Wararka Maanta

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somaliya oo amar ka bixiyay Dhuxusha taala Dekadda Baraawe.

Number of View :5

Baraawe ( Codka Qaranka )- Madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalintii shalay booqday Magaalada Baraawe ayaa meelaha uu sida gaarka ah u booqday waxaa ka mid ahayd Dekadda Macmalka ee Baraawe.

Xasan Shiikh ayaa Indhihiisa ku soo arkay Shixnad Dhuxul ah oo aad u fara badan oo Dekaddaas ku rasasaysan taasoo u diyaarsanayd in dibadda loo dhoofiyo ka hor intii Ciidamada Dawladda iyo Amisom halkaa la wareegin.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Dekadda baraawe ayaa amar ku bixiyay inaan Dhuxushaas la dhoofiniyadoo la tix galinayo awaamiirtii hore Xukuumaddu arrintaa uga soo saartay iyo baaqii ka soo yeeray Qaramada midoobay. Oo ku baaqay in la joojiyo dhoofinta Dhuxusha.

Xasan Shiikh Madaxweynaha ayaa Dhuxushaas ku amray in gudaha Dalka loo Isticmaalo isla markaana ay mamnuuc tahay in mar dambe Gobolkaas dhir laga jaro ama dhuxul laga dhoofiyo.wixii hadda ka dambeeya.

Magaalada Baraawe Dekadda Macmalka ah eek u taala ayaa ahayd meelaha ugu badan ee dhuxusha laga dhoofiyo gaar ahaana xiliyadii ay halkaa ka talinayeen Dagaalyahanada Shabaab oo iyagu ka heli jiray Dhaqaale aad u fara badan.

Si kastaba amarkan ayaa waxaa saluugay Ganacsatada Dhuxushaas oo qudhooda ka heli jiray Macaash aad u badan.

 

dekadda baraawe booqashada

Previous post

Dalka Somaliya oo Maanta laga Xusayo Maalinta Calanka Soomaaliya ee 12ka Oktobar.

Next post

Somalia Banned Charcoal Trade At Port Barawe.

Codka

Codka

No Comment

Leave a reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>