Muqdisho: (V.O.N):-1-Tariikhdu markay ahayd 1/7/1960 Xoriyadii iyo isu imatiinkii Somalida Konfureed iyo Somalida Waqooyi , waxana Madaxwayne loo doortay Adam Cabdalle Cusmaan (Adan Cadde) isaga oo Ra,isal Waasare ka dhigtay C/Rashiid Cali Sharmaarke ,Dawladasi Adan Cadde waxaa lagu tilmamaa in ay ahayd Dawlad Musuqmasaq iyo wax isdaba marin ku hawl gashay tasi oo markiiba ay Dadku daremeen isla markaba ay naceen tasi oo sababtay in C/Rashiid la doorto ,Aadan Cadde waxa uu Dalka Madaxwayne ka ahaa 1 julay 1960 ilaa 10 juun 1967 Aadan Cadde waxa uu Noolaa intii u dhaxaysay 1908 ilaa 8 juun 2007.
2-Tariikhdu markii ay ahayd 10 Juun 1967 waxaa Soomaliya Madaxwayne ka noqday C/Rashiid Cali Sharmaarke oo uu Ra,isal Wasaare u ahaa Halyaygii caanka ahaa ee Maxamad Xaaji Ibrahim Cigaal , Dawladasi C/Rashiid waxa Dadku ku tilmamaan in ay ahayd Dawlad laga filan karo in ay Dalka gaadhsiiso horumar la taban karo isla markana soo celisa Kalsonidii Umada Soomaliyeed ee luntay xiligii Aadan Cadde gaar ahaan dhinaca Dhaqalaha iyo ilalinta Hantida Dadwaynaha ,balkse Dawladasi C/Rashiid wax ay ahaan lahaydba ma anay Calfan Xukunkii Dalka waxana Dil Qorshaysan loogu gaystay Magalada Laascanood kadib markii uu Socdaalkiisii u horeeyay kusoo maray Dhulkii loo yaqanay Gobolada Waqooyi gaar ahaan Hargaysa, C/Rashiid Cali Sharmaarke waxa uu Noolaa 1915 ilaa 15 Oktoobar 1969 .
3-Tariikhdu markii ay ahayd 21/10/1969 waxaa Dalka Inqilaab aan Dhiig ku dadan ku qabsaday Janaraal Maxamad Siyaad Barre , Siyaad Barre waxaa lagu tilmama in uu ahaa wakhtiyadii hore Nin ay ka Daacad tahay Ururinta iyo Taaba galinta in la helo Umad Soomaliyeed oo wax qabsata,waxa uu qoray oo ilaa hada looga ayay Ololahii Afka Soomaliga oo la Qoray 21/10/ 1972
Hadaba waxaa marag madoona marka laga hadlayo waxyabahii burburiyay Dawladii Soomaliya ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Siyaad Barre, waxaa la tilmamaa in ay u wayneed Layntii iyo Gumaadkii Culimadii 10 ahayd ee sida badheedha loogu layay Magalada Muqdisho kadib markii uu si cad uga horyimi Siyaad Barre oo Quraanka Kariimka Ayado ka mid ah ku Jeesjeesay ,Culimaduna ay cadeeyeen in ay Danbi oo Kaba,ira ay tahay in Aayadka Ilahay la badalo,waxa uu Dilkaasi Muqdisho ka dhacay 23/1/1975 .
Tariikhdu markii ay ahayd 9/4/1978 waxaa Dhici,soobay Inqilaab lala magana in Xukunka lagaga tuuro Siyaad Barre kadibna markii uu Inqilaankaasi fashilmay waxa uu Dil Togasha ahlagu Xukumay 17 Nin kuwaa soo Dhagta Dhiiga loo daray , Inqilaabkasi waxa uu Qorshaysnaa in uu dhaco 12/4/1978 lakiin waa uu kasoo hormaray Cilado farsamo awadeed waxaanu dhacay 9/4/1978 kadibna waa uu Dhicisoobay .
