Wararka Maanta

Madaxweynaha Caalamka ugu Saboolsan oo manta xilka ka tagay + Sawiro

Number of View :5

Madaxweynihii hore ee Uruguay José Mujica maanta ayuu xilka banneeyay, ka dib markii uu codkiisa ka dhiibtay doorasho madaxweyne oo ku tartamayaan 7 murashax.

José Mujica waxaa loo yaqaan madaxweynaha ugu saboolsan dunida, 2010 ayuu qabtay talada dalka Uruguay,Mushaarkiisu waa $12500 ( Labo iyo Toban kun iyo Shan boqol oo Doollar),waxa uuna 90% ugu tabarrucay dadka saboolka ah ee dalkiisa ku nool,waxa uu diiday in uu madaxtooyada dego, baddelkeedana waxa uu ku noolaa guri uu deggan yahay oo ku yaalla duleedka caasimadda dalkiisa, madaxtooyadana waxa uu ka dhigay meel lagu qabto shirarka, laguna qaabilo madaxda dalka soo booqaneysa.

José Mujica waxa uu ku socdaa gaari uu isagu leeyahay oo qiimihiisu yahay $2000 (Labo kun oo doollar),kaas oo la sameeyay 1987-kii isaga ayaana badana kaxeysta.

Waa 75 jir, 14 sano ayuuna xabsi ku soo qaatay. Waxa uu sidoo kale suuqa geeyaa oo iibiyaa ubax ay isaga iyo xaaskiisu beeraan.

Mar la weydiiyay sababta uu saboolnimada u doortay wuxuu yiri ” Anigu sabool ma ihi, Sabool waxaa ah kuwa wax badan u baahan. Dadkeygu badankii waa sabool iyaga ayaana i doortay waana in aan sidooda oo kale u noolaado”

Uruguay waa dalka labaad ee ugu musuqmaasuqa yar dalalka Koofurta America, waxayna sameyay kobac dhaqaale oo xooggan intii uu maamulayay José Mujica iyo madaxweynihii xilka uga horreeyay.

images (2) images (3) download (8) download (9) download (10)

 

 

Waxaa Turjimay ” “” Hassan Ali Osman Istiila

Previous post

The second day of fighting in Kismayo continues.

Next post

Madoowe Nuunow oo Ciidamo ay hareereyeen Gurigiisa.

Codka

Codka

No Comment

Leave a reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>