliyeed waxaa ay aaminsanyihiin hadii ay ku adkaato xalada in ay hakin karaan shaqada warbaahineed ee ay hayaan. Waa sax qofku wuu joojin karaa shaqada laakiin waxaa ka qurux badan in qofka wariyaha ahi uu u dhabar adeego shaqada uu umaddiisa u hayo waxaadna ogataa mar waliba inaad misaan culus ku dhex leedahay bulshadaada.

Dhamaad: Hadaba dhamaan wariyayaasha Soomaaliyeed waxaan ku amaanayaa howsha ay hayaan iyo horumarka ay ka gaarayaan dhanka warbaahinta waxaana rajeynayaa inta dhiman  ee qaladaadka ahna la xalindoono haduu alle idmo ana intaas ayaan kusoo gabangabaynayaa qormadayda todobaadkan amaana allah .
Wariye : Ahmed Abuukar “Azhari”
Malaysia , Kuala lumpur 
Email: eng-azhari1@hotmail.com

Share

Readers Comments (0)



Arrimaha Bulshada

Ok

DAAWO:Barnaamijy Qiiro Leh “U Hiili Boqor Iyo Bartamaha By:Maryan Seylac

March 24, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Barnaamijka Bulsho ee ka Baxa Royal TV- ayaa shalayto waxaa soo-saaraha iyo soo-jeediyaha barnaamijkaasi, Maryan Saylac ay ...
ganaax_1

DAAWO:Arin Yaab Leh Oo Dhexmartay Gabar Yar Oo Sedex Jir ah Iyo Boliiska Mareykanka

March 20, 2014
Florida: (V.O.N):-Sheeko layaab leh oo ka dhacday Magaalada Florida ee Dalka Mareykanka ayaa soo jiidatay Warbaahinta Caalamka kadib ...
Cawaale22

DHAGEYSO:Al-Fanaan Cawaale Aadan Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasi ah

March 1, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Fanaanka Caanka ee Reer Jabuuti Cawaale Aadan oo ku Sugan Dalka Canada ayaa Ka sheekeeyay taariikhdiisa Dhanka ...
Guulled Adan

QISO Xanuunbadan:Bur Burkii Jaceylkeyga Waxaa Gacan Weyn Ka Geystay Saaxiibkeyga Qeybtii 2aad

February 27, 2014
   Muqdisho: (V.O.N):-Qisadaani ayaa ah mid cajiib oo marka aan diyaarinaye runtii dareen  badan igu abuurtay ayaan waxaan ka ...
guuled 3

(Guuleed Aadan Muuse):- Bur Burkii Jaceylkeyga Waxaa Gacan Weyn Ka Geystay Saaxiibkeyga (Qiso Jaceyl Oo Xanuun Badan Qeybtii 1 Kowaad)

February 11, 2014
waxaan salaamayaa aqristayaasha Sharafta leh salaan qaali ah salaan iyo bariido dabadeed ereyadaan waa kuwo kasoo burqanaayo qalibi nusqaamay ...
Abdifitah

DAAWO:Fanaan Caan Ah Oo Shaaciyay Inuu Fanka Isaga Baxay Codsadayna In Loo Duceeyo

January 19, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Fanaanka da'da yar ee sida weyn loo Taageero alfanaan Cabdifatah Axmed Tacabir (Cabdifitax Yare) ayaa sheegay inuu isaga ...
imagesCAIM9619

Cunug Mucjiso Ah Oo Ku Dhashay Israa’iil, Iyo Yahuuda Oo Ka Argagaxsan+SAWIRO

January 13, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Warbaahinta Israel ayaa baahisay in Magaalada madaxda Dalkaasi uu ku dhashay Wiil yar oo leh Hal il, ...
akshay-katrina-4

8-Da Jilaa Ee Ugu Dheesha Wanaagsanaa Bollywoodka.

January 1, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Akhristayaasha Sharafta leh ee Shabakadan Wardaye.com waxaan Aalaba usoo gudbineynaa Wararka ugu Xiisaha badan Dunida Sida Siyaasadda ...
15-300x225

Arin Naxdin Leh Oo Ka Dhaxday Muqdisho+Sawiro

December 31, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Maamulka Cusbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir ayaa Faah Faahin ka bixiyay laba Caruur Mataano ah oo ...
download12

Naxdin:Daawo Sheekh Umal Oo Yaab Leh Uga Jawaabay Galmada Afka

December 30, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Sheekh Umal oo ka mid ah Culimada aqoonta durugsan u leh ayaa waxaa la weydiiyay Su’aalo badan ...
1

Caruus Ka Dhuuntay Xaaskiisa In Lagu Guda jiray Xafladii Arooska

November 27, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Caruuskii ayaa ka dib dhacay in uu yimaado xafladii Guri gaynynta , durbana mid ka mida martida ...
1

DAAWO: Sawirada Ninka Dunida ugu Ilkaha Adag

November 11, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Andariis Jaardayn oo ah 64 jir ayaa loo aqoonsaday ninka ugu ilkaha adag waxaana ka mid noqday ...
sawir Mucjiso

Dalka Thailand Oo Lagu Arkay Arin Mucjiyo Ah+SAWIRO

November 11, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Wadanka Thailand oo dhaca bariga fog ee Qaarada Aasiya ayaa waxa uu ka dhacday Arin mucjiso ah,kadib ...
images

FADEEXAD:Agaasime Musuqmaasuqay Mushaaraadka Shaqaalihiisa

November 9, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Agaasime Xasan Cali Geeseey oo ah Rugcadaa Saxaafdeed , ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah Idaaccadaha ...
Hore

Daawo Video: Qaladkii Ugu Weynaa Ee Uu galo Wariye TV Ka Howlgala Taariikhda

November 5, 2013
London : (V.O.N):- Inta Badan Wariyaasha calamka ayaa  Qaladaad gala iyagoo warka Akhrinaya Sida wariyaasha Soomaalidaba  Qaladadka U galaan. Hadaba ...
%d bloggers like this: