Friday, August 1st, 2014

Madaxweynaha oo ku Amray Hayadaha Amniga inay ka soo Warbixiyaan Dilkii Xildhibaan Xayd

Published on July 3, 2014 by   ·   No Comments Number of View: 5

Muqdisho (Codka Qaranka) Madaxeweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dilkii maanta magaaladda Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee marxuum xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd) oo ka mid ahaa Xlidhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo askarigii ilaalada ahaa ee la socday.

Madaxweynaha ayaa AMAR ku siiyey hey’adaha ammaanka ee ku shaqada leh ka hortaga iyo dabal-galka arrimahaan inay si deg deg ah war uga keenaan falkaan iyo falalka noocaan oo kala ah ee ka dhacay Muqdisho.

“Hey’adaha Ammaanka ee ay shaqadoodu tahay inay ka hortagaan falkaan oo ay kooxaha nabad diidku sameyeen nooca ay doonaanba ha ahaadeene waa inay sababtu soo cadeeyaan. Hey’adaha amniga waa inay sameeyaan baaritaan natiijadiisu aan ka sugi doono. Shacabka Soomaaliyeed uma dulqaadan karo sii socoshada dilalka qorsheysan ee kooxaha naf lacaariga ah sameynayaan” ayuu yir madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri.” Kooxaha dhagar qabayaashu ee rabitaankooda yahay inay umadda argagixiyaan xili bisha Ramadaan waxaan leeyahay dhammaan masuuliyiinta dalka, ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar ayey u yihiin inay Dalka iyo Diinta idinka difaacdaan isku dayga aad sameyneysaanna amniga iyo dadaalkeennu waxba uma dhimi doono”.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ciidamada ammaanka ku garab siiyaan sidii kooxahan sharciga loo horkeeni lahaa.

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!