Wednesday, April 23rd, 2014

SOOMAALIYA- RAFAADKII RAJAA BADASHEY!! Qormo Xiise Leh!

Published on December 3, 2012 by   ·   1 Comment Waxaa Aqristay:4783

Malta (V.O.N) Qoraalkan oo uu soo gaarsiiyay Shabakadda Radio Codka Qaranka Cabdullaahi Cali Jimcaale oo Udoode Xuquuqda Beni’aadamka Somaaliya ayaa wixii ku bilaabayaa, 21-sano oo shacabka soomaaliyeed ay la noolaayeen xadgudbyo damiiri ah oo aad ufoolxun, xadgudubyadaas oo isugu jirey dilal, xasuuq,kufsi, cuuryaamin, burburin iyo lunsasho hantida guud iyo mida gaar ahaaneed,,iyo balaayo idilkeed waxaa garwadeen ka ahaa Qabyaalad, Hogaamiye kooxeedyo, Ajaanib iyo wadaado isku sheeg ku qaraabanaya diinteena islaamka.

Inkastoo wali xaaladii amaandaro raadkeedii ka sii muuqdo Soomaliya, hadana waxaa muuqata Rajo, isbadal siyaasadeed iyo ififaalo nabadeed,,Laakiin su’aasha muhiimka ah waxay tahay shacabka soomaaliyeed kaalin intee la’eg ayey ku leeyihiin Horumarinta iyo taabogelinta Rajada Nabada Soomaaliya?mise rajadaas wuxuu xil ka saaran yahay hogaamiyayaasha Dowlada Fedraalka Soomaaliya kaliya?.

Xaqiiqdu waxay tahay in Rajada nabada soomaaliya masuuliyeeda ugu weyn uu saaran yahay shacabka soomaaliyeed,kaalintooda ku aadan xaqiijinta taabogelinta nabada. Waxaa in hoosta la xariiqo mudan Dadaalka hagar la’aaned ee hada ka socota soomaaliya qaasatan muqdishu ay horseed ka yihiin shacabka marka aad fiiriso kaalinta ay ku leeyihiin sugida amaanka iyo waliba sida ay ugu heelan yihiin in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si meesha looga saaro canaasiinta lidka ku ah amaba ka soo horjeeda nabad waarta oo ka dhacda Gayiga Soomaaliya.

Hadaan ugudogalo halku dhiga maqaalkan maxay tahay RAJADA MUUQATA?,,Rajada muuqataahi waa kow waxaan haysanaa Dowlad iyo Madaxweyne rasmi ah oo waa ka gudubney kumeelgaar waa rajo weyn,,waxaan leenahey Baarlamaan ubadan xubno aqoonyahano laysku haleyn karo iyana waa rajo kale oo weyn,,wxaan kaloo haysanaa Rasiisul wasaare iyo xubno kooban wasiiro ah ahna xubno aqoonyahano ah taasoo iyana ah rajo fiican. Waxaa kaloo iyana xusid mudan kana mid ah rajada maanta muuqataahi,,ka saarintaanka shabaabka magaalada muqdishu iyo qaar ka mid ah gobolada dalka iyo waliba siibaacsigooda si loomooso loona ciribjaro balaayadooda taasoo ah Rajo weyn oo aan la heli karin,,Dhisitaanka iyo tayeynta ciidamada xooga, iyo boliiska ayaa iyana ah Rajo muuqata oo lagu farxo,,taakuleynta iyo garab istaaga ciidamada AMISOM ayaana iyana ah rajo kale,,balanqaadka, la socoshada iyo dadaalka bulshada caalamka ee arimaha Somaaliya ayaa iyana ah rajo muuqata oo dhiirigelin u ah ka mira dhalinta nabada Somaaliya.

