Wararka Maanta

LAYAAB: Aroos 80-Milyan Dollar Ku Kacay Oo Noqday Kan Dunida Ugu Qaalisan

Number of View :5

Bilyaneerka ugu qanisan dalka Hindiya ayaa arooska wiil uu adeer u yahay ku bixiyay aduun lacageed oo dhan sideetan milyan oo dollar, waxaana arooskaas oo marti sharaf tiradooda lagu qiyaasay shan boqol oo qof ka soo qayb galeen, ka adeegayay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka oo lagu badalay gaadiidka caadiga ah.

Arooskan oo ka dhacay Magaalada Barcelona ayaa socday muddo sadex cisho ah, waxaana Marti sharafta kala duwan ee ka soo qayb galay, la dejiyay dhismaha aroosku ka dhacayay oo sida hudheelada lagu raaxaysto oo kale loo diyaariyay, waxaana u adeegayay ilaa laba boqol oo shaqaale ah kuwaas oo qof walba sidii marti sharafeed hudheel degan loogu adeegayay

Bilyaneerka reer Hindiya ee caanka ku ah ganacsiga iyo warshadaha birta soo saara ee dalkaas, Lakshmi Mittal, ayaa wiil uu adeer u yahay ugu guuriyay, Magaalada caanka ku ah ciyaaraha iyo dhaqanka dalka Spain ee Barcelona, waxaanu ku bixiyay arooskaas lacagtii ugu badnayd dunida ee la xasuusan yahay ama aroos ku baxda, taas oo lagu tilmaamay mid rikoodhka jabisay.

Previous post

Haweeneey Sabab u Noqatay Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Mareykanka iyo Hindiya

Next post

ku Dhawaad 100 Al shabaab ah oo lagu dilay Duqaymo ka dhacay Somali

Codka

Codka