Friday, August 1st, 2014

Daawo Sawirada Taageere dhagta Qaniinyo looga jaray xili uu Koobka Aduunka Daawanayay

Published on June 29, 2014 by   ·   No Comments Number of View: 5

Taageere u dhashay Dalka Ingiriiska ayaa qeyb kamid ah dhagtiisa looga jaray Qaniinyo kadib markii ay is maan dhaafeyn taageere kale oo isna u dhashay isla Dalka Ingiriiska xili ay daawanayeen Ciyaartii dhaxmartay Xulalka England iyo Uruguay.

Warbaahinta Dalka Ingiriiska ayaa si weyn u hadal haya Qaniinyada ninkan taageeraha ahaa dhagta looga jaray , waxa ayna ku warameen in falkan uu ka dhacay garoonka Sao Paulo xili ay ciyaarayeen England iyo Uruguay ciyaartii kusoo dhamaatay 2 iyo 1.

Waxaan wali lasoo qaban ninkii dhagta ka goostay Taageerahan u dhashay Dalka Ingiriiska , waxaana socda Baaritaano ay iska kaashanayaan Booliiska Ingiriiska iyo kan Dalka Brazil.



 

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!