Sidoo kale qaadista isbaarooyinkii lagu dhici jirey Shacabka Soomaaliyeed in ka badan 21 sanadood ayaana iyana ah rajo weyn oo lagu farxo,,Magaalada Muqdishu oo dib udhismeysa ayaa iyana ah Rajo kale oo muhiim ah,,Niyadii shacabkoo soo noqotey ayaa ah Rajo weyn oo in la xuso mudan,,Garoonkii diyaaradaha iyo Dekada oo si habsami ah ushaqaynaya ayaa ah Rajo horumarineed oo muuqata iyana,,Hadalkii Madaxweynaha Prof.Xasan Sheekh ee ahaa in kufsiga loo gaysanayo dumarkeena uu yahay jariimo iyo danbi weyn cidii danbi gashana nuucuu doonaba ha ahaadee aan la cafin doonin ee ay mari doonto cadaalada ayaa ah Rajo kale oo wadada uxaareysa in sharcigu ka shaqeeyo Somaaliya,,hadalkii Raiisul wasaare Dr.Saacid ee ahaa in Dowladiisu ay la dagaalami doonto musuqmaasuqa iyo lunsashada hantida ummada ayaa ah rajo kale oo mustaqbalka keeneysa isxisaabin dhab ah oo ka hirgasha Somaaliya,,,sidoo kale dhawaaqii Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof.Jawaari ee ahaa in hanaanka cadaaladeed iyo tiirarkeeda dib loo unki doono ayna jiri doonto la xisaabtan iyo koontadrool dowladnimo ayaa iyana ah Rajo sukeysa in sharcigu uu qof kastaahi ka sareeyo sidoo kalena laga hortago oo meesha laga saaro in aan laysku dabagelin denbiyada lagu galo xafiisyada laga maamulo howlaha dowlada.

Ha halmaamin waxaa iyana Rajo kale oo muuqata ah wacyigelinta nabadeed ee joogtada ah ee ka socota 16 ka Degmo ee Gobolka banaadir iyo deegaanada kale ee laga xoreeyey kooxda alshabab kaasoo ay ka qaybqaadanayaan xubnaha ugu firfircoon ee bulshada qaasatan fanaaniinta, barbaarta gaashaama, gudoomiyayaasha degmooyinka, hooyooyinka iyo dhalinyarada,,wacyigelintan ayaa lagu adkeenayaa rajada cusub ee nabadeed iftiinkeedu soo muuqdo.sidoo kale waxaa iyana kaabaya Rajadan cusub dadaalka hagar la’aaneed ee ay wadaan hay’adaha amniga ka shaqeeya kuwaasoo har iyo habeen usoo taagan in ay la ka hortagaan falalka lidka ku ah amaanka ee ay maleegayaan ma quustayaasha haraatiga kooxda alshabab iyo cid walboo lid ku ah amaanka shacabka Somaaliyed.

Waxaa kaloo iyana ah Rajo aan marnaba la halmaami karin caawimaada joogtada ah ee walaalaheen Turkia iyo dowladooduba ay la garabtaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed,,tani waa astaan taariikheed aan marnaba ka tirmaynin quluubta shacabka Soomaaliyeed waxay na xasuusineysaa oraahdii murtiyaqaanka Soomaaliyeed ee aheyd “ABAAL BADAN,,ABAAL BADH AH,,,ABAAL BUR IYO DHEERAAD AH,,NINBA KIISA KAAN UGU BADALI BEERKA KA OGSOONI”.

Ugu danbeyntii Soomaalidu waxay tiraahdaa Sadar muuqda Su’aal ka dhan,,intaas oo Rajo ah iyo in kaloo badan ayaa ka muuqata maanta Dalkeena Soomaaliya,,dhamaan rajooyinkaas muhiimka ah ayey Rajo weyn ka qabaan shacabka Soomaaliyeed in ay soo celin doonto xuquuqihii ay shacabka Soomaaliyeed la haayeen oo ay ugu weyn tahay xaqa ay uleeyihiin in ay helaan Nabadgelyo taam ah, Xorriyad, Sharaf iyo Dowlad cadaalad ah oo damaanad qaada xuquuqahaas Insha Allah. Somaaliya Ha Noolaato,,

Qore: Cabdullahi Calas Jimcaale

Udoode Xuquuqda Beni’aadamka Somaaliya
Tel: +356 99175408
E-mail: alas_hractivist@hotmail.com  / alas.hrdefender@gmail.com
Malta.
Share

Tags:

Readers Comments (1)

  1. I’ve learned a number of important things via your post. I’d personally also like to state that there may be situation in which you will get a loan and never need a cosigner such as a Federal government Student Support Loan. But if you are getting that loan through a conventional bank then you need to be able to have a cosigner ready to allow you to. The lenders will certainly base that decision over a few components but the main one will be your credit history. There are some loan merchants that will additionally look at your job history and determine based on that but in most cases it will hinge on your score.