Tariikhdu markii ay ahayd 1977 waxa ay Dawladii Soomaliya gashay Dagaal aad u wayn oo ay ku qaaday Dhulkii loo yiqiinaySoomali Galbeed Wakhtigan Xadirkana loo yaqana Kililka 5 aad ee Itobiya,hadaba Dagaalkasi waxa uu isna qayb ka ahaa burburkii ku dhacay Dawladii Siyaad Barre, kadib markii ay si Warmoogiya iyo Tababushe Xumo dhanka Siyasada ay ku gashay Dagaalkii loo yaqanay 77 kadibna Fadeexad iyo Foolxumo Siyasadeed ay kasoo Hoyatay keentayna Burburkan aynu ka hadlayno intiisa badan .
September 1978 Col. C/Laahi Yuusuf Axmad ayaa waxa uu markii u horeysay ka asasay Dalka Itopiya Jabhadii u horaysay ee la odhan jiray SSF taaso Bishii OKtobar 1981 isu badashay Jabhadii SSDF
Abrin 6 1981 waxaa la aasasay Jabhadii SNM oo lagaga dhawaqay Cariga Ingiriiska Jabhadasi SNM oo ahay midii kaliye ee sida aan gabashada lahayn uga hortimada Xukunkii Siyaad Barre kuna qaaday Dagaalkii socday mudada dheer ee Naf iyo Maalba galaaftay lana odhan karo waxa uu ahaa Dagaalkii sababay in Maxamad Siyaad Dalka Dibada uga Cararo iyada oo uu Dagaalkasi Hogaminayo Xiligi Dalka lasoo galay C/Raxmaan Axmad Cali (C/Raxman Tuur) iyada oo Dagaladasi ay dhinacyo ka ahayeen Jabhadahii Aasaasmay Xiliyadii Dagaalku uu socday sida UNC oo uu Gudoomiye ka ahaa Maxamad Faarax Caydiid iyo SPM oo uu Hogaminayay Axmad Cumar Jees .
Maxamad Siyaad Barre waxa uu Dalka ka baxay 17 Janaayo 1991 kadibna waxaa isku dhacwayn iskaga horyimi Cali Mahdi Maxamad oo Sheganayay in uu yahay Madaxwaynaha Dalka iyo Maxamad Faarax Caydiid oo ahaa Gudomiyahii UNC aadna u xoganaa.
Tariikhdu markii ay ahayd 3/3/1992 ayaa Qabqablayashii Dagaalka waxa ay kala Saxeexdeen Heeshiis Xabad Joojin ah oo ay soo abubushay Qaramada Midoobay taasi oo socon wayday.
Tariikhdu markii ay ahayd 24/4/1992 ayaa Qaramada Miidobay waxa ay Go,amiyeen in Wadanka Soomaliya loo diro 50 Qof oo Korka ka ilaaliya Xabbad Joojinta la kala Saxeexday ee an Cagaha Badan ku taagnayn,kadibna waxaa Diiday si cadna uga soo horjeestay Maxamad Faarax Caydiid isla 3/12/1992 ayaa Qaramada midoobay ay Go,amiyeen in Soomaliya loo Diro Diidamo Shisheeye oo uu Hogaminayo Maraykanku ,lakiin Maxamad Faarax Caydiid ayaa Dagaal Hubaysan kala horyimi Cidankii Maraykanka iyo cidduu Tageerayayba Tariikhdu markii ay ahayd 1/8/1996 ayaa Maxamad Faarax Caydiid uu u Dhintay Xabad ku dhacday Caydiid waxa uu Nolaa 15/12/1934 ilaa 1/8/1996 .
