Somali Youth Contact (SYC) Waxaa Aqristay:605

 

Somali Youth Contact (SYC) waxaa la aasaasay 20/02/2009, sababta keentay in la aasaaso waxay ahayd, kadib markii aan aragnay kala daadsanaanta, wada xariir la’aanta, wax wada qabsi la’aanta iyo iska warqabid la’aanta kadhax jirto dhalinyarada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa wada tashi lasameynay, dhiiragalina nagu siiyay aasaasidda SYC qaar kamid ah waxgaradka, aqoonyahanada iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ujeedada iyo hadafka SYC

Ururka shaqadiisa waxay tahay; isku keenista, mideynta talada, fikirka, maskaxda iyo awodooda dhalinyarada Soomaaliyeed. Wax uqabadka bulshada, hormarinta dalka, kuboorinta dhalinyarada qaadashada qalinka iyo buuga, iyo  kudadaalida qaranimada. Iyo cirib-tirka is naceebka, qabyaaladda iyo qoriga.

 SYC uma dhisno dano shaqsiyadeed, dano gaar ah, Qabiil iyo Gobol midna, laakiin waxuu udhisan yahay danaha Soomaaliweyn, daryeelida iyo caawimaada dadka, iyo hormarinta dalka. Qofkasta oo Somali ah, leh caqli saliim, fakir wanaagsan iyo talo meel mar ah waa lagu soo dhawaynayaa kamid noqoshada SYC, waana loo baahanyahay fikirkiisa taladiisa, tageeradiisa iyo codkiisa, waana noo muhiim. Lagama yaqaan SYC nin jeclaysi iyo ina adeer. Qofka waxuu wax ku noqon karaa aqoontiisa, howl karnimadiisa iyo in uu bulshada u dhanka wanaaga ujiheyn karo.

Ururkaan ayaa Page isku xira ku leh boga Facebook ee bulshada kuwada xariirta waxaana uu ugu tala galay page-kaas in ay dhalinta ku jirta ururka ee qaaradaha kala duwan jooga aragtiyadooda kale duwan isku dhaafsadaan isla markaana ujeedka iyo waxqabdka ururka lagu soo bandhigo.

Facebook.com/somaliyc

 

 

Share
   
   

Bogga Hore ku Laabo