Please disable any ad-blocker you are using in your browser.

Wednesday, October 1st, 2014

Madaxweynaha DF oo Iclaamiyey hawlgalka Badweynta Hindiya oo lagu soo Af Jarayo al Shabaab

Published on August 6, 2014 by   ·   No Comments Number of View :5

Washington(Codka Qaranka) – Madaxweynaha DF Soomaaliya oo waraysi gaar ah siiyay  Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya maalmaha soo socda ay bilaabeyso duulaan ka dhan ah Al-Shabaaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

“ Howgalka aan bilaabeyno oo aan ugu Magac darnay Badweynta Hindiya waxa uu bilaaban donaa maalmo gudahood , waana howl galkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab aan kaga saareyno Soomaaliya “ sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan oo isaga Washington ku sugan la hadlayay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ayaa carabka ku adkeeyay in howl galka Indian ocean (badwaynta Hindiya) ay ka go’antahay dowladda in uu guuleysto loogana saaro Al-Shabaab deegaanada iyo degmooyinka ay maamulaan .

“ Wey iska cadahay in Al- Shaabab in ay  daciifeen waxaana cadayn taasi u ah waxaa lagala wareegay deegaano muhiim ah waxayna isku dayayaan Al-Shaabab in ay ciribtiraan aniga iyo Masuuliyiinta sar sare ee dowladda taasi horay ugama aysan guulaysan kuma guulaysan doonaan Mustaqbalka sidaasi ayaa laga soo xigtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud .

lama oga waxa uu soo kordhin karo howl galkaan cusub ee Madaxweynuhu ugu Magac daray Badwaynta Hindiya iyadoo ay xusid mudan tahay in howl gallo horay dowladdu ay u soo bandhigtay oo uu ka mid ahaa howgalka Bishii Ramadaan ee Nabad ku Afur loogu wanqalay uu fashilamay dadka Muqdisho ku nool ay ku tilmaameen in uu isku badalay Naxdin ku Afur.

UNDP_attack_Somalia_400x300

Readers Comments (0)