4-Tariikhdu markii ay ahayd 13/8/2000 waaxaa Dalka Jabuuti gaar ahaan Gobolka Carta lagu soo dhisay Dawlad Soomaliyeed oo loogu yeedhi jiray Dawladii Carta ,waxana Madaxwayne halkasi loogu doortay C/Qaasim Salaad Xasan oo uu Ra,isal Wasaare u yahay Cali Khaliif Galaydh ,Dawladasi oo lagu Magacabo Dawladii aan sinaba uga Fa,idaysan Dadaalkii ay ugu jireen Aduunwaynaha gaar ahaan Dalalka Muslimkaa siiba Carabta,iyada oo laga warhayo in Lacago aad u farabadan ay Dawladaasi ka heshay Dawlado badan oo Aduunkaa oo uu u horeeyo Sucudiga ,Imaraadka,Qadar,Masar iyo dhamaan Dawladaha Reer Yurub iyo Maraykanka ,waxa kaloo Dawladaasi lagu Xasuustaa 4.5 ka Maanta Soomali ku noqday Laf Dhuun gashay ee Dulmiga badani uu ka dhacay C/Qaasim Salaad Xasan waxaa si xoogan uga horyimi Qabqablayashii Muqdisho gaar ahaan Muuse Suudi,Maxamad Qanyare oo markii danbe loo Magacabay Xil Wasiir,waxaa kaloo ka mid ahaa ragii la dagalamay Maxamad Dheere iyo Rag badan oo kale.
5-Tariikhdu markii ay ahayd 10/10/2004 waa Barlamaankii Tageerada wayn ka haystay Dalka Itoobiya ay Madaxwayne ugu doorteen Dalka Kenya gaar ahaan Magalada Ildored Madaxwayne C/laahi Yusuf Axmad ,waxaanu Ra,isal Wasare ka dhigtay Cali Maxamad Geedi,kaasi oo soo xulay Wasiiro ka kooban 27 Wasiir ,kadibna Dawladasi waxyabaha aadka loogu xasuusto waxaa ka mid ah Gashaan Buuraysigii cidamadii faraha badnaa ee Itobiya kuwaasoo soo galay Dalka intiisa badan ilaa ay Casimada Soomaliya Muqdisho Dagaan Xiryona ka samaystaan
Tariikhdu markii ay ahayd 28/2/2006 waxaa Muqdisho lagaga dhawaqay golahii la Magac baxay Golaha Kacdoonka Diifaca Diinta iyo Dalka kaasi oo ay ku dhawaqeen Midawgii Maxkamadaha islamigaa ,Gudomiyana loogu doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmad ,si ay uga hortagaan Midawgii la odhan jiray Argagaxisa la Dirarka,Tariikhdu markii ay ahayd 28/12/2006 ayaa Cidanka Itobiya si toos ah waxa uu u galay Magalada Muqdisho taasi oo uu ka dhashay Dagaalkii Faraha lagaga gubtay ee ka dhacay Casimada iyo Nawaxigeeda sida Baydhabo iwm lana sheego ugu yaraan in ay ku Dhinteen Dad dhan 6000 oo Dhimasho ah iyo ku Dhawaad 8000 kun oo dhawaca sida ay sheegeen Hayada Xuquqal Insaanku ,waana dhacdooyinkii uga layaabka badnaa ee soomara Tariikhda Soomaliya kadibna waxaa halkasi ka bilawday Fashilkii iyo Fadeexadii C/laahi Yusuf taasi oo dhalisay in uu is Casilo 29/12/2008 isaga oo jooga Magalada Baydhaba.
