Xarunta Nabadda iyo Saxaafada (SEPJO) Oo Xustay Tacadigii 2012-ka Loo Geestay Wariyaasha Soomaaliy +Sawiro

Published on December 10, 2012 by   ·   No Comments Waxaa Aqristay:1111

Nairobi: (V.O.N):-Wariyaal,masuuliyiin,Aqoonyahano,arday iyo wakiilka Hay’adda CPJ ee Bariga Afrika Tom Rhodes, ay ka soo qayb galeen ayna soo qaban qaabisay Xaruunta Nabadda iyo saxaafada ee loo soo gaabiyo (CEPJO) ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Ugu Horayn waxaa xaflada daah furay Xoghayaha guud ee Xaruunta Nabadda iyo Saxaafada ee CEPJO Maxamed Xaaji Xasan Abuukar,Isago ka hadlay dhibaatooyinkii wariyaasha loo geestay sanadkan sii dhamaanaya ee 2012ka.

“Sanadka 2012 wuxuu ahaa sanad madaw oo soo maray suxufiyiinta soomaaliyeed,Aad baan ugu walwalsanahay nabadgalyada suxufiyiinta sidoo kale waxaan dareemaya in ay wili bartilaaamayd muquda aan u nahay kuwa ku  caanbaxay daadinta dhiiga wariyaasha ” ayuu yiri Maxamed Xaaji Xasan oo ah ah Xoghayaha guud ee CEPJO.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in Xarunta Nabadda iyo saxaafadda ay soo dhawaynayso Talaabadii dhawaan xukuumada soomaaliya ay ku balan qaaday in lala xisaabtami doono kuwa dhibaatada iyo dabargoynta ku haya wariyaasah soomaaliyeed.

Tom Rhodes oo ah wakiilka CPJ ee Bariga Afrika oo isaga xafladaas ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay aad u uga xunyihiin dhibaatooyinka haysta wariyaasha somaaliyeed.

“Dilka suxufiinta waa ‘dambi aan loo dulqaadan karin waana arin aan si deg deg ah caalamaka u waydsanayo in ay wax ka qabtaan” ayuu yiri Mr Tom.

Tom Rhodes  ayaa sheegay CPJ iyo CEPJO ay yeelan doonaan wadashaqayn balaaran oo ku aadan sidii siwada jir ah logu istaagi lahaa in si muuqata wax loga qabto tacadiga loo gaysanayo wariyaasha islamarkana loo heli lahaa hannan cadaalad ah oo arinkaas logu xalin karo.

Dadkii ka hadlay waxaa kamid ah,Qaasim Maxamed oo ah masuul ka tirsnn CEPJO goobtana ka balan qaaday in CEPJO ay qorshaynaso wariyaasha soo qaxay ee kenya ku sugan in ay u samayso guri badbaada ah oo wariyaasha la dajin doono iyo xaruun Media Center ah taasi oo ka qayb qaadan karta yaraynta dhibaatooyinka wariyaasha soomaaliyeed ku haysata dalka kenya.

Xasan kuuriye oo ah rug caddaa saxaafadeed ,oo goobta xaflada ka hadlay ayaa ugu baaqay wariyaasah in aysan baqdin dartayd u joojinin howsha qaran ee ay umadooda u hayaan.

Sidoo kale Gudoomiyihi Hore ee  Ururka Dhalinyarada Suxfiyiinta Soomaaliyeed ee SOJYO Maxamed Nuur Axmed (Fanax ) ayaa ka mid aha masuuliyiintii goobtaas ka hadashay ,waxaana uu bogadaiyay balanqaadyada ay samaysay Hay’ada CEPJO.

Gudoomiye Ku xigeenka Xaruunta Nabadda iyo saxaafada Waris Maxamed ayaa cod tiiraanyo leh ku dalbatay in la joojiyo dilka wariyaasha loo geesanayo islamarkaana aysan wariyaasha maanta mudnayn in la beegsado.

Intii ay socotay Xafladaasi balaaran oo ay soo qaban qaabisay xarunta Nabada iyo saxaafafa ee (CEPJO) ayaa waxaa lagu soo gandhigay Book ay CEPJO ka diyaariysay dacdiyeenka wasriyaasha loo geestay sanadkii 2012, Ruwaayad ka tarjumaysay dhibaatooyinka wariyasha loo geeto, iyo daruufaha ku hareeraysan sufufiyiinta taasi oo siwayn ula dhaceen ka qayab galanyaashii.

Gabagabada munaasabdaasi oo CEPJO ay ku xusaysay Tacdiyiinta wariyaasha ugna magacdartay sanadkan sii dhamaanaya 2012 in uu yahay sanadkii guduudnaa ama Sanadkii Casaa ( The Read Year) ayaa waxaa shahaadoyin lagu gudoonsiyay arday ay xaruunta CEPJO u so xirtay siminaar sedex maalmood ah soconayay kaasi oo loo qabtay 12 arday oo Nairobi ka barata saxaafada.

Gudoomiyaha CEPJO Maaxiye Cabdi Nuur,iyo madaxa mashaariicda Xaruunta nabadda iyo saxaafda Burhaan faarah ayaa shahaada gudoonsiinayay ardaya iyadoo ay wehliyeen qaar kamid ah marti sharafta ka qayb gashay xafldaasi.












Cepjosom@gmail.c

Mhajji00@gmail.com

Nairob-kenya

Share

Readers Comments (0)




Arrimaha Bulshada

fgfyty-110x90

Hooyo u Dhalatay Dalka India Oo Canugeeda Ku Iibsatay Lacag Dhan 6$ dollar.

