Thursday, July 31st, 2014

France oo u soo Gudubtay Wareega 8-da ee Koobka Aduunka

Published on July 1, 2014 by   ·   No Comments Number of View: 5

Xulka Faransiiska ayaa u soo baxay wareega 8-da koobka adduunka kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen xulka Nigeria ee qaaradda Afrika ka socday.

Faransiiska ayaa 11-kii Daqiiqo ugu dambeeysay ciyaarta ku dhaliyay labo gool taas oo u suura galisay inay si fudud kaga badiyaan Nigeria una gudbaan wareega sideed dhamaadka koobka adduunka oo jimcaha ay la ciyaari doonaan xulka Jarmalka.

Nigeria ayaa ku dhawaatay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta daqiiqaddii 19-aad markaas oo Axmed Musa kubad Taraarax ah uu dhaliyay laakin calan wadaha ciyaarta ayaa ku tilmaamay inay tahay off-side.

Paul Pogba ayaa laga bad baadiyay kubad halis ahayd daqiiqadihii hore ciyaarta markaas oo goolhaye Vincent Enyeama uu si wanaagsan ugu bad baadiyay.

Xidiga qadka dhexe kooxda Juventus paul Pogba ayaa dhaliyay kubad qurux badan kadib kubad baas uu ka hellay Mathieu Valbuena kadibna si fudud uu ku dib dhaafiyay goolhaye Enyeama.

Goolka 2-aad ay dhaliyeen xulka Faransiiska ayaa ahaa mid ay iska dhaliyeen Xulka Nigeria waxaana iska dhaliyay Joseph Yobo kana dhigay 2-0 ciyaartan.

Si kastaba Faransiiska ayaa u soo baxay wareega 8-da koobka adduunka inkastoo uu ku dhibtooday guusha uu ka gaaray xulka ka socday qaaradda Afrika ee Nigeria.

SAWIRO DHEERAAD OO CIYAARTA HOOS KA FIIRSO.

_75948649_022967024-1_75948650_022967343-1_75950248_022969197-1article-2675461-1F479B4B00000578-353_634x394article-2675461-1F4786B800000578-297_634x419article-2675461-1F4793D300000578-144_634x441article-2675461-1F47833C00000578-198_634x429article-2675461-1F47846E00000578-591_634x414article-2675461-1F47860F00000578-493_634x459article-2675461-1F47831100000578-682_634x412article-2675461-1F47832300000578-61_634x413article-2675461-1F47863500000578-659_634x459article-2675461-1F47874900000578-829_634x429article-2675461-1F47927500000578-929_634x440FBL-WC-2014-MATCH53-FRA-NGRFrance v Nigeria: Round of 16 - 2014 FIFA World Cup BrazilPaul Pogba fires a volley towards goalyohan-cabaye-france-nigeria

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!