6-Tariikhdu markii ay ahayd30/1/2009 waxaa Magalada Jabuuti lagu doortay Madaxwaynaha Dalka Soomaliya Gudoomiyahii Midawga Maxkamadaha Sheekh Shariif Sh Xasan isla markiiba waxa uu Ra,isal Wasare u doortay Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ,Dawladaasi Sheekh Shariif waxaa la odhan karaa markii Xilka loodhibay waxa ay hayeen Niman ku shaqaynaya dardar aad u fiican ,oo laga dheehan karo dib usoo celintii Sharaftii iyo Karamadii Soomaliyeed ee luntay,Sheekh Shariif waxa uu abaray isla markana Dadaalkisa u muujiyay in Shacbiga ,isaga oo isu tusay in uu wax la qabsan doono Taladoodana uu qadan doono,Sheekh Shariif waxa uu Geed Dheer iyo Geed Gabanba isugu taagay isaga oo dadaal dheerada muujinaya in uu xidhiidh aad u dhaw iyo mid durugsanba uu la samaysto Dawladahii uu Dagaalka kula jiray xiligii uu ahaa Gudoomiyaha Maxkamadaha (Siyaasadi waa dabin Dad aad u galayso Dadna kuu galayaan ) Sheekh Shariif waxa uu ka fikiray in uu Hankiisa Siyaasiga kor u qaado isla markana uu isku wado Arimo badan oo aan isqabanayn ,isaga oo isku dayay in uu xidhiidh dhaw la yeesho Dalka Itoobiya,in uu kalgacal iyo Wajji furnaan uu tuso Dawladaha Muslimkaa sida Masar oo Gacan siyasadeed ku siin jirtay xiligii uu Dagaalka kula jiray Itopiya iyo Dawlada Qadar , intaasi waxaa u dheera Dawlada wayn ee Maraykanka oo markiiba Siyasadeedii Soomaliya waxka badashay kulana dhaqantay Madaxwayne Shariif Dabaal joogtayn aan dhamanayn,
Hadaba Intaasi wixii ka daneeyay Sh Shariif Sumcadiisii Siyasadeed waxa aad modaysay in ay Hoos u soo dhacday kadib markii Xogaga aadka u Hubaysan ay kala horyimadeen Dagaal isugu jira Qarax,Milatari ,iyo Dacayaad ay ka sameyeen Sh Shariif kuna tilmameen Nin Laba Wajiila kula shaqaynaya Umada Soomaliyeed ,Sheekh Shariif hadii dhinac kale laga eego waxaa la odhan karaa waxa uu Dadaal badan ka gaystay Nabad galyada kooban ee ay Cududa iyo Cidankaba ay u yihiin Cidanka Amason,Madaxwayne Shariif waxa uu ku gulaysan wayay Samaynta Cidan Qaran oo Casimada o kaliya Nabgalyadeeda hanta ,Hadana waxaa la odhan karaa waxa uu ka tagay waxoogaga Nabadaa ee Muqdisho lagu dhex haysto ee ay gadhwadeenka ka yihiin cidamada shisheeye,waxa uu diyariyay Distoorka ku meel gaadhka ah ee qabyadaa ,waxa uu kasoo baxay Dagaal Jab iyo Hoog ah ilaa Wasiiro badan oo uu laha Qaraxyo lagu laayay,gabagabadii waxa uu ku fanaa in uu sura galiyay qabashada Dorashada Madaxwaynaha oo Muqdisho ka dhacday waana wax la qadankaro.
7-Tariikhdu markii ay ahayd 10/9/2012 waxaa Magalada Muqdisho lagu doortay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ra,isal Wasaare u doortay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Ra,isal Wasare Xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada Fawsiya Yusuf Xaaji Adam Cilmi Qabille,Dawladan waa ay cusub tahay waxaana laga filayaa marka aad eegto Sansankeeda Wanaag iyo Horu mar lakiin waxa aad dareemaysaa in Dawladan ay hortaalo Caqabado kalifi kara hadii anay ka Gaashaman in ay Kufaan isla markaana ay Fashilmaan,hadii ay ka hortagaan iyaga oo Dadaalkooda iyo Aqoonta ay u leeyihiin Shaqada adeegsanaya waa ay gulaysan karaan.