Arrimaha Bulshada

Ok

DAAWO:Barnaamijy Qiiro Leh “U Hiili Boqor Iyo Bartamaha By:Maryan Seylac

March 24, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Barnaamijka Bulsho ee ka Baxa Royal TV- ayaa shalayto waxaa soo-saaraha iyo soo-jeediyaha barnaamijkaasi, Maryan Saylac ay ...
ganaax_1

DAAWO:Arin Yaab Leh Oo Dhexmartay Gabar Yar Oo Sedex Jir ah Iyo Boliiska Mareykanka

March 20, 2014
Florida: (V.O.N):-Sheeko layaab leh oo ka dhacday Magaalada Florida ee Dalka Mareykanka ayaa soo jiidatay Warbaahinta Caalamka kadib ...
Cawaale22

DHAGEYSO:Al-Fanaan Cawaale Aadan Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasi ah

March 1, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Fanaanka Caanka ee Reer Jabuuti Cawaale Aadan oo ku Sugan Dalka Canada ayaa Ka sheekeeyay taariikhdiisa Dhanka ...
Guulled Adan

QISO Xanuunbadan:Bur Burkii Jaceylkeyga Waxaa Gacan Weyn Ka Geystay Saaxiibkeyga Qeybtii 2aad

February 27, 2014
   Muqdisho: (V.O.N):-Qisadaani ayaa ah mid cajiib oo marka aan diyaarinaye runtii dareen  badan igu abuurtay ayaan waxaan ka ...
guuled 3

(Guuleed Aadan Muuse):- Bur Burkii Jaceylkeyga Waxaa Gacan Weyn Ka Geystay Saaxiibkeyga (Qiso Jaceyl Oo Xanuun Badan Qeybtii 1 Kowaad)

February 11, 2014
waxaan salaamayaa aqristayaasha Sharafta leh salaan qaali ah salaan iyo bariido dabadeed ereyadaan waa kuwo kasoo burqanaayo qalibi nusqaamay ...
Abdifitah

DAAWO:Fanaan Caan Ah Oo Shaaciyay Inuu Fanka Isaga Baxay Codsadayna In Loo Duceeyo

January 19, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Fanaanka da'da yar ee sida weyn loo Taageero alfanaan Cabdifatah Axmed Tacabir (Cabdifitax Yare) ayaa sheegay inuu isaga ...
imagesCAIM9619

Cunug Mucjiso Ah Oo Ku Dhashay Israa’iil, Iyo Yahuuda Oo Ka Argagaxsan+SAWIRO

January 13, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Warbaahinta Israel ayaa baahisay in Magaalada madaxda Dalkaasi uu ku dhashay Wiil yar oo leh Hal il, ...
akshay-katrina-4

8-Da Jilaa Ee Ugu Dheesha Wanaagsanaa Bollywoodka.

January 1, 2014
Muqdisho: (V.O.N):-Akhristayaasha Sharafta leh ee Shabakadan Wardaye.com waxaan Aalaba usoo gudbineynaa Wararka ugu Xiisaha badan Dunida Sida Siyaasadda ...
15-300x225

Arin Naxdin Leh Oo Ka Dhaxday Muqdisho+Sawiro

December 31, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Maamulka Cusbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir ayaa Faah Faahin ka bixiyay laba Caruur Mataano ah oo ...
download12

Naxdin:Daawo Sheekh Umal Oo Yaab Leh Uga Jawaabay Galmada Afka

December 30, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Sheekh Umal oo ka mid ah Culimada aqoonta durugsan u leh ayaa waxaa la weydiiyay Su’aalo badan ...
1

Caruus Ka Dhuuntay Xaaskiisa In Lagu Guda jiray Xafladii Arooska

November 27, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Caruuskii ayaa ka dib dhacay in uu yimaado xafladii Guri gaynynta , durbana mid ka mida martida ...
1

DAAWO: Sawirada Ninka Dunida ugu Ilkaha Adag

November 11, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Andariis Jaardayn oo ah 64 jir ayaa loo aqoonsaday ninka ugu ilkaha adag waxaana ka mid noqday ...
sawir Mucjiso

Dalka Thailand Oo Lagu Arkay Arin Mucjiyo Ah+SAWIRO

November 11, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Wadanka Thailand oo dhaca bariga fog ee Qaarada Aasiya ayaa waxa uu ka dhacday Arin mucjiso ah,kadib ...
images

FADEEXAD:Agaasime Musuqmaasuqay Mushaaraadka Shaqaalihiisa

November 9, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Agaasime Xasan Cali Geeseey oo ah Rugcadaa Saxaafdeed , ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah Idaaccadaha ...
Hore

Daawo Video: Qaladkii Ugu Weynaa Ee Uu galo Wariye TV Ka Howlgala Taariikhda

November 5, 2013
London : (V.O.N):- Inta Badan Wariyaasha calamka ayaa  Qaladaad gala iyagoo warka Akhrinaya Sida wariyaasha Soomaalidaba  Qaladadka U galaan. Hadaba ...
%d bloggers like this: