Please disable any ad-blocker you are using in your browser.

Tuesday, September 30th, 2014

Warkan Kuma Farxi Doonaan Jamaahiirta Kooxda Arsenal

Published on August 24, 2014 by   ·   No Comments Number of View :5

Qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Sami Khedira  ayaa sii joogi doono Bernabeu xilli ciyaareedkan sida laga soo xigtay tababaraha kooxda  Carlo Ancelotti.

Xidiga heerka caalami ee ku soo guuleystay Koobka Aduunka oo 27 jir ah ayaa lala xiriirinayay in uu ku biiri doono Arsenal ama Bayern Munich kaddib markii Ancelotti uu sheegay in laacibkan Germany uu diiday in uu saxiixo qadaraas cusub.

“Arinta ku aadan Khedira sidoo kale waa la xaliyay waxa uu sii joogi doonaa halkan waan ku faraxsanahay sidaas”. Macalinka reer Talyaani ayaa sidaasi sheegay.

Ancelotti ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in Angel Di Maria oo 26 jir ah uu macasalaameeyay Real Madrid isla markaana uu ku biiri doono kooxda Manchester United.

1408881164372_Image_galleryImage_FILE_PHOTO_Reports_say_Ca

Readers Comments (0)