Friday, July 25th, 2014

Askar ka Tirsan Ciidamada DF Soomaaliya oo lagu laayey Magaalada Muqdisho

Published on July 1, 2014 by   ·   No Comments Number of View: 5

Muqdisho (Codka Qaranka )—Kooxo Hubeysan ayaa Maanta waxa ay 3 Askari ku dileen Isgoyska Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in ay wateen Baabuur yar oo nooca raaxada ah iyagoo Markii ay falkaasi fuliyeen kadib isaga baxsaday Goobta.

Ciidamada la dilayay ayaa la sheegay in ay fadhiyeen Bar Kontarool xilligaas oo seddexdooda mid ka mid ah uu watay  qori.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa weeraradu ay ku sii kordhayeen Magaalada Muqdisho kuwaas oo isugu jiray dilal iyo qaraxyo iyadoo  ay imaanayaan weeraradaasi xilli Al shabaab ay sheegeen inay kordhinayaan Weerarada ka dhanka ah ciidamada DF Somalia iyo AMISOM iayadoo dhinaca kalana uu Madaxweynuhu sheegay in dowladdu ay diyaarisay qorsho ay ugu Magac dartay Nabad ku Afur.

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!