Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Maanta Qoddobo Xasaasi Ka Hadlay
Published on December 13, 2012 by admin · No Comments
Waxaa Aqristay:877
Muqdisho (V.O.N):-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay shirkoodii todobaadlaha ah ee ay khamiis walba yeeshaan ayadoo shirka Todobaadkanna looga hadlay qodobbo xasaasi ah.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa shir gudoominayey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxaana ugu horeyn shirka warbixin ku aadan guullaha ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka gaareen howlgallada iyo heshiiskii dhanka Gaashaandhigga ee Turkiga iyo Soomaaliya looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo isagu labadaasi qodob Golaha Wasiirrada faah faahin ka siiyey.
Golaha Wasiirrada ayaa waxa ay markaasi kadib meel mariyeen oo ay ansixiyeen heshiisyadii ay soo kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga ayadoo heshiisyadaasina uu horey usoo saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud hadana waxaa loo gudbin doonaa Baarlamaanka maadaama ay Golaha Wasiirrada maanta meel mariyeen.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada ay sidoo kale ka hadleen in hantidii Qaranka lagasoo celiyo dadkii xilalka soo qabtay waxaana loo qabtay mudo ku eg inta ka harsan sanadka cusub ayadoo sidoo kalena ay Golaha Wasiirradu ka hadleen sidii loosoo celin lahaa hantida Dowladdii dhexe ee Dibadda taasi oo iyana loo saaray gudi uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda,Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa sidoo kale tilmaamay in Golaha Wasiirradu ay ka hadleen sidii loo hormarin lahaa Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed taasi oo Golaha Wasiirradu ay isku raaceen in la qaado talaab walbo oo lagu hormarin karo waxbarashada Dalkeenna.
Radio Codka Qaranka
Mogadishu Somalia
Share
Tags: Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta qodobbo xasaasi ka hadlay
May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah.
1.Hooyo Qadro Ahmed Tuwad
2.Aabo Suleman ...
January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah.
1-Aabo Cabdi Cisman.
2-Hooyo Khaadija Idiris
3-Aabo Sheikh Xassan ...
January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...
October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...