Please disable any ad-blocker you are using in your browser.

Sunday, September 21st, 2014

Tarsan oo Shaki Geliyey in Golaha Wasiirada ay Waajibaadkooda Fuliyaan

Published on July 5, 2014 by   ·   No Comments Number of View :5

London (Codka Qaranka)—Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ku sugan Magaalada London ee Dalka Ingriiska ayaa waxuu ka hadlay marxalada Siyaasadeed uu haatan marayo Dalka waxuuna shaki geliyay in ay gutaan Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowladda Waajibaadkoodka loo igmaday.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa tilmaamay in la kala aqoonsan la’yahay Xildhibaanada iyo Wasiirada in ay u adeegaan Qaranimada Soomaaliyeed iyo inkale sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay danaha gaarka ah in laga horumariyo guud ee Umadda Soomaaliyeed taasi uu ku tilmaamay in Astaan dhab ah ay u noqon doonto Qaranimada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu baaqay Xildhibaanada iyo Wasiirada Dowladda Soomaaliya in ay ka wada shaqeeyaan horumarka Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Readers Comments (0)

Comments are closed.