Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxaweynaha Faransiiska

Number of View :5

Paris( Codka Qaranka )- Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa maanta xarunta Madaxtoooyada ee Jamhuriyadda Faransiiska si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Labada Madaxweyne waxay ka wadahadleen iskaashiga labada Jamhuuriyadood ee Soomaaliya iyo Faransiiska ee dhinacyada difaaca, ammaanka iyo horumarinta.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka mahad celiyay soo dhoweynta isaga iyo wafdigiisa iyo taageerada ay Dowladda Faransiisku oo kursi joogta ah ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaalmada ay ka geysato ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo la dagaallanka kooxaha xag jirka ah ee umadda Soomaaliyeed kala dagaallamaya nolosha.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Madaxtooyada Faransiiska tan iyo markii ayt burburtay Dowladda Soomaaliya sannadkii 1991.

Ka hor inta aan labada Madaxweyne kulmin, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu salaam sharaf ka qaatay ciidammada Madaxtooyada Faransiiska.

 

paris

Previous post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Bujumbura kula kulmay Madaxweynaha Burundi.

Next post

Garoowe Qoys Keliyaa ku Heshiiyey !!

Codka

Codka

No Comment

Leave a reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>