CAQABADAHA HORYAALA DAWLADAN XASSAN SHEEKH
1-Caqabadaha ugu waa wayn ee la odhan karo hadii aan laga talaabsan waa ay fashilin karaan Dawladan waxaa ka mid ah ,
Dhibatoyin kaga imaan kara Bulshada ay Madaxda u yihiin oo ah Bulsho Wakhti badan kusoo jirtay Hoog iyo Halaag isla markana Garaadkoda iyo Caqligoodaba uu ka buuxo Qabiil ,Eex,Nin Jaclaysi, waa Bulsho Rag Siyaasiyiin sheganayaa ay Marin Habaabiyeen kana leexiyeen Jidkii saxxa ahaa ee wax lagu fahmi lahaa , isla markana la gaadhsiiyay heer anay Indhahooduba anay Wanaaga Arag,waa Bulsho la kala furfuray oo Jahadii Saxa ahayd ee ay u socon lahayeen laga Lumiyay markii horana aan lahayn Xadarad iyo Ilbaxnimo soo jireena oo ay ku badbadiyaan Dhibatoyinka haysta ,Ilahay faraj khayrqaba haw furee.
2-Caqabadaha ka hor imaan kara waxaa ka mid ah Siyasad xumida Mala,awaalka ku dhisan ee ay Soomaliya kula dhaqbaan Dawladaha Jaarka iyo kuwa waawayn sida Maraykan iyo Yurub kuuwasi oo aan dacad ka ahayn in Soomaliya ay Cagaheeda isku taagto.
3-Caqabadaha waxaa ka mid ah Dhaqala xumida haysata Dawlada Xassan Sheekh ee Curdinkaa taasi oo aad dareemayso Wakhtigan Xadirkaa ee bilawgaa in anay haynin Dhaqale ku filan,lakiin waxa ay ila tahay hadii ay Guntiga Dhiisha iskaga dhigaan isla markana ay Lug iyo Faras u fulaan radinta dhaqeele ay Dawlada ku dhisaan ,waxa ay ila tahay in waxbadani u qabsoomaayo,waxanad ogataa in Dawladnimo waa Lacag iyo in aad hesho Dhaqale kugu filan iyo Caawimo joogta ah.
4-In la helo Ciidamo Dacad u ah Dawlada oo ka kooban Milatari iyo Poolis kuwaasi oo Dawlada ka difaaci kara dhamaan Cadawyada ay leedahay Dibad iyo Gudaba gaar ahaan cadawga Gudaha.
5-in ay iska ilaaliyaan Khilafaadkii Ragadiyay Dawladahii ka horeeyay gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Ra,isalwasaraa kana digtonadaan in ay markasta khilaafkooda gudaha ku dhamaystaan
6-In ay si xeel dheer ula socdaan dalalka cidamadu ka jogaan wadanka gudaahisa iyaga oo dandodana ku wadanaya sharkodana iskamilaalinaya oo aan iswada dhiibayn
7-Inay Dacad isu noqdaan iskana ilaaliyaan Tafaraaruqa, Barlamaanka markasta la tashadaan,
8-In ay Cadawgooda inta uu laxaadleeyahay ogadaan waayo Cadawgoodu Maanta mahan cadaw caadi ee waa Cadaw caalami ah oo dhamaan Dawladahii waawaynaa siyasadahoodee Wiiqay.
W/D:Khadar Ibrahim Aar.
Share
dowlada waa cusub tahay balse wax badan baa sugaaya insha allah tafaraaruq iyo muran siyaasadeed allaha naga ilaalsho waa na soo dhibeen wax badan dhegeheen ma maqlin wax aan ku faraxno waxaan illahay ka tuugeynaa inuu dowladaan ka dhigo tii khilaafka soo afmeerta tii illahay u soo diro masaakiintaas dhibabanaa mudada dheer oo nabad u keenta insha allaha guul baan u rajeyneynaa sheydaamada afka duubtana alla naga qabto meel ay kabaeenba hala waayo dhulka allaha la gooyo keligood aamiia aamin