Wararka Maanta

Burcad Badeeda Somalida Oo Sii Saayay 7 Laheyste Oo India Udhashay.

Number of View :5

Garoonka diyaaradaha ee degmada Dhuusamareeb ayaa goor dhaweeyd laga soo duuliyay Todobo nin oo u dhashay dalka Hindiya, kuwaas oo muddo Afar sano ah u afduubnaa kooxo burcad badeed ah.

Todobada nin ee hindida ah ayaa loo soo duuliyay magaalada Muqdisho, halkaasoo ay uga sii ambabixi doonaan dalkooda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Dhuusomareeb ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay siideeynta Lahaystayaashaasi.

Burcad badeedda ayaa raggan muddo Afar sano ah ku heystay nawaaxiga degmada Xarardheere, iyagoo hore u sii daayay markabkii ay shaqaalaha ka ahaayeen kadib markii ay lacag madax furasho ah ka qaateen.

Diyaarad qaas ah oo ay dowladda federaalku u dirtay raggan hindida ah ayaa goor dhaweeyd ka soo qaaday garoonka diyaaradah ee degmada Dhuusamareeb, waxaana la filayaa ineey dhawaan la soo gaarsiiyo Muqdisho.

Hindi-ah-800x599

 

Previous post

C/raxmaan Ducaale Bayle Oo Ka Hadlay Qilaafka Madaxda Dowlada Somaliya.

Next post

Somali Pirates Released Seven Indian Hostages

Codka

Codka

No Comment

Leave a reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>