Video: Dagaal ay dad ku dhaawacmeen oo Maraykanka ku dhexray Somali iyo Afrikan kale.
Published on February 15, 2013 by News War · No Comments
Waxaa Aqristay:2563
Dagaalka ayaa ka dhacay magaalada Minnesota gaar ahaan Minneapolis South High School.
TV 4 ayaa soo tabiyay muuqaalka dagaalkan.
4 qof oo dhaawacyo fudud soo gareen ayaa la dhigay cusbataalka magalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.
Waxa uuna dagaalku ka dhashay cunnto ay ku heshiin wayeen dhalinyaradii mesha ku sugineed ee xiliga qadada si mid uun uu filka u galo, waxaana halkaas ka bilowday in gacanta la isula tago kaddibana waxaa dagaalku sababay dhawacyo yaryar oo kala gaaray dhalinyaradii halkaasi ku dagaalantay.
Warbixintan muqalka ah aya sheegaysa in 8 wiil oo Soomaali ah iyo kuwa asal ahaan ka soo jeeda Afrikanka Maraykanka ay isgacan sareen, kaddibna dagaalku uu ku fiday iskuulka shan ilaa ay arday ku dhaw ilaa 300 is-ereryadeen.
Boosliska ayaa markiiba goobta yimid, waxaana ilaa iminka la baaray kaamirooyinka wax duuba ee ku xirnaa goobta in ay soo bandhigaa wax fal dambiyeed ah oo muujinaya dagaalkan.