May 13, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Warbaahinta Dalka India ayaa waxa ay hadal heysaa Dhacdo Saddax maalin kahor ka dhacday Deegan ku yaalla ...
codkaqaranka

Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan

May 4, 2013
Muqdisho:(V.O.N):-Ogow Qaar ka Mid ah Siraha Haweenka ku Culus Oo Aanay Jeclayn In Marnaba Raggu Ay Ogaadaan
22

DAAWO SAWIRADDA: Haweeney iyadoo Hurdaysa Cunto Karsaneysa

May 1, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Sida ay jariirada u sheegtay haweenaydani, waxa marka ay subaxdii toosto aragtaa, tobanaan shay oo ay xalay ...
caweyska

DAAWO:Gabar Wariye Ah Oo Xafladii Arooskeeda Ka Carartay Si Ay Usoo Duubto ………….

April 22, 2013
Muqdisho: (V.O.N):-Gabar Saxafiyad Ah oo u  dhalatay Dalka Shiinaha Oo Lagu Magacabo Chen Ying Ayaa Ka Dhax Boodaty ...
qiso-dhab-ah

Nin Gabar Uuu Jeclaa Laga Guursaday Oo Gaari Xamuul Ku Weeraray Gawaaridii Gelbiska Loo Diyaariyay

February 6, 2013
Deeganka Midvale ee duleedka magalldda Salt Lake ee dalka Maraykanka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo ...
hambalyo-dhalasho2

Hambalyo Dhalasho Farxad Leh:Qadro Ahmed Tuwad Iyo Seygeeda C/Casis Aaden Gaaba Oo Wiil Ugu Dhashay Kismaayo

January 26, 2013
Nairobi: (N.O.N):-Waxaa halkaan tahniyaaaaad Dhakasho Farxad leh Ka dirayo Asxaabta iyo ehelada kala ah. 1.Hooyo Qadro  Ahmed  Tuwad 2.Aabo Suleman  ...
tahniyad

Tahniyad Aroos Farxad Leh Oo LOo Dirayo Lamaanaha Cali Sheikh Xassan Iyo Deeqo Cabdi Cisman.

January 25, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa Halkaan Tarniyad Aroos Farxad leh ka dirayo Asxaabta Kala ah. 1-Aabo Cabdi Cisman. 2-Hooyo Khaadija Idiris 3-Aabo Sheikh Xassan ...
385220_467166633330438_187659575_n

Fanaanada Samiira Naaji Oo Ka Caabaneyso Wabsite-yo Xog Been ah Ka Qoray

January 24, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Fananada da'da Soomaaliyeed Samiira Naaji ,kana tirsan Fanaaniinta Ku nool Qurbaha gaar ahaan Dalka Jarmalka ayaa si ...
timthumb.php

6 Qodob Oo Ragga Ku Kalifta In Haweenka Ay Been u Sheegaan

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Xiliga uu socdo Xirrika u dhaxeeyo lamaanha ,waxaa dhaca qaladada am aisfahan daro ka dhex dhalatao lamaanha ...
TUUG

DAAWO:Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo

January 23, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Tuug Iska Soo Iloobey Maasgaradii Wejiga Oo Qaab Xeeladeesan Wax u Dhacayo
timthumb.php

Astaamaha Lagu Kala Garan Karo Gabar Iyo Garoob!!!!!

January 22, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Inta badan Guurku waa mid ku dhisan Kalsooni & is aaminaad dhex marta labada lamaane ee nolol ...
naag

Sir Culus:Baro Qaabka Ugu Fudud Ay Ku Raaxeysan Karaan Lamaane Kala Fog

January 16, 2013
Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in ...
Muuqaal

DAAWO:Ila Qosolkii Aduunka Ugu Yaabka Badneed Oo La Soo Bandhigay

January 10, 2013
Nairobi: (V.O.N):-Waxaa inoo suurta gashay In aan idiiin soo gudbino Ila qosolkii aduunka ugu yaabka Badneed oo la Ssoo ...
qaliin

DAAWO: Naaga 3 Sano La Qabay Kadibna Isku Bedeshay Nin {Mucjiso}

January 3, 2013
Nairobi: (V.O.N):- Naag Mudo 3 Sano ah la qabay ayaa mar qura waxeey isku bedeshay nin ,kadib markii ...
Xaaxo Macaan

Dumarka Raga Kama Cafimayaan Qodobadaan Xiliga Galmada

December 24, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta ...

SHEEKOOYINKA

cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 13aad

October 7, 2012
Nairobi: (V.O.N): Gabadhii saaxiibteey eheed waxaan sugaba Subadii ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 12aad

September 30, 2012
Nairobi: (V.O.N):Gabdhii ayaa kaarar keenii gudaha la gashay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 11aad

September 23, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii Maxamed Qadar jaamac oo ka shaqeynayay ...
cry

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 10aad

September 16, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Waxaan soo baraarugay iyadoo dhinacyadeeyda ay taagan ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 9aad

September 9, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Askartii wey naga diideen In gacaliyehegii Mahad ...
crying-600x5361-300x26811

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 8aad

September 2, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Subaxdii labaad ee aan ku suganahay Xerada ...
crying-600x5361-300x2681

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 7aad

August 26, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Maalintii Labaad wxaan ku dheelmanay Xafiiskii Hay’ada ...
crying-600x5361-300x268

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 6aad

August 18, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii aan soo gaarnay Xerada IFO ee ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 5aad

August 12, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Makii ay qoarxdu dhacay Hoteelkiina Lacgtiisa aanan ...
crying-600x536

Mugdigii Nolosheyda Iyo Abaalka Aadmiga (Qiso Aad u Xanuun badan) Qeybtii 4aad

August 5, 2012
Nairobi: (V.O.N):-Markii uu wlalakiisa ii ogolaaday in uu ...