Afar Sano Kadib Xasuuqii Hotel Shaamoow Gabal Dumay Dheh
Published on December 3, 2012 by admin · No Comments
Waxaa Aqristay:1969
Nairobi: (V.O.N):-03/12/2009, Waa maalin murugo iyo xanuunkasii saa’ida kii umada Soomaaliyeed la daalaa dhaceysay in mudo ah la soo darsay, waa maalin gacan cadawi gawrac arxandaro ah u geysatay Caqli, Aqoon iyo iimaan saalax ah, adoomo eebihii abuurtay uu ku maneystay, waa maalin caloolxumo iyo carwasaad u dhimanayo Ruuxii Soomaali, Muslim ama Ibnu aadamba ah, ee daawaday muuqaaladii naxdinta lahaa ee Shaashadaha Caalamku kasoo tabinayeen dhacdadii Bahalnimada aheyd ee lagu xasuuqayay dadka muslimka ah ee Soomaaliyeed.
Waxa ay aheyd subax waraabayaashii caadeystay cabida dhiiga iyo cunista hilibka Shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta, u soo hubqaateen Hotel Shaamoow ayagoo hamuun qaba, amintiiba horaradaasi waxa ay afka la heleen hilbo qof damiir lehi afkiisa u quureen, ayagoo haliilaya waxaa goys danbeedyadooda jiririqsigoodu ka baxayay dhalaan mudo tacab iyo tabar ay duldhigeen waalidiin ayaguba naftooda ilaaway, si ay indhaha ugu furan ubadkooda naxariis iyo naruuro danbe ay uga fadhiyaan.
Qowlalada Waraabayaashaa subaxnimadii shaley waxaa ka tifiq lahaa dhiiga waalidiin ay kuraydoodiina raamsanayeen, qaniiyooyinkii iyo miciyihii ay ku dhigeen Allaha u naxariistee Qamar Aadan Cali, Ibraahim Xassan Cadow iyo Axmed Cabdullaahi Waayeel, ayaan iyadana wax la ilaawi karo aheyn.
Yeeydaas dad qaadka ah inta ay cagta marisay kolkii ay cartantayna waxaa loola cararay Cusbitaalada anoo caafimaad qab iyo ayaga oo caalka dugaagaas ka bogsada Allaha Casiiska ah uga tuugaya.
Hadaba tani waxa ay digniin u tahay dhamaan umada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, hadii aysan ka gilgilan foolxumadan iyo xasuuqa ceynkan oo kale ah, waxa iman doonta xili taariikhda lagu xuso dadka iyo dalka Soomaaliyeedba.
Dadka ay manta waxyeeladu soo gaartay, ayagu galbade, rabina guri ka kheyrbadan ka ay ka tageen ha ugu badalo, balse su’aashu waxa ay ku hartay, kuwa manta nool ee ayaguna sugaya, in sidaas oo kale loo kawaamo, hilibkoodana dariiqyada loo waro.
Gunaanadku waxa uu yahay eeboow dadkeenii Soomaaliyeed Xaqa tus, kana yeel kuwo u hiiliya, doqonta iyo damiirlaawahana dibindaabyadooda ka badbaadi.
Muxyadiin Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk
Share
May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah.
1.Hooyo Qadro Ahmed Tuwad
2.Aabo Suleman ...
January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah.
1-Aabo Cabdi Cisman.
2-Hooyo Khaadija Idiris
3-Aabo Sheikh Xassan ...
January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...
October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...