Please disable any ad-blocker you are using in your browser.

Thursday, October 2nd, 2014

Axmed Madoobe oo Iclaaniyay Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Published on July 30, 2014 by   ·   No Comments Number of View :5

shiikh axmed madoobe

July 30 2014.

 

Kismaayo ( – Codka Qaranka – )..hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka Jubba Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay qorshe maamulkiisu u diyaariyay sidii xarakada Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Jubada hoose.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Xarakada Shabaab in dhibaato joogta ah ay ku hayaan dadka rayidka ah eek u sugan degaanada ay ka arrimiyaan isagoona hoosta ka xarriiqay in ay ka qaataan shacabka Xoolo Baad ah oo ay ku sheegaan waa siduu hadalka u yiriye Zeko.

Hoggaamiyaha maamulka Jubba ayaa sheegay in waxaasi zeko ayan ahayn isagoona farta ku fiiqay in qofkii hal neef leh laga qaado neefkaas iyadoo Zekoloogu soo gabanayo isla markaana Dadka Reer Miyga ah loo fariisto Ceelasha Biyaha si xoolo baad ah looga qaado.

Arrimahaas oo dhan ayuu sheegay hoggaamiyaha inay uga aamusnaayeen Bishii barakaysneed ee lagu jiray isagoona ku hanjabay in wixii hadda ka dambeeya la qaadi doono dagaal gobolkaas looga saarayo xarakada Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dhamaan dadweynaha ku sugan gobolkaas in ay isku diyaariyaan dagaal lala galayo Shabaab isagoona ku amray dadka in ay iska dul qaadaan dhibaatooyinka ay ku hayaan wax uu ku sheegay Cadow Naftooda iyo maalkooda ku soo duulay.

Si kastaba hadalkan ka soo yeeray maamulka Jubba ayaa imaanaya xilli indhawaalaba ay soo baxayeen dhibaatooyin lagu eedeynayo Ciidamada Kenya iyo kuwa maamulkaas ay u gaystaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan degaanada ay ku sugan yihiin.

Readers Comments (0)