Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Kulan La Qaatay Dad Ku Qaxweynayey Makhaayad Ku Taala Villa Soomaaliya
Published on December 6, 2012 by admin · No Comments
Waxaa Aqristay:1159
Muqdisho (V.O.N) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka kulan balaaran la qaatay dadweyne faro badan oo ku qaxweynayey maqaaxi ku taala gudaha Villa Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay dadkii ku qaxweynayey makhaayadda isagoo kulan is xog waraysi ah la qaatay shacabkii meesha joogay una oggolaaday in ay iska waraystaan xaalka dalku marayo, iyadoo qof kastana uu Ra’iisul Wasaaraha weydiinayey su’aalo uu ula ciil qabay inuu mar uun weyddiiyo madaxda dalka.
Su’aalaha ugu badan oo Ra’iisal Wasaaraha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa: Arrimaha amniga, Isbaaroyinka la qaaday iyo sidii dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa maamulka Dawladda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si hufnaani ku jirto uga jawaabay su’aalahaas, waxana uu ku booriyey dadweynaha in ay kalsooni buuxda u muujiyaan dawladda si dalka looga saaro xaaladda uu ku jiro. Waxana uu R/Wasaaruhu yiri:
“ Waxaa markasta dhibka lala maagan yahay maahan dawladda oo keliya ee waxa dhibka ugu badani uu soo gaaraa waa dadka rayidka ah. Sidaa daraadeed, waxa loo baahan yahay in shacabku gacan buuxda siiyaan dawladdooda, si looga adkaado colaad-oogayaasha, xagjirka iyo danbiilayaasha ku dhex dhuunta shacabka marka ay gaystaan faldanbiyeed.
Ra’iisal Wasaare Saacid waxa uu ku daray intaas in Dawladdu ay ballan qaadayso in ay difaacdo shacabkeeda. Waad u jeeddaan sida ay shacabku u soo dhaweeyeen uguna diirsadeen qaadista isbaarooyinka iyo faa’iidada ay keentay tallaabadaasi ee ah in gadiidkii dadweynuhu uu si fudud ugu gaaro meeshuu u scoday”.
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Abaanduulaha Ciidanka, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, iyo ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku Xigeen ayaa kormeer ku tagay labada wado ee laga soo galo magaalada Muqdisho oo dhawaan ciidanka qaranku ka qaadeen Isbaarooyinkii yaalay muddada ka badan 22 sano.
Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu socod ka soo bilaabay xeradii Maslax isagoona ku tagay Darmooley oo qiyaastii u jirta masaafo dhan 1km, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka ee jooga goobahaas isagoona ku aamanay sida wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin habeen iyo maalin difaaca dalkooda iyo dakooda.

Share
Tags: Rra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Kulan La Qaatay Dad Ku Qaxweynayey Makhaayad Ku Taala Villa Soomaaliya
May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah.
1.Hooyo Qadro Ahmed Tuwad
2.Aabo Suleman ...
January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah.
1-Aabo Cabdi Cisman.
2-Hooyo Khaadija Idiris
3-Aabo Sheikh Xassan ...
January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...
October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...