Thursday, July 31st, 2014

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Dalka Koonfur Africa

Published on June 23, 2014 by   ·   No Comments Number of View: 5

South Arica (codka Qaranka) kooxo hubeysan oo u dhashay Dalka koonfur Africa ayaa toogasho  ku Dilay Ganacsade Soomaaliyeed  Deegaanka Strand  oo hoos tagta  magaalada Capetown ee Gobolka Western Cape  ee Dalka koonfur Africa, waxayna rasaastu ka haleeshay qeybta sare ee wadnaha Ganacsadahaasoo lagu magacaabi jiray  Xaamud sheikh Axmed Sheikh Cali,,

Alaha u naxaristee Ganacsadahan ayaa la.Dilay xili uu ku gudo jiray howlahiisa shaqo waxa uuna xiligasi watay gaarigiisa  oo lagu dhex toogtay   marxuumka  oo dadiisa lagu sheegay 30 sano jir,

Marxuumka geeriyooday ayaaa  waddanka koonfur Africa waxa uu joogay ku dhawaad Afarsano waxa uuna ifka kaga tagay gabar iyo wiil  kuwaasi oo ku sugan Dalka soomaliya   sida uu sheegay  Cabdulaahi sheikh Axmed Sheikh Cali   oo ah wiil  ay walaalo ahaayeen marxumka Geeri yooday

burcadda waxba kama qaadan Gaarigii iyo waxii saarnaa xitaa mobelkii uu watay  kama qaadan waxaa yiri   C/raxmaan Siyaad oo ka mid ah Ganacsatadii ugu horeysay oo  goobtaasi gaara  oo isna aan qadka telefonka aan  kula xiriirnay,

ciidamada police-ga deegaankaasi ayaa  gaaray halka  ey shaqaaqadu ka dhacday  waxa eyna halkaasi ka qaadeen marxuumka iyo Gaarigii uu watay waxa eyna geeyeen Xarunta Ciidamada police-ka  ayagoona sheegay in ey baarayaan xabadaha Gariga ku dhacay iyo  in burcadda Gaariga meel ka taabteen si loohalo cadeymo muujinaya faraha burcadda.waxaa  qutul yoom iska ah  Ganacsade soomaaliyeed oo lagu dilo Dalka  koonfur Africa ama lagu dhaco,

Alaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu wadaa in galabta lagu aaso Qabuuraha muslimiinta ee deegaanka Strand oo iminka ay  ka socoto qaban qaabada aaskiisa

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!